Mogadishu 26, April.07 ( Sh.M.Network) Dowladda KMG ah ee Somalia ayaa sheegtay in ay uu soo gabogaboobay intii badneyn dagaaladii ka socday magaalada Muqdisho.
Ka dib shir Jaraa'id uu ku qabtey Ra'isulwasaaraha Somalia hoyga uu ka dagan yahay magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay in in ay guulo ka gaareen dagaalka 8 cesho ka soconaya magaalada Muqdisho.
Geedi oo saxaafadda ugu yeeray hoygiisa ayaa ka dhawaajiyay in aanu dhici doonin dilal ku saleysan aargoosi, isagoo ugu baaqay ciidamada dowladda KMG ah in aysan sameyn falal lagu waxyeeleynayo qof kasta oo ku sugan goobihii lagu dagaalamay.
Ra'isulwasaare Geedi waxa uu ka dalbaday dadka hubka heeysta ee dagaalada aanu ku jirin in aysan ka soo bixin guryahooda, una diyaar garoobaan si loo diwaan galiyo.
Waxa uu ku amray ciidamada dowladda KMG ah in ay sii dabo galaan kuwa ku dhuumaaleysanaya guryaha ayna baaraan wixii hub ah ee ay wateen ciidamadii la dagaalamayay.
Ra'isulwasaare Geedi ayaa waxa uu shacabka Muqdisho ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan si ay ugu soo laaban lahaayeen guryahooda wixii berri ka bilowda, isagoo ku dhiiri galiyay shacabka Somaliyeed in la joojiyo wixii wax u dhimaya umadda Somaliyeed ee mudada dheer dhibaatada ku soo jirtey.
Hadalka Ra'isulwasaare Ghedi ayaa ku soo beegmay xilli dagaalo qaraar ay ka soconayaan qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.





