Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Somali army cleaning CODE Never ever happen before)

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
bashe19
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2763
Joined: Thu Apr 11, 2013 6:57 am

Somali army cleaning CODE Never ever happen before)

Postby bashe19 » Fri Mar 22, 2019 5:37 am

Immisa Askari oo aan kamid aheyn ciidamada XOOGA ayaa kusoo baxay Tirakoobka ciidanka (Warbixin)
March 22, 2019


Muqdisho (Caasimada Online)-Kudhowaad muddo todobaad ah ayay taagan tahay xiisadda ciidanka ka soo baxay furimaha hore ee dagaalka iyaga oo ka cabanaya mushaar la’aan, xukuumaddu waxa ay sheegtay in la bixiyay mushaarka ciidanka u diiwaangashan iyada oo raaceysa warbixinta diiwangelinta ciidanka XDS, waxa ay ntaas raacisay in ciddankii aan diiwan gashaneyn ay iska xaadiriyaan barahooda si loo diiwaan geliyo.

Mustabal ayaa haddaba u kuurgashay baarisna ku sameysay sababaha rasmiga ee ka dambeeyay xiisaddan, halka ay dhibaatada iyo isfaham waagu kajiraan iyo sababta keentay Isbeddelka lagu sameeyey saddex hoggaan oo katirsan ciidanka XDS

Tira-koob ay si wadajir u sameeyaan Wasaaradaha Gaashaandhigga, Maaliyadda, Taliska ciidanka xoogga dalka iyo xafiisyada madaxweynaha iyo Raisalwasaaraha oo ay warbaahinta aragtay ayaa muujiyey in tirada ciidanka XDS tahay 16,000 (Lix & toban kun oo Askari) Tirakoobkan ayaa socday November 2017 ilaa 1da Maarso-2019, tiradaas waxaa dheer askar boqollaal lagu qiyaasayo oo dhaawac iyo tababar ku maqan iyo kuwo geeriyooday oo xaq ahaan ay reerihii ay katageen u qaataan mushaarkoodii, waxaa kale oo jira ciidan gaaraya Boqolaal askari oo u badan Shabeellaha dhexe kaas oo ay u suurageliweysay in la tirokoobo kaddib markii ay taliyeyaashiisu diideen in la diiwaangeliyo ciidankaas.

Tirada ciidanka xoogga dalka ee kujirtay galka Wasaaradda gaashaandhigga ayaa ahayd 25,000 (Shan & Labaatan kun oo Askari) oo qaadanayey mushaar muddo labo sano oo ay talada hayso xukuumadda madaxweyne Farmaajo, sida lagu xaqiijiyey tirakoobka ay sameysay dowladda Soomaaliya 9,000 Sagaal kun oo magac oo ay dowladdu u aqoonsatay in ay yihiin magacyo been ah oo aan jirin ayaa kujiray tirada ciidanka XDS, ee kujirtay galka wasaaradda gaashaandhigga, taasina waxa ay kadhigeysaa in hay’adda ciidanka XDS ay kudhacday kiiskii ugu weynaa ee musuqmaasuq ee kadhex-dhacda ciidanka.



Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa qabta in nidaamka cusub ee keydinaya xogta xisaabeed ee askarigu uu meesha ka saarayo in taliyeyaashu lacag kaash ama caddaan ah ay ka qaadaan bangiga dhexe si loogu bixiyo mushaarka ciidanka, waxa ay xukuumaddu sheegtay in ay u qaadatay go’aankaas si looga fogaado Musuq, waxa ay ku doodeysaa in aan loo dhaxeyn karin bankiga dhexe iyo askariga marka laga hadlayo mushaarka.

Warbixinta ayaa tilmaameysa in $3,200,000 (Saddex milyan iyo laba boqol oo kun oo dolar) oo kaash ah ay gacanta ku qaadi jireen taliyayaasha ciidanka bil walba si loo bixiyo mushaaraarka ciidanka XDS, taas oo ay xukuumaddu aaminsan tahay in asyan ku bixin waddo sax ah.

