http://www.xog-waran.com/xog-waran11Apr ... -kaah.html
Dagaalkii saaka ka qarxey deegaanada Juungal ilaa iyo Isgoyska Fagax ayaa maanta duhurnimadii sii xoogeystey dagaalkasoo ku ku soo fiday goobo hor leh. Ciidamada sheegta magaca dowlada ayaa laga saarey degaanadii ay hore u joogeen sida Isgoyska Fagax, Hotel Kaah halkasoo looga qabsadey gaari tiknika ah. Dagaalka ayaa hadda ka socdaa agagaarka Hotel Lafweyn halksoo ay ku soo aruureen ciidamada dowlada magaceeda ku dagaalama.
Degaanka Jamhuuriya ayaa sidoo kale ka socdaa dagaal goos goos ah halksoo ay ku suganyihiin ciidamada dowlada waxuuna dagaalka kala dhaxeeya dad degan degaanka oo ka soo horjeedo in ciidamadan dul joogaan xaafadahooda.
Ilaa iyo hadda dagaalka si toos ah uma soo gelin ciidamada Itoobiyaanka oo xabad joojin lagaley Odayaasha beesha Hawiye hase'yeshee waxaa laga cabsi qabaa in ay dagaalka toos u soo galaan hadii uu sii socdo.
Dhanka kale Villa somalia ayaa goor dhow laga laga soo tuurey dhowr madfac kuwasoo inta badan ay ku dhacayaan xaafada Yaaqshiid.




