Xerooyinka Maslax iyo CeelCirfiid oo ay la wareegeen xoogaga kacdoonka Muqdisho
Muqdisho ,Sabti ,Marso ,31, 2007, Waagacusub Online
Ciidamadii Itoobiyaanka ayaa isaga huleelay Xerooyinkii ay ku jireen ee Ceelcirfiid iyo Maslax kadib markii ay degaanka Suuqa Xoolaha isu diyaariyeen xoogag ku sugan dagaal afar geesooda oo ay ku qaadaan.
Maleeshiyooyin Reer Puntland ah oo iyagana xeradaas ku jiray ayaa isaga baxay ,waxaana la sheegay inay dhaafeen degaanka Balcad lamana yaqaan halka ay ku socdaan.
Ceel Cirfiid iyo Maslax waxaa deganaa laba guuto oo Ciidamo Itoobiyaana ah ,waloow ay ku dhamaadeen ismiidamintii uu sameeyay Shahiid Aadan Salaad Aadan.
Xoogaga Kacdoonka Muqdisho ayaa labada Xero la wareegay sida ay ku soo waramayaan Wariyaasha Waagacusub Dahir Alasow iyo Mohamed Aar beedhee oo gaaray Ceelka Cirfiid.
Wariyaashu waxay sheegayaan in xeradda Cirfiid ay ku arkeen Gaari Taksi ah oo ahaa kii uu watay Marxuum Dahir Shortman ee ay Itoobiyaanku toogteen iyo SURF-kii Aadan Ookiye isku qarxiyay cadad ka mida ,waxayse farta ku fiiqeen in cabsi badan laga qabo labada xero iyo gaarigaa tagsigga ah oo la aaminsan yahay in miinooyin xoogan lagu beeray.




