[quote="B_A_D_O_W"]Soomaaliyey tooso
toosoo isku tiirsada ee
hadba kiina taagdaraneey
taageera weligiinee
Idinkaysu tookhaayoo
idinkaysu taamaayee
aadanuhu tacliin barayoo
waddankiisa taam yeelyoo
Arligiinna taako ahoo
sharcigaa isku kiin tolayoo
luugaddaa tuwaaxid ahoo
kuma kala tegeysaannee
Tiro adhiya oo dhaxalaa
sideed laydin soo tubiyoo
ninba toban la meel marayoo
cadowgiina idiin taliyee
Tuldo geela oo dhacan baad
toogasho u badheedhaan oo
ma dhilkaa dhan ee tegey baan
ninna dhagax u tuuraynee
Qarankan hubkuu tumayoo
toorayad dhaafaynee
oon taar samaysan karayn
uurkutaallo weynaayee
Hadba waxaan la taahaayoo
toggaga ugu gayshaayoo
nin dalkiisii cadow taaboo
u tol waayay baan ahayee
Hadba waxan la ooyaayoo
ilmadu iiga gubataayoo
ikhtiyaar nin loo diidoo
la addoonsadaan ahayee
Soomaaliyey toosoo
toosoo isku tiirsada ee
hadba kiina taagdaraneey
taageera weligiinnee[/quote]
This is missing....
Soomaaliya ha noolaato, ha noolato
Siyaad Barre ha noolaado, ha noolaado,
Kacaanka ha noolaado, ha noolaado.
Lion,
Shadhap you anti-Somaliweyn yahow.