its clear now our socalled leaders sided with their tigre masters and they became spokeswomen for their masters. this is not only an war between somalis and habaashiis but also an war between somali traitiors and habaashiis those who are our enemy side should be burned alive. it has begun guys.somalia wake up
BAYDHABO: Dowladda Federaalka oo beenisay in lagu gubay Xerada Mannaas Gaari ay leeyihiin Ciidammada Ethiopia
Posted to the Web Nov 30, 07:29
Baydhabo (PP) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa daboolka ka qaadday in aanay jirin gaari ay leedahay Dowladda Ethipoia oo shalay lagu gubay deegaanka Mannaas oo ay ku taallo xero Milateri.
Warar shalay soo baxayay ayaa sheegayay in lagu gubay Deegaanka Mannaas oo ay ku taallo xero ciidan oo ay leeyihiin Ciidammada Dowladda Federaalka Soomaaliya Gaari Ural ah oo ay lahaayeen ciidammada Ethiopia wadayna Ciidammo Somali iyo Ethiopian isugu jiray.
Dowladda federaalka ayaa waxay sheegtay inaysan waxba ka jirin hadalladaas oo ay faafiyeen kuwo doonaya inay dhibaato ka dhacdo goobaha ay dowladdu daggan tahay, waxaana ay ku tilmaameen inay tahay mid aan la aqbali karin.
Xildhibaan Madoobe Nuunoow oo ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Baarlamaanka oo ka hadlay arrintaas ayaa sheegay inay tahay warar la buunbuunshay isla markaana aysan waxba ka jirin, waxaana uu sheegay in Baydhabo aysan joogin ciidammo Ethiopian ah balse ay joogaan tababarayaal.
Gaariga la sheegay in la gubay ayaa waxaa la sheegay inay ku dhinteen tiro aad u fara badan oo ka tirsan Ciidammada Ethiopia iyo kuwa dowladda oo ku socday xilligaas degmada Baydhabo ee Gobolka Bay oo ah xarunta dowladda.
Maxamed Xuseen Jantiile
Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu
E-mail:
puntlandpostmog@hotmail.com