Whats wrong with this guy who also happens to be a man of position???
He is telling/ordering ppl from Sland not to get involved in brokering a peace deal between 2 somali fighting sides.
Ma Anaa waalan mise Berbera ayaa laga heesayaa??
Check it out yourself..........Un-foking-believable!!!!!!!!!!
War saxaafadeed kasoo baxey xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland ayaa digniin addag loogu soo jeediyey salaadiinta Somaliland, oo ah inaaney wax lug ah ku yeelan dhex dhexaadinta kooxaha ku dagaalamaya gobolada Mudug iyo Galgaduud.
Digniinta uu soo saarey xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland Xuseen Cabdi Qaalid ayaa la xiriirtey inaaney salaadiinta Somaliland dhex dhexaadin karin beelaha ku dagaalamaya gobolada Mudug iyo Galgaduud, iyadoo salaadiinta horey u sheegay iney qorsheynayaan iney kala dhex galaan kooxaha ay dirirtu u dhaxeyso.
Xeer ilaaliyaha waxa uu ku amrey hey’addaha Somaliland in dacwad khiyaano qaran ay kusoo oogaan qof kasta oo ku abtirsata Somaliland oo isku dayda iney heshiisiisayso kooxaha ku hardamaya talada dalka Soomaaliya.
http://www.hornafrik.com/Newspage/news0203.htm#5