Postby fagash_killer » Sun Oct 08, 2006 9:47 am
it is written
Dubai: Madaxwaynaha Puntland oo ku sugan magaalada Dubai dhowaanna la filayo in uu u ambabaxo wadanka Qadar.
Axad, October 07, 2006
Dubai (AllPuntland)- Magaalada Dubai ee wadanka Isu taga imaaraadka Carabta ayaa waxaa ku sugan wafdi ka socda maamulka Puntland oo uu hor kacayo madaxwayanaha Puntland Maxamuud Muuse Xirsi (Jen, Cadde).
Wafdiga madaxwaynaha ayaa socdaalkooda waxaa ku wehliya wasiiro ka tirsan xukuumadda oo uu ka mid yahay wasiirka maaliyadda ee Puntland.
Madaxwaynaha Maamulka Puntland iyo wafdigiisa ayaa waxa la filayaa in ay u ambabaxaan magaalada Doxa ee caasimadda wadanka Qadar halkaasi oo ay uga timid casumaad xukuumadda wadanka Qadar.
Madaxwayne Cadde iyo wafdigiisa ayaa waxaa la sheegay in ay madaxda wadanka Qadar ka wada hadlayaan xaalada siyaasadda dalka Soomaaliya, iyo arrimo la xiriira maxkamadaha magaalada Muqdisho.
Xukuumadda Doxaa ayaa dhowaan waxa ay dalkeeda ku casuntay wafdi ka socda maxkamadaha magaalada Muqdisho iyada oo sidoo kalena dhowana la filayo in ay dib ugu laabtaan.
M. J. Koronto
AllPuntland