Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Hero of the 1977 War Letter to Somalis

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56703
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

Hero of the 1977 War Letter to Somalis

Postby AbdiWahab252 » Sat Mar 10, 2007 10:38 am

Soomaaliya waxay gashay marxalad gumeysi kadib markii bishii Disembar 2006 Itoobiya sida gardarrada iyo sharci-darrada ah ugu duushay oo qabsatay

Soomaaliya waxay gashay marxalad gumeysi kadib markii bishii Disembar 2006 Itoobiya sida gardarrada iyo sharci-darrada ah ugu duushay oo qabsatay, taasoo ah boq madow oo ku soo biiray taariikhdeenna. Arrintaasina ma ahan mid uu ka aamusi karo ama gacmahana ka laaban karo qof Soomali ah oo damiir iyo dareen waddaniyadeed leh. Sidaas darteed, in aan is eedaynno oo faraha isku fiiqno waxba nama tarayso. Waxaa maanta na horyaal waa taangi (dabaabad) iyo askar Xabashiyeed oo dalkeennii iyo dadkeennii gumaad ku haya.

Itoobiya waxay ku duushay oo barqo cad qabsatay Soomaaliya oo ah dal xor ah oo xubin ka ah Ururka Qaramada Midoobey, Midowga Afrika, Ururka Jamacadda Carabta, ururka dadwladaha Islaamka ah iyo kuwo kale oo badan. Waxaase nasiib darro ah in Beesha caalaamku ay ka aamustay qabsashadaas, iskaba daa tilaabo ay ka qaaddee. Falkaas sharcidarrada ah wuxuu albaabada u furay oo uu xalaaleeyey in lagu duuli karo dal kasta oo siyaasadiisa loo bogi waayo ama dano gaar ah laga yeesho.

Duullankan dalkeenna lagu qabsaday wuxuu ahaa mid muddo dheer la qorsheynayey, kana tarjumaya hammigii ama riyadii hogaamiyayaashii kala dambeeyey ee Itoobiya laga soo bilaabo Meneliq ilaa Senaawi. Itoobiya waligeed waxay ka lahayd dalka Soomaaliyeed dano siyaasadeed, istraatiijeed, dhaqaaleed, iyo ciidameed. Itoobiya dalkeena uma imaan wanaag iyo nabad xasilin, sida ay ku andacoonto, balse waxaa la wada ogsoon yahay in ay muddo dheer ka shaqaynaysay kala qaybinta iyo burburka Soomaaliya, kadibna markii ay dareemeen in ay soo noqonayso dareen qowmiyadeed iyo nabadgalyo, waxay ku tallaabsatay inay baabi’so madaxbanaanida, midnimada iyo gobannimada qarameed ee ummadda Soomaliyeed. Qabsashada Soomaaliya ee maanta waxay Itoobiya sabab uga dhigatay in ay dalkeenna joogaan argagixiso caalami ah oo khatar ku ah nabadda adduunka iyo danaha iyo xasilloonida Itoobiya, taasoo ilaa maanta aan loo hayn wax caddayn ah. Isweydiintu waxay tahay maxay ciidamadoodu hadda u joogaan ciidda Soomaaliya? Jawaabtu waxay tahay in ay fulinayeen istiraatijiyadoodii aan kor kusoo sheegnay. Sidoo kale waxay sheegteen in ay tababarayaan ciidamada Soomaaliya. Hoggaamiyaha Itoobiya, Zenawi ma iloobay in ay joogaan ciiddamadii Soomaaliya ee tababari jiray isaga iyo saaxiibadiis.

Gumeysiga Itoobiya ku hayso Soomaaliya, si kastaba ha ku yimaadee, waa bog madow ee ku qormay taariikhda Ummadda Soomaliyeed; wuxuuna qiima dilayaa taariikhdii jiilkii xorriyadda horseeday, nafta u huray, dhiiggana u daadiyey unkidda gobanimada iyo qaranka Soomaaliyeed; jiilka jooga waa u taariikh xumo iyo laf dhuun gashay, ka soo socdana, haddii aan laga dhiidhiyin, waa u dhaxal xumo.

