SOMALILAND WITH THERE VERRY OWN COUNTRY CODE TEL

Soomaalida waddankan ku dhaqan

Moderators: Moderators, Junior Moderators, Islam mods, uk mods

User avatar
Khalid 5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5633
Joined: Thu Jan 19, 2006 4:27 pm
Location: jerusalem

SOMALILAND WITH THERE VERRY OWN COUNTRY CODE TEL

Post by Khalid 5 »

Somaliland Oo Markii U Horeysey Yelaneysa Furre Cusub [Gateway No: 292] Posted by: qaran

HARGEYSA SOMALILAND

Wasaarada Boosaha Iyo Isgaadhsiinta Oo Markii U
horeysay Hirgelisay Furre Cusub Oo U Gaar Ah
Somaliland [Gateway No: 292]

“Waxaan Idinku Wargelinayaa In Hirgelinta Mashruucani Uu Yahay Go’aan Dhab Ah Oo Sabab Loo Hakiyaa Aanay Jirin”

Hargeysa, July 27, 2006 (Haatuf) – Wasiirka Wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland, Xasan Cabdi Khayre ayaa sheegay in ay wasaarada isgaadhsiintu ku guulaysatay inay dhamaystirto wajigii koowaad ee hawshii dhismaha Central Switch-ka isku xidhkaha shirkadaha isgaadhsiinta iyo ka shaqaysiinta National get-way No: 292 oo ah fure gaar ah oo ay Somaliland yeelan doonto, kaasi oo bedeli doona muftaaxii hore loogu soo geli jiray Somaliland marka debada laga soo hadlayo ee ahaa No. 252.

Wasiirku waxa uu shirkaasi jaraaÂ’id ka sheegay inay wasaarad ahaan ku war-geliyeen dhamaan shirkadaha isgaadhsiinta ee ka ganacsada dalka in ay ku hawl-galaan ku soo xidhashada dib u dhiska wasaarada. Balse aanay ilaa hadda shirkaduhu wax jawaab ah ka bixinin.

Waxaanu wasiirku sidaas ku sheegay shir-jaraaÂ’id oo uu shalay ku qabtay xafiiskiisa, kaas oo uu kaga xog-waramayay halka ay marayso hawlihii dib-dhiska ee wasaarada, gaar ahaan dhismaha Central Switch-ka iyo National Gate-way-ga (292) oo hirgelintiisa baryahanba ka shaqaynaysay wasaaradu, waxaanay u qornayd warbixin kooban oo wasiirku halkaas ka arkhiyey sidan:

“Mudanayaal, waxaan filayaa in aad wasaarada boosaha iyo isgaadhsiinta isugu keen dambeysay muddo fog, waxaanan idiin soo bandhigay inaad xog-ogaal u noqotaan halka ay marayso dib u dhiska wasaaradan, gaar ahaan dhismaha Central Switch-ka iyo National Gate Way-ga No; 292 ee hirgelintiisa hore ula socoteen.

Waxaan idinku wargelinayaa in hawshan dhismaha central switch-ka iyo national gate way-ga uu dhamaad yahay qaybtiisii ama wajigiisii 1-aad muddo lix bilood ah uu dhamaad yahay, hirgelintiisa waxa la siiyey mudo saddex bilood ee ugu dambeeyey May ilaa July shirkad kasta oo isgaadhsiin ah oo dalka ka ganacsata oo mudadaas ka hawl-gasha ku soo xidhashada Interconnection-ka shirkad kasta wixii laga dhawrayay ee wada shaqayn ah iyo warbixino wixii looga baahnaa, waananu wargelinay inay mudadaas ku soo gudbiyaan warbixintaas, waxaanay warbixintu ahayd:

1. Soo gudbinta madaxda ka masuulka maamulka shirkada.
2. Share holders-ka maalgashaday shirkada iyo qof waliba share-ka uu ku leeyahay boqolkiiba.
3. Sifooyinka sharciga ah ee shirkada oo ay ka mid tahay diwaan-gelinta.
4. Soo buuxinta qaabka ama foomka loogu talo-galay shirkad waliba inay soo sheegto qalabkeeda, si loo habeeyo sida ay ugu soo xidhmayso Central Switch-ka iyo National gate way-ga dalku yeeshay oo ah No: 292, horena wasaaradu ku baahisay warbaahinta Somaliland.
5. In shirkadu keensato aqoonyahanadeeda iyo madaxda maamulka uga masuulka ah oo ay wasaarada yimaadaan si ay u arkaan inuu diyaar u yahay central switch-ka, si laysula qorsheeyo sidii isku xidhkaas u hirgeli lahaa.
6. Inay shirkad waliba u soo gudbiso gooni ama wada jir wixii cabasho ah ama talo ah ee isku xidhkaas ku hirgalayo.
7. Kulankii ugu dambeeyey ee ay wada shaqayn buuxda ku ballany inay la yimaadaan wuxuu ahaa 29/6/06, Hase yeeshee may fulin balankaasi.

