Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Beesha Hgidir London ootaageertay baaqii Hawiye

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

Beesha Hgidir London ootaageertay baaqii Hawiye

Postby Hiiraan boy » Sat Mar 10, 2007 3:10 am

Jaaliyadda beesha Habargidir ee London oo si buuxda u taageertay baaqii ay dhawaan odayaasha Hawiye ka soo saareen Muqdisho

Taageero baaqii Beelaha Hawiye – Muqdisho

Guddiga Jaalliyadda Beelaha Habargidir – London (UK), wuxuu si buuxda u taageeraya
Baaqii dhowaan ka soo baxay Beelaha Hawiye ee Muqdisho, kaas oo looga codsanayey
Ciidamada Xabashida ee dalka ku soo duulay iney dhaqso uga baxaan Soomaaliya, taas
oo fure u ah in dalka nabad lagu soo dabaalo.

Waxaa xusid mudan in dalkeenu uu nabad ahaa ka hor inta aysan soo gelin ciidamada
ajnabiga ah, Soomaaliduna ay ku filneed in ay arrimaheeda xallisato, inkasto oo ay
taagnaayeen arrimo siyaasadeed, misana waxaa hubaal ah in xal loo heli lahaa
haddii aan faragelin shisheeye meesha soo gelin.
Waxaan la qabnaa Guurtida Beelaha Hawiye ee baaqa soo saaray maanta, in aysan
jirin beelo Soomaaliyeed oo colaad isku haya, wixii dacdo ah oo dhexmarayna ay ku
haboon yihiin in lagu xalliyo meelo cayiman oo la xiriira arrimo dabiici ah sida
daaqa, biyaha.

Sidaa awgeed, uma maleyneyno in shirka dib-u-heshiisiinta ee DKMG ku baaqday, in
uu noqanayo mid dhab ahaan wax ka beddelaya xaaladda dalka ama lagu xallin karo
khilaafaadka dalka ka taagan halisna ku ah midnimada iyo madaxbannaanid umadda
Soomaaliyeed.

Suurta gal ma aha, lagana akhrisan mayo in ay DKMG ah ay hoggaanka ku meereysato,
meel aan xalku ku jirinna ay waqti uga lumiso shacabka Soomaaliyeed oo
dhibaataysan.

Guddiga Jaalliyadda Habargidir ee London, wuxuu ka dhiidhinaya dar xumadda iyo
silica lagu hayo umadeena, sababna ay u yihiin quwadaha shisheeye oo sida sharci
darrada ah ugu soo duulaya qabsadayna dalkeena hooyo.

Ayadoo ay xanuuun badan ku hayso joogitaanka ciidamada Xabashida iyo kuwa lagu
tilmaamay in ay yihiin ciidan qaran, haseyeeshee ah meleeshiyo beeleed laga soo
daabulay Gobollada Puntland, oo aan wax fikrad ah ka haysan qarannimada, soona
marin tababaro ciidan, halisna ku aha in ay mar kale dalka ka curtaan dagaalo
beeleedyo ay umadda Soomaaliyeed hore faraha uga soo gubatay.

Guddigu wuxuu ka dalbayaa wadammada caalamka in ay umadda Soomaaliyeed u fidiyaan gargaar wax ku ool ah iyo in ay goob joog ka noqdaan dib-u-heshiisiinta lagu
dhisayo dawlad ay umaddu u wada dhan tahay, laguna badbaadiyo midnimada dalkeena.

Beesha Caalamka oo aanan uga maarmin socodsiinta dawladda Soomaaliyeed oo tayo
leh, waxaan ka codsaneynaa in aaney wax hanti ah ku bixin shirk khiyaamo ku dhisan
oo aan waxba u tareyn shacabka Soomaaliyeed raalina ka ahayn.

Waxaa kale oo Guddigu ka dalbayaa Beelaha kale ee Soomaaliyeed in ay taageeraan
Baaqa ka soo baxay Beelaha Hawiye ee Muqdisho, ayadoo xoogga la saarayo sidii
ciidamada Xabashida dalkeena looga saari lahaa.

Guddoomiyaha Jaalliyadda Habargidir – London
Sheikh Bashir Salaad Dhoolayare

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 64 guests