Postby fagash_killer » Mon Jan 29, 2007 1:51 pm
Kismaayo:Isbeddel xagga ammaanka ah oo Kismaayo laga samaynayo.
Isniin, January 29, 2007
Kismaayo(AllPuntland)- Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose waxaa ka socda hawlgal ballaaran oo ay wadaan ciidamada dawladda federaalka Soomaaliya ee halkaasi kusugan.
Hawl galladan ayaa waxaa lagu aruurinayaa nooc walba oo uu hubku leeyahay , laga bilaabo qoryaha daran dooriga u dhaca , tooreeyaha iyo mindiyaha booda.
Sida uu AllPuntland u sheegay wariye madax bannaan oo kusugan magaalada Kismaayo ciidamada ammaanka ee dawladda federaalka waxay illaa iyo haatan xabsiga dhigeen dad gaarya 4 qof oo lagu soo qabtay ayagoo hub wata, kana dhaga adaygay awaamiirta dawladda.
Hawl galkan hub aruurinta ayaa si xawli ah u socda sida wararku sheegayaan, waxaana ciidanka ammaanku ay baaritaan ku hayaan guryaha , goobaha ganacsiga iyo goob walba oo ay shaki ka muujiyaan in hub lagu qarinayo.
Dhinaca kale ciidanka ammaanka ee Kismaayo waxay dhineceeda kawadaan hawl gal kale oo ay ku baadigoobayaan dadkii ka danbeeyay weerar dhawaan loo gaystay askar Itoobiyaan ah oo kusugnaa Kismaayo , kuwaasoo mid kamid ah dhaawac culus loo gaystay midna dhaawac fudud.
Col: C/risaaq Yuusuf Afguduud oo madax u ah guutada koowaad ee ciidanka dawladda federaalka ayaa sheegay in lasoo ogaaday cidda ay yihiin dadkii ka danbeeyay weerarkii ciidamadaasi loo gaystay, gacantana lagu soo dhigi doono.
Taliyuhu wuxuu sheegay inay jiraan dad ay soo qab qabteen , hase ahaatee ay usoo qabteen oo kaliya raadad soo galay, sida ayagoo aad ugu dhawaa meelaha uu weerarku ka dhacay.
Marka la isku soo duubo ammaanka Kismaayo waa mid aad u wanaagsan, waxaana la filayaa in hawl gallada hubka nooc walba oo uu ahaado uu sii socon doono maalmaha soo socda.
CCC Farayaamo
AllPuntland