Burcad badeed isku uruursaneysa xeebaha Xarardheere
Xarardheere 26, Jan.07 ( Sh.M.Network) Maamulka KMG ah ee degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa walaac ka muujiyay maleeshiyooyin la sheegay in ay burcad badeed yihiin oo ku badanaya degmadaasi.
Cabdi Salaan khaliif oo sheegay in uu yahay Gudoomiyaha KMG ah ee degmada xarardheere ee gobolka Mudug oo wareysi siiyay Shabelle ayaa sheegay in kooxo maleeshiyo burcad badeed ah ay isku sii urursanayaan magaaladaasi oo fariisin u ahaan jirtey burcad badeedka.
Waxa uu sheegay in tan iyo markii maxkamadaha laga saaray magaaladaasi ay ku soo badanayeen kooxahani oo uu ku eedeeyay in ay doonayaan afduubka maraakiibta iyo doomaha sida shixnadaha ganacsi ee mara xeebaha Somalia.
Waxa uu beeniyay in dadka deegaanka ay taageersan yihiin kooxahani, isagoo tilmaamay in dhibaato ay ku hayaan dadka deegaanka ku dhaqan.
Xeebaha Degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa horey u ahaa saldhigga ugu weyn ee kooxaha burcad badeedka ee afduubka u geysta maraakiibta, iyadoo maxkamadaha islaamka markii ay hayeen xukunka magaaladaasi ay kala eryeen kooxahaasi. oo haatan bilaabay is abaabul markii meesha ay ka baxeen maxkamadaha
Shabelle Media Network Mudug
E-mail us: info@shabelle.net



