Ciidamada Itoobiya iyo Maleeshiyaadka ka soo horjeeda ee ku dagaalamaya Muqdisho ayaa waxay ku kaceen falal la
xiriira dembiyo dagaal
Iyadoo dagaalka weli ka socda Caasimadda Soomaaliya ayaa warar hordhac ah oo la helay waxay xaqiijinayaan in Ciidamada Itoobiya oo ay la socdaan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maleeshiyaadka ay iska soo horjeedan ku kaceen falal aad u naxdin badan kuwaas oo qaarkood loo aqoonsaday inay yihiin dembiyo dagaal loona baahan yahay in lagu qaado labada dhinac ee dagaalka u dhaxeeya.
Intii uu dagaalka ka socday Xaafadda Yaaqshiid agagaarka Hotelka Bin Ali ayaa Ciidamada Itoobiya waxay dileen dad rayid ah oo guriyahooda ku sugnaa kuwaas oo Itoobiyaanka u qaateen inay yihiin dagaalyahano reer muqdisho ah, waxaana ku jiray dadka la dilay qaar ka mid ah shaqaalaha Hotelka Bin Ali, waxaana sida la sheegayo dadkaas ku jiray nin dhaqtar ah,
Sidoo kale agagaarka Hotelka Ramadaan Xaafadaha ku dhaw dhaw ayaa Ciidamada Itoobiya waxay ku dileen dad rayid ah oo aan waxba galabsan kuwaas oo shaki kaliya lagu dilay.
7 Dumar ah ayaa waxaa dilay Qoriga BM-ka loo yaqaano oo Itoobiyaanka adeegsadaan, kuwaas oo hilibkooda la kala garan waayay.
Dhinaca kale kooxaha dagaalka kula jira Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa waxay sameeyeen wax ka baxsan bani’aadamnimada iyagoo qoorta ka gooyay dhawr ruux oo ay qabteen kuwaas oo markii telefoonada ay wataan lagu arkay Nambarada ku kedsan ragg ka tirsan Dowladda Soomaaliya.
Ilaa iyo 7 ruux oo nimanka Muqaawanada loo yaqaano lagu eedeeyay inay dileen ayaa meydkooda dib loo soo bixiyay waxaana la arkay iyagoo qoorta ka jaran oo la dilay.
Hay’adaha u dooda xuquuqda Bani’aadamnimada ayaa waxay ku howlan yihiin ururinta xadgudubyada loo geysto shacabka Soomaaliyed.
Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa isna waxaa uu sheegay inaysan jirin wax xasuuq ah oo loo geystay Shacabka Soomaaliyed Maalmaha dagaalada ka socdaan Magaalada Muqdisho waxaa uu meesha ka saaray inay jiraan xasuuq loo geystay Shacabka Soomaaliyed.