In kasta oo dagaalada sokeeye ay waxyeeleeyeen dunta hoose ee bulshadu ka samaysan tahay, haddana nasiib wanaag marna ma dhiman dareenka Soomaalinnimo iyo midnimo ee ummadda Soomaaliyeed. Taas waxaa u daliil ah, kadib markii cadowgu cagta soo dhigay ciidda Soomaaliyeed waxaa lagala hortagey xabbad iyo mudaharaadyo lid ku ah. Ma dhacayso in Itoobiya dalka Soomaaliyeed nabad ku joogto. Xorriyadda, madax-bannaanida iyo qarannimada Soomaaliyeedna ma dhiman inta Soomaali qof damiir lihi ka nool yahay.

Xabashida waxaa u sahlay inay qabsato Soomaaliya dhawr arriimood, waxaase ugu muhimsan saddexdan qodob: 1) khilaafaadka iyo kala-qaybsanaanta Ummaddeenna; 2) loollankii siyaasadeed ee qabiilka ku dhisan, taasoo horseeday nidaam beel beel ku salaysan iyo wax loogu magacdaray 4.5; iyo 3) gacan laga helay Somaalida dhexdeeda (gudiney ima goyseen haddaan gabalkay kugu jirin).

Inkastoo ruux kasta iyo koox kasta oo Soomaali ah ay xaq u leeyihiin ka qaybgalka loollanka siyaasadda iyo qabashada hoggaanka dalka, haddana waxaan marna garawsho lahayn in cadowga dalka loo soo hoggaamiyo. Dhinaca kale, xukuumad ayaan dadkeeda ka ilaalinaynaa ma noqon karto sabab loogu soo duulo, loona qabsado dal xor ah. Si kastaba ha ahaatee, lagama yaabo in ay Itoobiya uga baxdo Soomaaliya codsi iyo baryo toona, waxaase marnaba laga fursan doonin in dagaal iyo qori caaradiis looga saaro. Waayo maanta waxaa gumeysi hoostiis galay oo khatar ku jira jiritaanka, madaxbanaanidii, midnimadii iyo calankii Ummadda Soomaaliyeed ee naf iyo maalba loo soo huray ee la hoos harsanayey. Taasi waxay nagu waajibineysaa gebi ahaanba in la joojiyo kala qaybsanaanta, dagaallada sokeeye iyo in mar dambe dhiig ku daato Soomaalida dhexdeeda, la iskana ilaawo wixii hore u dhacay; waxaana loo baahan yahay in la mideeyo maskaxdeenna, muruqeenna iyo maalkeenna, loona jiheeyo difaaca dalka iyo dadka.

Hadafka iska-xorraynta cadowga iyo soo-celinta gobannimada, waa in ay ka dambeysaa istraatiijyo siyaasadeed ee waddani ah oo dalka laga dhisayo qaran Soomaaliyeed oo awoodda dadweynuhu iska leeyahay, hoggaankiisuna ku yimaado nidaam nabadeed iyo siyaasadeed ee ku sallaysan tartan loo marayo doorashooyin xor iyo cadaalad ah ee ka madax bannaan faragelin shisheeye, si aan mar dambe nidaam keli-talineed ugu soo noqon dalkeena.

Dagaalka sokeeye ee dalka ka dhacay wuxuu ka dhashay caddaaladdarro iyo hoggaan aan ku imaanin, kuna shaqayn rabitaanka dadweynaha. Dagaalladu waxay ku salaysnaayeen koox leh anaa talinaya, la igamana daba-hadli karo, khayraadka dalkana aniga iyo qaraabadayda ayaa iska leh; iyo kuwo leh talada iyo khayraadka dalkaba ha la wadaago. Si kastaba ha ahaatee, awoodda iyo khayraadka dalka oo si caddaalad ah loo qaybsado, waxay dhici kartaa marka ummaddu iska xorrayso gumeysiga foosha xun oo ay maanta ku hoos jirto.

