Ciidanka Puntland oo gacanta ku dhigay koox dooneyay inay qarxiyaan diyaaradii uu la socday Madaxweyne Yusuf.
Muqdisho ,Arbaco, Marso , 07, 2007, Waagacusub.com
Ciidanka Puntland ee Gaalkacyo ayaa gacanta ku dhigay sedex nin iyo gantaalaha lagu burburiyo diyaaradaha oo ay ku heysteen guri ku dhaw garoonka Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Taliyaha boliiska Gaalkacyo ayaa Waagacusub u sheegay in ragaas ay soo qabteen uu qorshahoodda ahaa inay burburiyaan oo toogtaan diyaaradii Madaxweyne Cabdilahi Yusuf geysay Gaalkacyo,balse wuxuu taliyaha tibaaxay in ragaas la qabtay wax yar ka hor inta uusan Madaxweynaha degan kadib markii ay Sirdoonka hoowlgalkaas ka war heleen.
Taliyaha waxaa uu ku nuuxnuuxsaday inay wali gacanta ku hayaan ragaas sedexdaa iyo qoryahii ay wateen oo kala ahaa hoobiyeyaal,Baasuuke iyo Gantaal garabka laga tuuro oo ah mid casriya.
Inkastoo aan la ogayn xaqiiqadda warka booliiska hadana dad xog ogaala ayaa Waagacusub u sheegay in qorshahaas uu ahaa mid laga shaqeeyay oo la doonayay in lagu qaarijiyo Madaxweyne Yusuf laakiin uu ka badbaaday nasiibkiisa.
Falkaas fashilmay ayaa muujinayo inay Puntland ka jiraan kooxo diidan hogaanka Madaxweyne Yusuf taas oo ka dhigan in arrinta Soomaaliya tahay mid fog oo la isku hayo xukun iyo Siyaasad aan ka marneeyn qabyaalad.
Axmed Jeelle Xassan
ahmedjeelle@hotmail.comWaagacusubOnline@yahoo.com