Isbedelka hoggaannada:

Soo if-bixidda eedda iyo tuhunka kusaabsan in sagaal kun oo magac oo been abuur ah ay kujireen tirada ciidanka XDS ayaa xukuumadda ku qasabtay in ay isbedel ku sameyso saddexda hoggaan ee ay arrintani saameysay, waxaana kamid ah Hoggaanka ciidanka oo masuul ka ah tirada ciidanka, Hoggaanka Maaliyadda oo lacagaha ka soo qaadi jiray Bangiga dhexe iyo hoggaanka saadka oo ciidanka ugu qeybsanaa raashinka IWM.

Taliyeyaashii saddexdan hoggaan ee la bedelay ayaa xilalka hoggaanadaas hayay muddo tobonnaan sano ah, culeys siyaasadeed oo ay siyaasiyiinta la heybta saareen madaxda sare ayaa la aaminsan yahay in ay ka badbaadisay in la soo xiro lana maxmakamadeeyo. Sidoo kale waxa kale oo la helay taariikh nololeedka saddexa taliye ee la magacaabay oo qabanaya xilalka ay banneeyeen taliyeyaashii hore ee saddexdaas hoggaan, Taliyeyaasha cusub oo ah dhallinyaro da’da soddomeeyada ku jira ayaa ka soo kala qalin jebiyay jaamacado iyo akaadimiyado ku kala yaalla Turkiga, Taliyaaniga iyo Maleysiya.

Qandaraaska Raashinka Ciidanka

Warbixinta ayaa sheegtay in shirkadda Kashram oo haysatay Qandaraaska fududeynta iyo bixinta Raashinka ciidanka XDS laga joojiyey sii haysashada qandaraaskaas iyada oo dib loo xayeysiinayo qadaraaskaas maaddaama ay isbedeshay tirada ciidanku, ilo kudhow xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in tirada cusub ee ciidanka XDS oo ah 16 kun oo Askari lagu saleynayo Mushaarka iyo kharashka adeegyada kale ee ciidanku u baahan yahay.

Ciidanka XDS ayaa la siin jiray Raashin kusaleysan 25 kun, 10kun oo kamid ah waxa bixinayey UNSOS, iyada oo Shirkadda Kashram ay bil walba kaqaadan jirtay dowladda Soomaaliya lacag dhan $1,500,000 (Milyan iyo Shan boqol oo kun oo Dollar)

Raisalwasaare Xasan Cali Khayre oo kahadlayey dhaqaalaha ay xukuumadda Soomaaliya ku bixiso ciidamada qalabka sida ayaa yiri:- “ 2017 inta dowladdeenu jirtay laga soo billaabo January ciidamada qalabka sida dowladda Soomaaliyeed waxa ay ku bixisay lacag tiradeedu ay gaareyso $89,000,000 (Siddeetan & Sagaal milyan oo Dollar), 2018-kii waxa aan ku bixinay 102,000,000 (Boqol & Laba milyan oo Dolar), 2019-ka waxa aan rabnaa in aan ku bixino ugu yaraan $107,000,000” (Boqol iyo Todobo milyan oo dollar).

Sooyaalka dhow ee tirakoobyada Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda

Xilligii xukuumaddii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa la sameeyey tirakoobka shaqaalaha rayidka ah ee dowladda Soomaaliya si loo saxo loona hubiyo mushaarka shaqaalaha, xilligaas waxa dhacay muran iyo buuq badan oo sababay in la beddelo agaasimayaal si loo hirgeliyo nidaamka tirakoobka shaqaalaha rayidka ah ee dowladda, waxa ayna xukuumaddii madaxweyne Xasan Sheekh kala kulantay qaadistaa tallaabadaas dhibaato weyn.