Dalal badan oo dunida ka tirsan ayaa dagaal sokeeye iyo burbur ka dhacay sida Rwanda, Liberia, Sierra Leone, Congo i.w.m. Dalalkaas intooda badan waxaa taageeray oo nabadgelyadoodii iyo qarannimadoodii dib u soo celiyey Beesha Caalamka sida Ururka Qaaramada Midoobey iyo quwadaha weyn qaarkood. Hayeeshee ma dhicin in dal deris ah ee cadaw ahi dalalkaas mid ka mid ugu duulo oo qabsado sida maanta ka dhacday Soomaaliya ayadoo Beesha Baalamka qaar ka tirsan ay taageerayaan amaba gebi ahaan ka aamusto. Arrintani waa mid ku cusub nidaamka iyo xeerarka caalamiga marka la eego gar-darrada iyo sharci-darrada Itoobiya ku qabsatay Soomaliya iyo Beesha Caalamku mawqifka ay ka qaadatay ee isugu jira aammus iyo taageero.

Ugu dambayn, waxaan talooyin u soo jeedinayaa Shacbiga Soomaaliyeed ee gudaha dalka iyo dibadda ku nool iyo Beesha Caalaamka.

SHACBIGA SOOMAALIEED

1. Waxaan mar labaad kula talinayaa shacbiga Soomaaliyeed meel uu joogaba, gudaha iyo dibadda, inuu muujiyo damiir iyo dareen Soomaalinimo iyo waddaniyad, kana xoreeyo dalkiisa ciidamada cadawga ee Itoobiya; kuwaas oo caburin, dil, burburin, barakicin, kala-qaybin iyo gumeysi ku haya Ummadda. Soomaaliyeey heshiiya, midooba oo gumeysiga diida.

2. Halganka is-xorraynta in shabigu u adeegsado hab iyo qaab kasta oo suuragal ah sida diidmo iyo qaadicid amarrada iyo la-shaqaynta ciidamada Itoobiya iyo shaqsiyaadka Soomaalida ee madiidinka u ah, bannaanbaxo diidmo ah, in af iyo qoraalba lagu cambaareeyo; iyo haddii ay xoog iyo hub adeegsadaan ciidamada Itoobiya, in ayagana xoog iyo hub lagula dagaalamo.

3. Waxaan leeyahay taaariikhda dagaaladii qabiil ee Soomaalida soo dhexmaray, laguma hayo dagaal si kama dambays loogu kala adkaaday, maalin kii guulaystay, maalinta ku xigta ayaa laga guulaysan jirey. Dagaalada hadda socdaana waa aarsi qabiil oo la isu adeegsanayo shisheeye, taas waa in la joojiyo inta aan godobtu badan, taasoo keeni karta aarsi dambe oo qabiil.

4. Dalkeena looguma talin karo ciidamo shisheeye oo la adeegsado iyo durbaan qabiil oo dib loo tumo. Taas iyadana ha laga waantoobo.

BEESHA CAALAMKA

Waxaan Caalamka xasuusinaynaa, dagaalkii 1977/78 ee dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya, kadib markii ay ciidamada Soomaalidu gaareen Diridhabe iyo Harar, in ay dawladaha waaweyn xoog uga soo saareen ciidankii Soomaalida oo dib ugu soo celiyeen xuduudahoodii iyagoo ilaalinaya xeerarka caalamiga ah. Sidaas awgeed, waxaan ka codsanaynaa Beesha Caalamka qodobada soo socda:

1. In ay fuliso go’aankii Golaha Amniga, tirsigiisuna ahaa ………..ee ka mamnuucayey in ciidamada la keenayo Soomaaliya aysan ka mid noqon karin ciidamada dowladaha xuduudda la leh Soomaaliya (Kenya, Djibouti & Itoobiya).

2. Beesha Caalamka, gaar ahaan quwadaha waaweyn, iyo Ururka Qaramada Midoobey, Midowga Afrika, iyo Jaamacadda Carabta, i.w.m. inay caddaadis ku saaraan dawladda Itoobiya inay ciidamadeeda degdeg ugala baxdo Soomaaliya. Sidoo kale, in ay ka shaqeeyaan in labada dal ku wada noolaadaan nabad, deris-wanaag iyo iskaashi.

3. In Beesha Caalamka qabanqabiso Shirweyne qaran ee dib-u-heshiineed oo loo dhan yahay, si loo gaaro dowlad lagu midaysan yahay.


