Postby AbdiWahab252 » Fri Dec 08, 2006 9:44 am
Ciidamada dowlada federalka ee magaalada Baydhabo ayaa gacanta ku dhigay nin watay Indhashareer iyo Jalbaab oo ay ka shakiyeen.
Hobyonet. Muqdisho. Jimco,Dec 08, 2006
Ciidamada ayaa dhigay saldhiga police-ka Baydhabo ninkaasi watay labiska haweenka. Iyadoo ay ciidamadu ku raad joogaan ninkaas oo ay ka shakiyeen ayaa markii a soo qabanayeen waxaa agtiisa yaaalay dharkii uu iska bixinayay.
Ninkaasi ayaa magaciisa lagu sheegay Ibraahim Guudoow Max'ed , waxuuna ka mid yahay dadka deegaanka magaalada Baydhabo.
Ciidamada Police-ka iyo kuwa Dowladda Federaalka ayaa beryahaanba waday howl galo ay ku sugayaan amniga iyo dabagal waxii ka dambeeyay qaraxyadii dhowaan ka dhacay magaalada Baydhabo
Qaraxyadaas ayaa midkood waxaa lagu weeraray C/laahi Yuusuf oo si dirqi leh uga badbaaday inkastoo ay ku gubteen gawaaridii uu watay oo kolonyo ahaa.halka qaraxa labaad uu ka dhacay koontaroolka laga galo baydhabo ee Bakiin