Haddaba, wuxuu nuxurka kulankeenani yahay in aan idinku wargeliyo in hirgelinta mashruucan uu yahay goÂ’aan dhab ah oo sabab loo hakiyaa aanay jirin, sababta oo ah gacan ku haynta isgaadhsiinta Somaliland iyo sare u qaadideeda iyo cashuurteeda dawladeed iyo arrimaha nabadgelyadaba, waxa u xilsaaran dawlada, madax banaanida shirkadaha iyo guud ahaan ganacsigeenuba waa madax banaan yahay, sida ku xusan dastuurkeena, taasna macnaheedu ma aha shirkad waliba iskeed ayay hawlaheeda u wadanaysaa, iyada oo aan kantarool iyo ilaalin dawladeed ka madax banaan. Waxa kale oo aan idinku baraarujinayaa in marxalada siyaasadeed iyo nabadgelyaba ee geeskan aynu ku nool nahay maanta marayso in dawlada Somaliland ka sii tashatay inay habeyso istaraatijiyada isgaadhsiinta dalka, isla markaana ay ka kaaftoonto lambarkii Somaliya ee 252, taas oo madaxbanaanideena ka dhinaa.

Waxaan gabagabada idinku wargelinaynaa in dhamaan shirkadaha isgaadhsiinta Somaliland ee diwaan-gashani in kharashka isku xidhka ku samaysanayaan yahay bilaash, kaas oo wasaaradu xilqaaday iyo in waajibaadka wasaaradan u xilsaaran tahay, isla markaana ay wax ka qabatay yahay ka hawl-galka Fib Optic Cable-ka Badaha aduunka ku jira, kaas oo maal gelin lacageed u heshay oo badeena Red sea laga soo jiidayo 50km, gate-way-guna noqdo Berbera – Landing Point”.

Intaas ka dib wasiirka waxa la weydiiyey suÂ’aalo ku saabsan arrimahaasi oo ku hadlay, suÂ’aalahaasina waxay u dhaceen sidan:

S: Waxaad sheegtay in aad shirkadaha ku war-geliseen dhismahan cusub ee wasaarada, muddana u qabateen inay ku hawl-galaan, mudadaasina waxaad sheegtay inay dhaaftay, markaa maxaad is leedahay way diidan yihiin ee baajiyey?
J: Cabasho xaqdaro, hogo tusaalayn, hadii dad qaran ahaan wada shaqaynaayo waa laysula iman karaa oo cid kastaa xaq bay u leedahay inay cabato oo ay tidhaahdo waxaas iyo waxaas baanu ka cabanaynaa, waxaan ku cadaynayaa mudada lixda bilood ah ee aanu isdaba jiitamaynay waxa afti ah ama qoraal ah oo shirkad ka mid ah shirkadahaasi ay yidhaahdeen waxan ayaanu ka cabanaynaa ma jirto.

S: Shirkadahan liisanka ganacsi dawlada ayaa siisay, markaa waa maxay farqiga idiin dhexeeya ee aad isu diidan tihiin?
J: Farqi noo dhexeeyaa ma jiro, liiskana wasaaradii siisay ayaanu nahay, liiskankaasina waa sanad oo mid laba laalan ah maaha, markaa ma jiro farqi noo dhexeeyaa, waxaanan u aragnaa diidmo qayaxan oo ay kaga hor imanayaan awaamiirta.

S: Wasiir waxaad sheegtay in aanay hirgelin shirkadahan war-gelin xagiina ka timid oo ah inay keenaan guddi farsamo, taasi markay dhaaftay wakhtigii aad u qabateena waxa kale oo aad sheegtay hadana in aad doraad u qorteen waraaq kale oo aad ku amraysaan inay laba cisho kaga soo jawaabaan ama ku keenaan guddidii farsamo, markaa hadii labadaasi cisho ay kaga soo jawaabi waayaan oo ay ku keeni waayaan waxyaabahaasi aad qorteen talaabada aad qaadaysaan waa maxay?
J: Wali may dhamayn labadii cisho, laakiin hadii ay taasi timaado oo ay diidaan, dee shaqadayada ayaanu qabsanaynaa.

S: Shirkadahani waxa la leeyahay waxay diidan yihiin shirkado gaar ah oo nin iska leeyahay ayaad hoos tegaysaan, laakiin maba diidana numberka cusub ee dalka loo sameeyey, markaa maxaa taas ka jira?
J: Wax allaale wax ka jiraa ma jiro, shirkad wax maamulaysaana ma jirto, central station-kan aan sheegayaana wasaarada ayuu dhexyaalaa, markaa ma bahalkan wasaarada noo yaala ayay shirkadi macmalaysaa oo ay leedahay, maya ee dawlada ayaa iska leh, waana been wararkaasi.

