Gheedi get told to disappear from South Mogadishu or face more defeats to come.
----------------------------------------------------------------------------------
Prof. Geedi oo amray in laga guuro Kuliyadii Jaala Siyaad ilaa Warshada Baastada.
Muqdisho, Arbaco, March 21, 2007 Simba Radio
Wareegto maanta kasoo baxday Xafiiska Warfaafinta ee Ra'iisul-wasaaraha Dowlada Federaalka Somalia Cabdi Max'ed Geedi ayaa lagu amray dadweynaha degan inta u dhaxeysa Kuliyadii Jaala Siyaad ilaa Warshada Baasta inay ka guuraan.
Wareegtada ayaa lagu amray dadweynaha degan inta u dhaxeysa Kuliyadii Jaalala Siyaad ilaa Warshadii Baastada wadada hareeraheeda inay si deg deg ah halkaasi ugu guuraan.
Wareegtada kasoo baxday maanta Xafiiska Ra'iisul-wasaare Geedi ayaa la sheegay hadii ay dadka degan goobaha aan kor kusoo sheegnay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu guuri waayaan in talaabo adag laga qaadi doono.
Inta u dhaxeysa Kuliyadii Jaala Siyaad ilaa Warshadii Baastada ayaa waxa ay kamid tahay halka ay degan yihiin dadweynaha ugu tirada badan magaalada Muqdisho, iyadoo aan la ogeyn inay halkaasi si sahal ah ugu guuri doonaan.
Dadkaan ayaa halkaasi degay kadib markii ay burburtay Dowlada Dhexe ee Somalia horaantii 1991.
Goobaha uu Ra'iisul-wasaare Geedi maanta ku amray in laga guuro ayaa ahaa kuwii maanta meydadka ciidamada Dowlada wadooyinkeeda lagu jiidjiiday.
Wareegtadaan kasoo baxday Xafiiska Warfaafinta ee Ra'iisul-wasaare Geedi ayaa kusoo beegmeysa xili maanta dagaalo qaraar ay ka socdaan qeybo kamid ah magaalada Muqdisho kuwaaso u dhaxeeya ciidamada Dowlada KMG Somalia iyo Ethiopian-ka oo garab ah iyo ciidamo aad u hubeysan.
http://www.simbanews.com/news/News%2021%20Mar%2010.htm




