site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

SOMALILAND MA NATION BAA....MISA WAA QABIIL??????

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Nov. 8, 2000): SOMALILAND MA NATION BAA....MISA WAA QABIIL??????
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QALINLE

Sunday, October 29, 2000 - 11:37 am
WALAALKA SOMALIYEED WAXAN IS WAYDIIYAY SU'AASHAN AH IN DOWLADA SOMALILAND NATION TAHAY IYO IN KALE
HADABA RA'YI AHAAN AAN WAX KA I RAAHDO .
SIDAAD DHAMAN WADA OGTIHIN DHULKA SOMALIYEED WAXAA LOO QAYBSADAY QAYBO 5 AH ,SOMALILAND-NA WAXAY KA MID TAHY 5SOMALI MID AHAAN ,WAXAASE IS WAYDIIN LEH MAXAA BADALAY JECELKII SOMAALI WAYNE EE BAHYAWGA REER SOMALILAND KU JIRAY KA DIB MARKII GUMAYSTIHII CADAA BAXAY, EE AY WALAALAHOOD SOMALISOUTH KU DARSADEEN ? MAXAA KEENAY KALA GO'A AQRISTOO WAX WALIBA SABAB AYAY LEEYIHIINE?....MA GUMAYSTE LABAAD AYAA DHULKII SOO GALAY OO KALA QAYBIYAY ?
MAXAYSE XUKUUMADII 21JIRKA AHYD EE MADAXWAYNE SIYAAD BARE KULA KACDAY WALAAHA REER WAQOOYI AMA SOMALILAND ? DHIBKA XUKUUMADII SIYAAD BARE KA SOO GAARAY MA YAHY MID KA BADAN KII KA SOO GAARAY GUMAYSTIHII CADAA ?HOGAANKII SIYAAD BARE MID KALA JECEL SOMAALI MA AHAA MISE MID DANTIISA UUN EEGTA?
SOMALIYA WALI HOGAAN CADAAALAD AH HORE MA U SOO MARTAY ?HADII JAWAABTU MAYA TAHAY MA LA FILAYAA INAY SOO MARTO MUSTAQBALKA DHOW AMABA DHEER ?MUDO INTEEE LA'EG AYAY QAADAN KARTAA?SOMALIDU INTEE IN LE'EG AYAY WAX XAMILI KARAAAN ?.
AAN KU SOO NOQDO TOPIC-GII SOMALILAND MA GUMAYSI CAD AYAA GUMAYSI MADAW UGA DANBEEYAY?
KA DIB MARKII BUBUR LIXAAD LEH UU KA SOO GAARAY OO AAN LOO KALA AABA YEELIN XUKUUMADII HORE EE SIYAAD BARE WAXAY DHALISAY CARO ,NACAYB ,NIYAD JABIYO AAMIN DARO KU TIMID SHACAB YAWGA WAYN EE REER SOMALILAND ,HADABA MA IS ORAN KARNAA WLAALAHA REER SOAMLILAND XAQDARADII LAGA GALAY OO AY SOOMALIYOO IDIL ISKU RAACDAY AYAA SABABTAY IN SOMALIDA INTEEDA KALE HESHIIS UU DHEX MARI WAAYAY KALASII FOGAASHO MAHEE ,MAXAY KULA TAHY IN DADYAWGA SOMALILAND HADII AY AAYAHOOGA KA TASHADAAN .LAGU FARXO OO AY AHAADAN WALAALO JIRA MISA WALI WAXAA BANAAN IN DHIIGOOGA LA DAADSHO SIDII SHALAY OO AY SOOMALI ISKU RAACDO MARKALE.
IS SOMALILAND A NATION OR ........
FIKRADAADA KA DHIIBO ADIGOON WAXBA AF LAGAADEYN
WALAALKA QAALIGA AHOW[AQRISTOW]
THNX.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waamo

Sunday, October 29, 2000 - 12:21 pm
Somaliland waa Qabiil ee ma ahan Qaran,
Puntland waa Qabiil ee Somaali ayaa qaran ah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deydey

