Madaafiicda BMka iyo Gantaalaha kale ee riddada dheer oo maanta lagu harqiyey Madaxtooyada, Kumando bulusiye iyo Wasaaradda Gaashaandhigga
Ciidamada xaq u dirirka ayaa maanta markii ugu horeysey isticmaalaya Madaafiicda wax gumaada ee BMka iyo weliba Gantaalaha kale ee riddada dheer oo si saxan ula dhacaya villla somalia iyo komando bulusiya iyo weliba wasaaradda gaashandhigga.
Arrintaan ayaa noqotay saaka hadal-heynta ugu badan Muqdisho iyadoo saraakiishii Itoobiyanka iyo kuwa dawladda aargoosiga ay isaga huleeleen dhamaan goobihii ay kaga sugnaayeen Muqdisho iyadoo la sheegayo in qaarkood teendhooyin looga sameeyey xeebta Jaziira iyagoo isleh halkaa waad ku badbaadeysaan.
Isudheeli-tirkan dhinaca gantaalaha waaweyn ayaa dad aan saakay kula kulanay goobo kala duwan ee Muqdisho noo sheegeen in dagaalka Muqdisho ay wax weyn ka beddeli doonto si dhakhso ah.
Mar aan saakay soo maray jiidda hore ee dagaalka ayaa ciidamada xaq-udirirku waxay ii sheegeen iney ku naaloonayaan GUUL,GOBANIMO, IYO GALLAD EEBBE.




