Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

ICU gacan ku heynta Cadaado kala wareegay ciidamada Puntland

Somali government affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Hiiraan boy
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4756
Joined: Tue Sep 09, 2003 7:00 pm
Location: California

ICU gacan ku heynta Cadaado kala wareegay ciidamada Puntland

Postby Hiiraan boy » Thu Mar 22, 2007 5:49 am

Kooxo hubeysan oo gacan ku heynta Cadaado kala wareegay ciidamada Dowlada KMG Somalia.

Mogadishu , Khamiis, March 22, 2007 Simba Radio

Kooxo hubaysan oo deegaanka ah ayaa waxay la wareegeen gacan ku haynta degmada Cadaado ee gobolka Mudug oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan Dowlada KMG Somalia saaka aroornimadii hore iyadoo qasaare nafeedna uu halkaasi ka dhacay..

Dagaal qaraar ayaa wuxuu dhex maray ciidamo ka tirsan Dowladda KMG Somalia iyo kuwo kale oo degaanka ah kadib markii weerar ay ku qadeen ciidamadan deegaanka ah fadhiisimo ay Cadaado ku lahaayeen ciidanka Dowlada KMG Somalia degmada Cadaado.

Ilaa iyo 2 ruux oo ka kala tirsan labada dhinac ayaa ku geeriyootay dagaalkan iyadoo sidoo kale haweenay shacabka deegaanka kamid ah ay sidoo kalena ku geeriyootay

Odayaal deegaanka ah oo aan la xiriirnay ayaa waxay Idaacada Simba u xaqiijiyeen in aroornimadii saaka ay xiisadi ka taagnayd kadib markii dagaalka u dhacay waxaana gebi ahaanba gacan ku haynta degmada kalas wareegay ciidamadii Dowlada kuwo ka tirsan degaanka

Ugu yaraan afar baabuur oo ay ku jiraan laba booyadood ayaa sidoo kale lagala wareegay ciidamada Dowladda iyadoo wararkuna ay tibaaxayaan in ciidanka Dowlada ay isaga baxeen degaanka.

Wararka inaga soo gaaraya deegaanka Gelinsoor ayaa waxay sheegayaan inay halkaasi ka gudbeen ciidamadii laga saaray degmada Cadaado.

Odayaal deegaanka ah oo Idaacada Simba ay la xiriirtay ayaa waxay sheegeen in ay socdaan dadaalo ay wadaan odayaasha oo la doonayo in looga hadlo arintan.

Lama oga ilaa iyo iminka hadii dagaalkan Cadaado ka dhacay uu la xiriiro midka ka soconaya Muqdisho ee u dhexeeya ciidamada Dowlada iyo kuwa Ethiopia oo dhinac ah iyo kooxaha kale ka soo hor jeeda.

Simba Media Center, Muqdisho Somalia
Email: simba@simbanews.com

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somali Government”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 1 guest