Intaa ka dib waxa Wasiirka Isgaadhsiintu kaxeeyey qaar ka tirsan weriyayaashii shirkaasi jaraa’id ka soo qayb galay, isaga oo soo tusay qalabka cusub ee ay wasaaradu ugu talo gashay isku xidhka shirkadaha Isgaadhsiinta Central Switch iyo furaha cusub ee loogu talo galay in lagu soo galo dalka National Gateway No. 292, kana bedelo furihii hore oo ahaa fure ka dhaxeeyey dalkii la isku odhan jiray Somalia, kaasi oo ahaa No 252. hase yeeshee, markii ay weriyayaashu tageen goobtii uu yaalay qalabkan Isgaadhsiintu ayaa waxa wax ka weydiiyeen mid ka mid farsamayaqaanadii ka shaqaynayey qalabka Isgaadhsiinta ee cusub, waxaanay weydiiyeen bal inuu hadda shaqaynaayo. Furahan cusub ee Somaliland 292. waxaanu ku jawaabay. “Haa”.

Sidoo kale weriyayaal ka tirsan Haatuf ayaa ku hadlay khadkan cusub ee ay wasaaraddu hirgelinayso, waxaanay kula hadleen wadamo kala duwan, gaar ahaan wadamada Norway, Djibouti iyo meelo kale, waxaanay weriyayaashu sheegeen in meelihii ay la hadleen ay arkeen lambarka lagu soo baxay oo ah 292, isla markaana codkiisu tayo ahaan aad u heer sareeyo.

Waxaanay weriyayaasha isticmaalay habkan cusub ee isgaadhsiintu hadleen in ku dhaw saacad, isla markaana intii ay hadlayeen wax cilad farsamo ah kalama ay kulmin.

Source Haatuf
User avatar
Khalid 5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5633
Joined: Thu Jan 19, 2006 4:27 pm
Location: jerusalem

Post by Khalid 5 »

that actullay means you dont have to use somalia code if you want to call 2 somaliland
User avatar
Advocator
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6082
Joined: Thu Dec 22, 2005 11:35 pm
Location: .........SD-619/Woolwich caano iyo Shaah production since 2000 iyo sadex!
Contact:

Post by Advocator »

let me ask you something...........................who in here can read Somali besides few people.. Laughing
User avatar
bham's_beauty
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3109
Joined: Wed May 17, 2006 11:34 am

Post by bham's_beauty »

judgin by the title WAA good nayuuz
User avatar
CaRaMeL_CuPcAkEs
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 944
Joined: Wed Aug 02, 2006 1:27 pm
Location: North London (u c ma flag support muslims and flex this flag bout like it was ya own)
Contact:

Post by CaRaMeL_CuPcAkEs »

[quote="Advocator"]let me ask you something...........................who in here can read Somali besides few people.. Laughing[/quote]

im terrible...its not ma fault...born here int Very Happy

but the code for somaliland now is 00252 Arrow
User avatar
bham's_beauty
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3109
Joined: Wed May 17, 2006 11:34 am

Post by bham's_beauty »

i was born here too still noe my somali Very Happy so dats no xcuz Mad
User avatar
CaRaMeL_CuPcAkEs
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 944
Joined: Wed Aug 02, 2006 1:27 pm
Location: North London (u c ma flag support muslims and flex this flag bout like it was ya own)
Contact:

Post by CaRaMeL_CuPcAkEs »

yes i can read the X,C and tht..its just the meanings Crying or Very sad
User avatar
Advocator
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6082
Joined: Thu Dec 22, 2005 11:35 pm
Location: .........SD-619/Woolwich caano iyo Shaah production since 2000 iyo sadex!
Contact:

Post by Advocator »

Fish and chips disgust me....... Arrow
User avatar
bham's_beauty
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3109
Joined: Wed May 17, 2006 11:34 am

Post by bham's_beauty »

then try chips and burger or kebab Mad
User avatar
Advocator
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6082
Joined: Thu Dec 22, 2005 11:35 pm
Location: .........SD-619/Woolwich caano iyo Shaah production since 2000 iyo sadex!
Contact:

Post by Advocator »

Laughing Laughing

You know what I ment ..... Cool
User avatar
bham's_beauty
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3109
Joined: Wed May 17, 2006 11:34 am

Post by bham's_beauty »

Laughing Laughing Laughing

no reali wat Confused
User avatar
Advocator
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6082
Joined: Thu Dec 22, 2005 11:35 pm
Location: .........SD-619/Woolwich caano iyo Shaah production since 2000 iyo sadex!
Contact:

Post by Advocator »

You and everybody who was born in the west!.. Smile
User avatar
bham's_beauty
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3109
Joined: Wed May 17, 2006 11:34 am

Post by bham's_beauty »

i disgust you Crying or Very sad
User avatar
Advocator
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6082
Joined: Thu Dec 22, 2005 11:35 pm
Location: .........SD-619/Woolwich caano iyo Shaah production since 2000 iyo sadex!
Contact:

Post by Advocator »

Do you think your specail cus you was born outside of somalia..?
User avatar
bham's_beauty
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3109
Joined: Wed May 17, 2006 11:34 am

Post by bham's_beauty »

YES Very Happy
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Europe - UK”