Saturday, April 01, 2006
MAAMULIHII WAKAALADDA BIYAHA HARGEYSA EE WAAXDA AXMED DHAGAX OO XALAY LA DILAY
Waxaa xalay fiidkii lagu dilay Gurigiisa Marxuum Cali Cabdi Xabashi oo ahaa maamulihii heer degmo ee waaxda axmed dhagax ee wakaaladda Biyaha Hargeysa, oo gurigiisu ku yaalay xaafadda Axmed Gurey ee Magaalada Hargeysa.
Ilaa hadda la garan mayo sababta keentay dilkan foosha xun, waxaase cadaan ah in lagu dilay isla Bistoolad uu lahaa Marxuumku, inkastoo aan wali lahayn cid lagu tuhunsan yahay, loona malaynayo in uu isagu is dilay.
Baadhistii dilkana waxaa hadda gacanta ku haya CID-da, maanta ayaana la aasasayaa marxuumka.
Waxaa kaloo wararku sheegayaan in isla xaafadda 26 June ee magaalada Hargeysa ay isku dileen laba nin oo ilma –adeer ah, kuwaas oo sababta dilkoodu uu ka kacay aan ilaa hadda la garanayn.
Dhacdooyinkan isdaba jooga ahaa ayaa dareen nabadgelyo daro ku riday dadweynaha ku nool magaalada Hargeysa, kuwaas oo noqday wax aan hore looga baran magaaladan iyo dalkan Somaliland.
Somaliland Future Online
Hargeysa.



