Barre Hiiraale: “Anagu maamul ayaanu nahay, diyaar ayaana u nahay inaan wadahadal la galno Maxkamadaha, laakiin ka yeelimeyno inay Kismaayo ku soo duulaan”
Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka isla markaana ah Guddoomiyaha Isbaheysiga Dooxada Jubba Col. Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa markii ugu horeysay ka hadlay warar isa soo taraya oo sheegaya in maleeshiyooyinka Maxkamadaha ay isku urursanayaan magaalada Muqdisho kuwaasoo weerar ku ah magaalada Kismaayo, qorshahaas uu sheegay Korneylka inuu arrintaas hormuud u yahay Sheekh Xasan Turki.
Mar uu ka hadlayay khilaafka soo kala dhex galay mas’uuliyiinta Isbaheysiga dooxada Jubba ayuu sheegay in wararkaasi aanay waxba ka jirin, isla markaana xubnaha Isbaheysiga dooxadda ee isaga ku xiga gaar ahaan Goobaanle iyo Seeraar uu u sameeyay qado sharaf, “Anagu maamul ayaan nahay, wixii wadahadal ah diyaar ayaan u nahay inaan la galno Maxkamadaha, laakiin ka yeelimeyno inay Kismaayo ku soo duulaan” ayuu yiri Barre Hiiraale oo dhinaca kale sheegay inay warar ku heleen abaabul Milateri oo iyaga ku soo wajahan.
Waxa uu sheegay Guddoomiyaha Isbaheysiga dooxada Jubba isagoo ka hadlayay qaraxyadii dhowaan ka dhacay magaalada Baydhaba xarunta dowladda Federaalka Soomaaliya ee la doonayay in lagu khaarajiyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf inuu si aad ah uga xun yahay, isagoo kooxaha falkaasi geystay ku tilmaamay inay yihiin cadowga Dowladda Federaalka.
Jabriil Maxamuud
jabra@somaliweyn.com



