War deg deg ah Sahankii Barre Hiiraale iyo kii Maxaakiimta oo isku fara saaray degmada Saakow
Warkii 08-Oct-2006 iyo Qormadii: C/qaadir gaabuush
War deg deg ah oo hada na soo gaadhay ayaa sheegaya in sahankii ciidamada Barre hiiraale iyo kii maxaakiimta ay fooda isku dareen meel wax yar u jirta degmada saakoow ee gobolka J/dhexe ..
Maleeshiyooyin daacad u ah Barre Hiiraale ayaa waxa ay ku si qeeyn dhinaca degmada Saakow ee gobolka J/dhexe, ka dib markii shalay ay ka ambabaxeen magaalada Baardheere ee gobolka GedoÂ…
Dhinaca kale waxaa ilaa xalay ilaa hadeer ka soo baxay magaalooyinak Mogadishu iyo baydhabo gurmad ciidan oo aad utirabadan kuwaas oo oo dhamaantood ku soo wajahan gobolada jubooyinka ..
Maleeshiyada barre hiiraale ayaa waxaa kala hogaaminaya Col: Fara tag iyo col; tima jilic , halka ay maleeshiyada maxaaklimta ka hogaaminayaan Aadan cayrow..
Guud ahaan xaalada gobolada jubooyinka ayaa ah mid aad u kacsan iyadoo laga baqa qabo in saacadaha soo socda ay fooda is daraan ciidamada barre hiiraale oo ay taageerayaan ciidanka dowlada federaalka iyo ciidanka maxaakiimta ku sugan jubooyinka oo ay taageerayaan gurmadka uga imaanaya Mogadishu Â…
Col; Barre aadan shire hiiraale wasiirka gaashaan dhiga dowlada federaalka Somalia ayaa la xaqiijinayaa inuu isagu wali ku sugan yahay degmada baardheere halkaas oo uu ujoogo abaabul ciidan . oo dhinac walba ah ..
C/qaadir gaabuush
Gaabuush6@hotmail.comMobil:00-252-2-4410719