800 HAWEEN KU DHOW OO ISU DIIWAAN GELIYAY JIHAAD LALA GALO CIIDAMADA ITOOBIYA
Warar aanu ka helnay qeybta isdiiwaan gelinta dadka si mutadawacnimada ah uga qeyb galaya jihaadka uu kal hore iclaamiyay Guddoomiyaha Golaha Fulinta Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa aad isu soo taraya ayna haatan ku dhow yihiin 2000- oo ruux.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in haweenku ay si aad ah uga badan yihiin ragga isu diiwaan geliyay jihaadka, waxayna haatan sii caga cagayn nayaan ku dhowaad 800-haween, sida uu goobjoog.net u sheegay mid ka mid ah saraakiisha ka howl gasha qeybtaasi, iyadoo qeybo kala duwan oo gobolkan Banaadirna ay ka socoto is diiwaan gelinta.
Gobollada dalka, gaar ahaan deegaannada ay ka taliyaan maxaakiimta ayaa la soo sheegayaa in ay dad badan is diiwaan geliyeen inkastoo noo suura gelin in aanu tira sugan ka helno.
Bannaanbaxii maalintii jimcihii ka dhacay ayay haween aad u daÂ’ yar waxay ku dhawaaqayeen iyaga oo wejiga u daboolan yahay in ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaadayaan jihaadka uu iclaamiyay Guddoomiye Shariif Axmed.
http://www.goobjoog.net/tpllib/img.php? ... =210&h=157Abdikarim I. Adan E-mail:
webmaster@goobjoog.net http://www.goobjoog.net/news/128/ARTICL ... 10-31.html