Xeeldheerayaasha arrimaha siyaasadda iyo amniga Soomaaliya ayaa aaminsan in xiisaddan ay tahay mid maamul oo ay xukuumaddu dhinac ka tahay, welwelka xukuumadda ee diiwaangelinta ciidankana waxa muujiyey muuqaal laga duubay Raisalwasaare Kheyre oo sheegaya sida dhiiwaangelinta ciidanka iyo sameynta xogta xisaabeed ee askarigu u tahay Khad cas oo ay taabashadiisu leedahay saameyn xun

Xigasho Mustaqbal Radio

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

:dj:

User avatar
bashe19
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2763
Joined: Thu Apr 11, 2013 6:57 am

Re: Somali army cleaning CODE Never ever happen before)

Postby bashe19 » Fri Mar 22, 2019 5:58 am

23 posts
1


2


Next


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE




User avatarAbkoowDhiblaawe SomaliNet Super
SomaliNet SuperPosts: 10817Joined: Fri Jan 18, 2013 7:02 pmLocation: chilling in Liido beach


Breaking: Holy shit UN vacating xalane

Quote


Postby AbkoowDhiblaawe » Wed Mar 20, 2019 10:27 am

MAFIA KA SOO BAXA FORUMAHA II SHEEG YAAKU GUBANAAYA? :stylin:

When i warned about the security issues. Farmaajo supporters mainly from his subclan pretended all was good.


Hiiraab are leaving the fronts after not being paid for a long time. No hiiraab will die for Farmaajo or kheire. UN is shitting their pants and leaving xamar coming days. Intaaso jeer aa lahayn war jooga. You reap what you sow.


Top

--------------------------------------------------------------------------------




User avatarAbkoowDhiblaawe SomaliNet Super
SomaliNet SuperPosts: 10817Joined: Fri Jan 18, 2013 7:02 pmLocation: chilling in Liido beach


Re: Breaking: Holy shit UN vacating xalane

Quote


Postby AbkoowDhiblaawe » Wed Mar 20, 2019 10:29 am

Wasiirka Amniga and abanduulaha xooga dalka are im balcad as we speak begging ciidanka to return to the front

User avatar
bashe19
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2763
Joined: Thu Apr 11, 2013 6:57 am

Re: Somali army cleaning CODE Never ever happen before)

Postby bashe19 » Fri Mar 22, 2019 6:03 am

Ciidankaan, ciidankii iyagoo 9 bilood qatan furumaha kujiri jiray maahinoo, aryaa siyaasada qabiilaysan igalaher. Ciidanka walatirakooba, inta yar ee tuugta, we saddexda mushaar qaadaneysaa la tirtiraa, inta iyagoo mushaar ciidan qaadanaya hoteelada xamar ka shaqaysaneysaa la qabanaa, kuwa iyagoo mushaarka ciidanka qaadana xamar mooto bajajka kuwatalayska qabanaa, tirada yar ee mafia ciidanka kujirta laqabanaa xaa kudidaysiin.

HAWIYOW MAHA SHARCI IYO QAANUUNA LAGA HIRGELAA, CIDLAGA YEELA INEY AFAR MUSHAAR QAADATO XAARAANA MAJIRAYSO AMA MAHADAAY KASOOBAX AMA KAARAAN KASOOBAX ADEY KU JIRTAA



:dj:

User avatar
bashe19
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2763
Joined: Thu Apr 11, 2013 6:57 am

Re: Somali army cleaning CODE Never ever happen before)

Postby bashe19 » Fri Mar 22, 2019 11:49 am

Hawiye dowladnimo dantooda maaha, bililiqo unbay doonayaaan



:dj:

Nubis
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3697
Joined: Mon Dec 14, 2015 7:40 am

Re: Somali army cleaning CODE Never ever happen before)

Postby Nubis » Fri Mar 22, 2019 11:57 am

^Nice article.

User avatar
bashe19
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2763
Joined: Thu Apr 11, 2013 6:57 am

Re: Somali army cleaning CODE Never ever happen before)

Postby bashe19 » Sat Mar 23, 2019 6:32 am

Prime minister Khayre said; Those forces whom made demonstration, because of registration and reform, why didn't they vacate the frontline, when they had not got their salary more then 9 months? This is excitely what I said before in this forum.
Somali haysan madaxdooda adeecayn o karaameyneyn maxay rabaa marka dowlad la,aan iyo rowdo inay waligood ahaadaana?


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: Garadkin and 32 guests