Gen. Cabdiraxmaan Warsame Cilmi

User avatar
Karbaash_killa
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3672
Joined: Thu Mar 10, 2005 3:10 pm
Location: Wisil, Galmudug State of Somalia

Re: Hero of the 1977 War Letter to Somalis

Postby Karbaash_killa » Sat Mar 10, 2007 11:05 am

So how much of this wise man's letter do you agree with since you choce to ignore i ask again what do think of the a/yusuf meeting with those Sacad sheegato ?

Nacamleentooda isn't it contradicting the feelings of this wise man ??

Ismahan445
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2457
Joined: Thu Feb 08, 2007 1:54 pm
Location: Galinsoor

Re: Hero of the 1977 War Letter to Somalis

Postby Ismahan445 » Sat Mar 10, 2007 12:41 pm

caasho yusuf met with the usual suspect of the sacad community( the outsiders) which they don't really represent us.

User avatar
Karbaash_killa
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3672
Joined: Thu Mar 10, 2005 3:10 pm
Location: Wisil, Galmudug State of Somalia

Re: Hero of the 1977 War Letter to Somalis

Postby Karbaash_killa » Sat Mar 10, 2007 12:55 pm

I think AW owe us some explanation since he chose to defend and stand by the greeting of a man responsible for the invasion of Somalia and the first trespassing on the Somali independance which Abullahi Ciise (AUN) fought soo hard for...

User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56703
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

Re: Hero of the 1977 War Letter to Somalis

Postby AbdiWahab252 » Sat Mar 10, 2007 8:49 pm

KK,

I blame you & your ilk for bringing in the Ethiopians and providing Abdullahi Yusuf a lifeline. Shocked

Who was more antiYusuf and anti Ethiopian than El Haji Muse Suuthi Yalaxow ?

I support Mr. Abdishugri Ali Jiinje, AbdiRashid Ilqeyte, AbdiQeybdiid, and the Isabaheysiga La Dagalanka Argaxiisida !

If you left them alone, Abdullahi Yusuf would be dead from Malaria in Jowhar instead of getting $$$ from the UN, USA

the Isbaheysiga had Abdullahi Yusuf LOCKED DOWN until your UIC gave him a LIFELINE

User avatar
Karbaash_killa
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3672
Joined: Thu Mar 10, 2005 3:10 pm
Location: Wisil, Galmudug State of Somalia

Re: Hero of the 1977 War Letter to Somalis

Postby Karbaash_killa » Sun Mar 11, 2007 3:58 pm

yea..and..i blame the Palestinians for throwing stones at the Israeli troops at sight for now they being robbed off land and their homes are under occupation... Shocked

Any body can twist facts.... please hadalka ha nagu qaraareen, when ever you look silly..

Ismahan445
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2457
Joined: Thu Feb 08, 2007 1:54 pm
Location: Galinsoor

Re: Hero of the 1977 War Letter to Somalis

Postby Ismahan445 » Sun Mar 11, 2007 4:17 pm

[quote="Karbaash_killa"]yea..and..i blame the Palestinians for throwing stones at the Israeli troops at sight for now they being robbed off land and their homes are under occupation"
looooooooooooooool Laughing Laughing

Did anyone listen to Caasho Yusuf's talk with the beesha sacad that was on Hobyoradio.com. That speech he gave was annoying and he was talking out of his arse. Talking about Mo'hd Farah Caydiid was his good friend and they won the was against the Ethio in 1977 Laughing Laughing . The worst is the lady who is singing baranbuur for him....I wanted to choke on my choptle.

User avatar
Sadaam_Mariixmaan
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13484
Joined: Sat Feb 03, 2007 8:50 pm
Location: Villa SADAAM, Jamuriyada Sadaamalia
Contact:

Re: Hero of the 1977 War Letter to Somalis

Postby Sadaam_Mariixmaan » Sun Mar 11, 2007 4:21 pm

Maxamed Farah Caydiid and Cabdullahi Yusuf Axmed had a great friendship

Ismahan445
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2457
Joined: Thu Feb 08, 2007 1:54 pm
Location: Galinsoor

Re: Hero of the 1977 War Letter to Somalis

Postby Ismahan445 » Sun Mar 11, 2007 4:30 pm

[quote="Sadaam_Mariixmaan"]Maxamed Farah Caydiid and Cabdullahi Yusuf Axmed had a great friendship[/quote]
Rolling Eyes Rolling Eyes Rolling Eyes Rolling Eyes Rolling Eyes Rolling Eyes Rolling Eyes

