Macawisleey in shabellada dhexe.
Degaanka Xalfooley oo dhaca aagga Ceelbaraf, Shabeellada Dhexe, una dhow soohdinta Hiiraan, saakay waxaa lagu dhalaaliyay gaari Cabdi Bile ah iyo wixii saarnaa oo Alshabaab ah. Howlgalka jidgalka ah waxaa fuliyay ciidan Macawisleey degaanka ah hore ay dagaallo badan u dhexmareen ayaga iyo argagixisada Alshabaab.
Warkaas micnihiisu waa in aaney Alshabaab nabad ku mari karin waddada xiriirisa Ceelbaraf iyo Aadan Yabaal oo qeyb ahaan Hiiraan dhex marta. Duullaankii ay Maxaas iyo Cadale ka filanayeen na uu gondahooda ka dhashay. Macawisleeyda Xalfooley ayaa doorbiday intii duullaan loogu imaan lahaa in loo soo gurmado.
Ciidamada Dawladda iyo dadka hiiraan oo is kaashanayaa ayaa saaka aroortii hawlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka xalfooleey ee Gobalka Shabeellaha dhexe.
Ciidamada oo si xirfadaysan jidka ugu galay Maleeshiyaadka socoto ahaa iyadoo gubay mid ka mid ah gawaaridii ay wateen Khawaarijtu sidoo kalana dilay tobaneeyo ka tirsan maleeshiyaadka halkaasi isaga kala gudbayay.
Qorshahaan oo ah mid ku cusub argagixisada oo aan horay u aqoon dagaalka nuucaan ah ayaa sababidoona in aysan si fudud isugu gudbin gurmadka Kooxda Alshabaab.
Ciidamada dawladda iyo dadka deegaanka ayaa halkaas ka wada hawlgal lagu Dhammeystirayo Haraadidiga maleeshiyaadka ku kala firxaday dhulka Howdka.
Wixii faahfaahin ah dib ayaan idinkala soo wadaagidoonaa.
https://m.facebook.com/story.php?story_ ... 3528791799