Gudigii garsoorka ee loo sameeyay J/hoose oo la qaadacay
Kismaayo 05, Feb.07 ( Sh.M.Network) Col, C/laahi Sheekh ismaciil Fartaag oo ah taliyaha guutada 3aad ee ciidamada dowladda KMg ah ayaa maanta ka soo horjeestay maamulka dhinaca garsoorka ee loo sameeyay gobolka J/hoose.
Col. Fartaag oo shir jaraa'id maanta ku qabtey Aqalka Barawaa ee lagaga arimiyo magaalada Kismaayo ayaa kaga hadlay xubno garsoor oo shalay loo sameeyay gobolka J/hoose.
Waxa uu sheegay in aysan waxba ka jirin maamulkii shalay dhinaca garsoorka ahaa ee loo sameeyay gobolka J/hoose.
Waxa uu sheegay in ay aqoonsan yihiin Madaxa canshuuraha ee dhowaan uu soo magacaabay wasiirka maaliyadda iyo sidoo kale labo nin oo loo soo magacaabay waaxda ilaalinta canshuuraha.
Gudigaan garsoorka ee uu qaadacay Col. Fartaag ayaa waxaa shalay magaalada Kismaayo kaga dhawaaqay wasiir K/xigeenka garsoorka dowladda Somalia Xasan Buraale.
Hadalka Col. Fartaag ayaa ku soo beegmay xilli gudigii shalay uu magacaabay wasiir K/xigeenka garsoorka maanta la filayay in ay howl-galaan, iyadoo ay caqabadi soo wajahday.
Farxaan Lafoole
Shabelle Media Network J/hoose
E-mail us:
info@shabelle.net