Midnimo Information Center
mic 31 - 12- 2006 - Wararkii ugu dambeeyay ee arrimaha Soomaaliya
RaÂ’iisal Wasaare Geeddi oo Magacabay Maareeyaha Dekedda Magaalada Muqdisho iyo Madaxweynaha oo nin kale soo Magacabay
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayaan in RaÂ’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi uu u soo magacabay Dekedda Magaalada Muqdisho inuu Maareeye ka noqdo nin lagu Magacaabo Cabdi Jiinow.
Mr Geeddi ayaa soo magacabay Cabdi Jiinow balse Magacabistaas ayaa waxay noqotay mid muran badan dhalisay, waxaana ka hor yimid qaar ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka ee Maleeshiyaadkooda Maamula agagaarka Dekedda Muqdisho.
Cabdi Jiinow waxaa uu ka mid ahaa xubnihii Guddiga MMD ee Maxkamadaha ka eriyeen howlihii ay ka haayeen Dekedda Muqdisho bilawgii bishii November,sidoo kale Cabdi Jiinow waxaa uu ahaa raggii ku lugta lahaa Maamulkii Dekedda Ceel Macaan.
Dhinaca kale Maareeyihii hore ee Dekedda ee xilligii Maxkamadaha Sheekh Cumar ayaa isna waxaa uu ku doodaya in uu soo magacabay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf.
Dhinaca kale warar lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayan in RaÂ’iisal Wasaare Geeddi uu magacabay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyed uuna soo magacabay nin Gancasato ah oo in badan ku dhawaa Maamulka Dowladda Federaalka kaas oo lagu Magacaabo Iiman Maxamed Cali.
Haddii Labadan xil uu hadda soo magacabay Geeddi dhaqan galaan waxay taasi ka dhigaysaa in Labo Jago oo Muhiim ah u magacabay Labo nin oo beeshiisa ka tirsan.
Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow)
Xafiiska Midnimo ee Muqdisho Soomaaliya
Midnimo Information Center wararka@midnimo.com



