Dagaalo culus oo caawa ka bilowday caasimadda Somalia
Mogadishu 17, April.07 ( Sh.M.Network) Dagaalo xoogan ayaa waxa ay ka bilowdeen caasimadda Somalia caawa fiidkii, iyadoo dagaalkaasi uu u dhaxeeyo ciidamada Ethiopia iyo xoogagga wax iska caabinta Somalia.
Daryanka madaafiic culus iyo rasaas aad u xoogan ayaa bilaabatay abaarihii caawa 8:30 kii fiidnimo, iyadoo dagaalka caawa uu yahay kii ugu xumaa ee ka dhaca caasimadda.
Wali lama oga qasaaraha dagaalkaan, iyadoo rasaas culus iyo madaafiic ay ka soconeyso wadada Xamar Bile iyo Aaagga Cali Kamiin iyo goobihii kale oo ay isku horfadhiyeen ciidamada Ethiopia iyo kooxaha ka soo horjeeda.
Dagaalo culus oo caawa ka bilowday caasimadda Somalia
http://www.shabelle.net/2007/April/n11311.htm