Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

5 years of Fattening Al Shabaab is behind the bombings

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
sahal80
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21124
Joined: Sun Jan 08, 2012 1:49 pm

5 years of Fattening Al Shabaab is behind the bombings

Postby sahal80 » Sun Nov 06, 2022 4:05 pm

Waxey xukunka kala wareegeen rag shan sano cayiliyay shabaab una ogolaaday iney lacag baad ah ka qaataan albaab kasta oo furan, sanadkii 2020 illaa bartamihii 2021 waxey shabaabku ka aruursadeen lacag gaareysa 180 milyan oo dollar kaliya Muqdisho iyo labada Shabelle, waxaa usii dheeraa iney ka baaqsadeen kooxdaasi guluf kasta oo dagaal ka dhan ah Shabaabkii si xor iyo cabsi la'aan ah ugu fidayay unug kasta oo bulshada ah, illaa ay gaareen heer ay lacag ka qaataan from Dakadda illaa Hooyo biilkeeda ka raadsata hal neef Ari ah oo ay subax kasta qasho kana iibiso macaamiil yar oo deriskeeda u badan.

Haba quudiyaan ma xumee, laguma xushmeen in laga joojiyo qaraxyada ay kooxdaas ku gumaadday shacabkii ay masuulka ka aheyd dowladdii hore, arinta ugu darana waa in sanadkan bilowgiisii la saadaalinayay in sidii Afgaanistaan oo kale Shabaabku ula wareegi karaan awoodda dalka maadaama ay iska dhiseen dhinac kasta oo dhaqaale iyo ciidan iyo iclaam intaba.

Lix bilood oo weli dhamaan ayaa gebi ahaan waxa is badalay qaabkii dowladnimada iyo dhiiranaanti shabaab oo waxey isku rogtey dhanka kale, xaalkii ayaa hadda noqday Dowlad weerar ah iyo Shabaab baxsad ah, saddax qodob ayaana udub dhexaad looga dhigay, (Dagaal Milatary, mid dhaqaale iyo mid caqiiddo oo lagu dhisayo wacyiga bulshada) nasiib wanaag saddaxdaba waxaa kasoo ifay yididiilo iyo guulo muuqda oo miro dhalay, haddi ay sidaan kusii socdaana waa hubaal in sanadka 2023 noqon doono mid lagu xuso oo lagu xasuusto cirib tirkii Shabaab inshallah.

Dabcan Shabaabka uma laabna gacmaha oo waxey salfan karaan bey cagta sii marinayaan, waxeyse u baahan tahay baraarug iyo feejignaan adag, kuwa marki uu qarax dhaco soo indha caddeeya iyagoo leh Mahad Salaad baa wax dayacay, ha ogaadaan in Mahad iyo Shabaab ka dhexeeyo dagaal aan waxba la isku reebaneyn, Shabaab shan sano lasoo cayiliyay shuuqintooda ayaaba ah shaqo uu qof kasta ku dhiiran karin oo u baahan geesinimo iyo dulqaad fara badan.

Madaxweyne Xasan waxaa ka go'an inuu isugu geeyo awooddiisa inta ugu badan wiiqidda iyo ka adkaanshaha Shabaab sida ugu dhaqsiyaha badan, inta howshaas lagu jiro waxaa dhici doona wax walba oo xumaan shabaabka ku haray sida qaraxyo aargudasho iyo cabsi gelin ah, si shacabku culeys u saaraan dowladda iyagoo leh "bis naga dhaha oo shabaab iska dhaafa waa dhimanaye".

Dalkaan wuxuu ku jiraa gacan la hubo oo cadowgeeda koowaad iyo kan labaad iyo kan saddaxaadba yahay Shabaab, qofkii fulay ah ama sabaatiyo u haayo argagixisada waxaan leenahay albaabkaaga hoos kasoo xiro oo nabad gal

User avatar
sahal80
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21124
Joined: Sun Jan 08, 2012 1:49 pm

Re: 5 years of Fattening Al Shabaab is behind the bombings

Postby sahal80 » Mon Nov 07, 2022 6:19 am

Military, Economic and religious war in the Khawaarijta. after today i will use Khawarij


User avatar
theyuusuf143
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13123
Joined: Sun May 01, 2011 1:15 pm
Location: "Dareen naxli reeba iyo nolosha aan loo sinayn naftaaday dhaawacaan" by dhaglas

Re: 5 years of Fattening Al Shabaab is behind the bombings

Postby theyuusuf143 » Mon Nov 07, 2022 6:58 am

Let's be honest hormoud is working with them , otherwise their technology can identify the exact position of alshabaab leaders. Their EVC alone can locate many terrorists. 99% of transactions goes through their platform.


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: barbarossa, Bing [Bot] and 23 guests