User avatar
Sadaam_Mariixmaan
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13484
Joined: Sat Feb 03, 2007 8:50 pm
Location: Villa SADAAM, Jamuriyada Sadaamalia
Contact:

Re: Hero of the 1977 War Letter to Somalis

Postby Sadaam_Mariixmaan » Sun Mar 11, 2007 4:34 pm

it was in that book that Hindi wrote bout Caydiid in 1992 Laughing Laughing Laughing


and they share a Maternal link

User avatar
Karbaash_killa
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3672
Joined: Thu Mar 10, 2005 3:10 pm
Location: Wisil, Galmudug State of Somalia

Re: Hero of the 1977 War Letter to Somalis

Postby Karbaash_killa » Sun Mar 11, 2007 5:01 pm

A/Yusuf is desperate for Sacad support but this goes down as history when a helpless Mj came and begged Sacad for some "Walaalaha Mudug" support.... NOT WORTH TAKING ANY NOTICE OF..

User avatar
Sadaam_Mariixmaan
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 13484
Joined: Sat Feb 03, 2007 8:50 pm
Location: Villa SADAAM, Jamuriyada Sadaamalia
Contact:

Re: Hero of the 1977 War Letter to Somalis

Postby Sadaam_Mariixmaan » Sun Mar 11, 2007 5:03 pm

[quote="Karbaash_killa"]A/Yusuf is desperate for Sacad support but this goes down as history when a helpless Mj came and begged Sacad for some "Walaalaha Mudug" support.... NOT WORTH TAKING ANY NOTICE OF..[/quote]


A/Y brings shame to the Legendary Darood Ismaciil Jabarti name... Sad Sad

Ismahan445
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2457
Joined: Thu Feb 08, 2007 1:54 pm
Location: Galinsoor

Re: Hero of the 1977 War Letter to Somalis

Postby Ismahan445 » Sun Mar 11, 2007 9:38 pm

[quote="Sadaam_Mariixmaan"][quote="Karbaash_killa"]A/Yusuf is desperate for Sacad support but this goes down as history when a helpless Mj came and begged Sacad for some "Walaalaha Mudug" support.... NOT WORTH TAKING ANY NOTICE OF..[/quote]


A/Y brings shame to the Legendary Darood Ismaciil Jabarti name... Sad Sad[/quote]

You said it yourself.Its good to see you are using your sense today sadaam.

User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56703
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

Re: Hero of the 1977 War Letter to Somalis

Postby AbdiWahab252 » Mon Mar 12, 2007 9:23 am

Isamhan:

I guess u would rather have preferred the speech which Sheik Sharif made at the surrender of the Sacad militia.

In his speech which was done at Villa Baidoa where 9 Sacad POWs were displayed in Afghan Style BLACK HOODS covering their head and their arms tied behind their backs and forced to stand infront of dozens of techniko:

Sheik Sharif refered to the captured men and the dead as "KAFIIR" & GAALO & their property was halal to be taken. Shocked

So the lil speech that Cabdulahi Yusuf made is much better than the one Sheik Sharif made.

While this was happening, not 1 Sacad person could even say anything against the Sharif. They were all forced to be quiet and accept the humiliation.

So Cabdullahi Yusuf may be wicked but he knew not to embarras or humiliate the Sacad unlike the UIC.

The worst part was that the Sacad lackeys in the UIC didn't make even so much as a peep Sad

User avatar
Karbaash_killa
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3672
Joined: Thu Mar 10, 2005 3:10 pm
Location: Wisil, Galmudug State of Somalia

Re: Hero of the 1977 War Letter to Somalis

Postby Karbaash_killa » Mon Mar 12, 2007 11:50 am

What a propaganda.. Your fictional stories are becoming more and more gruesome sxb.

Its like when the 6 saleyman tuugo was caught high jacking ships of shore... and were brought to prosecution in front of everyone for piracy.. did any saleymans see this as an attack on saleyman???...

Sheikh shariif didnt call anyone gaalo....Please ..save the BS!! you chose to ignore when others provide facts and you expect us to take in your BS....


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Mudug”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 0 guests