Sunday, October 29, 2000 - 01:44 pm
Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa lagu tuulay xadadka dalku la wadaago Somaliya iyo Jibuuti. Warar naga soo gaadhaya magaalooyinka xadka ah ee Hingalool iyo Bariisle ayaa sheegaya in kumanyaal ciidamada Somaliland ah la keenay magaalooyinka xadka. Wararkan oo ah qaar isasoo taraya waxay sheegayaan in dawladu ay go'aansatay in loo diyaargaroobo difaaca dalka hadiiba ay weeraro kaga yimaadaan dalalka dibada. Ciidamo gaadhay 8000 (Siddeed kun) ayaa haatan jooga xadka soomaaliya, halka xadka Jibuuti la geeyey 3000 (Saddex kun) oo kale. Magaalooyinke Bariisle, Lawyacado iyo Saylac ee ku yaala xadka Jibuuti waxa hore u joogay ciidamo dhan 2000 (Laba kun) oo askari oo ah kuwa loo yaqaano kamaandoos. Ciidamada bariga waxa abaanduule u ah Jan. Maxamed Dhamac oo ah mujaahid in badan ku jiray halgankii dalka lagu xoreeyey. Jan. Dhamac waxa uu wax ku bartay dalka Ruushka halkaas oo loo tababaray gaar ahaan ridida madaafiicda waaweyn. Jan. Dhamac wuxu ku biiray SNM sanadkii 1983kii markaas oo uu sarkaal sare ka ahaa gaaskii 1aad ee ciidamadii Soomaaliya ee deganaa magaalada Xaliimaale ilaa Garayocawl. Xaga Galbeedka waxa abaanduule ka ah Kor. Maxamud Aden oo isna ah sarkaal sare oo wax ku bartay dalalka Ruushka iyo Filibiin islamarkaana loo tababaray dagaalgelinta Ciidama lugta.

Ciidamada dalka Jibuuti ayaa tiradoodu dhantahay 3500 oo nin. Jibuuti waxa sidoo gale degan ciidan Faransiisku leeyahay oo dhan 3000 oo askari. Faransiisku hore waxa uu u sheegay in aanu Jibuuti difaaci doonin hadii Ismaaciil Cumar Geele uu isagu weerar bilaabo.

Dhanka Soomaaliya waxa la ogyahay in Cabdiqaasim ku hanjabay islamarkaana qorshaynayo sidii uu u weerari lahaa Somaliland. Cabdiqaasim malaha ciidamo dhisan, xitaa ilaaladiisu waa mooryaan madaxbanaan (Freelance gunmen) oo qaata 500 oo dollar maalintii kastaba. Iyadoo aanay muuqan muruq uu ku muquuniyo Somaliland ayuu hadana dhawrjeer ku celceliyey inuu Somaliland weerari doono.

Ciidamada Qaranka Somaliland waxay dhan yihiin 18 000 oo ciidamada qalabka sida ah, 4670 askari oo ah kuwa loo yaqaano Kamaandoos iyo 5000 oo ah kuwa Poliska. Wasiirka Difaaca Somaliland Mudane Cumar Maxamed Nimcaale ayaa noo sheegay in ay dawladu ku talo jirto in la libinlaabo ciidamada Qaranka Somaliland. Mr. Nimcaale waxa sidoo kale uu noo sheegay inay jiraan 14000 oo ciidamo kayda oo ay dawladu siiso raashin, markii loo baahdana diyaar u ah difaaca dalka. Mar la waydiiyey baahida loo qabo kordhinta ciidamada dalka maadaama aanay jirin wax muuqda oo cabsi gelin kara, wuxu ku jawaabay wasiirku in gobolku guud ahaanba yahay mid dhib badan, waxaana lagaaga weecan karaa uun muruqaaga. Wasiirku wux sheegay in qorshaha fog ee Somaliland yahay in la dhiso ciidan nidaam leh oo gaadhay 100 000 oo askari. Mr. Nimcaale waxa uu yidhi "waxad aragtaan in ay maanta dhiigeena u haliilayaan kuwaan iskaashan lahayn een isku danta noqon lahayn (isaga oo u jeeda Xamar iyo Jibuuti) maxaad markaas u malaynaysaan shisheeyehana".

Sidoo kale mujaahidiinta SNM, ayaa muujiyey inay heegan u yihiin difaaca dalka iyagoo laabi doona khilaafka u dhexeeya dawlada iyo SNM. Gudoomiyaha SNM Md. Xasan Ciise Jaamac ayaa sheegay in ay nasiib daro tahay in Somaliland oo 10 sano jirtay, maanta ay u hanjabaan kuwii laga xoreeyey dalkan mudo 10 sano ah ka hor. Cabdiqaasim ayaa ka mid ahaa dawladii Faqashta ee laga xoreeyey dalka. Gudoomiye Xasan Ciise wuxu sheegay in diyaar loo yahay difaaca dalka uuna ku kalsoon yahay guulo ay mujaahidiintu soo hoyn doonan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kamaal

Sunday, October 29, 2000 - 07:37 pm
To Qalinle...Su'aashaada jawaabteedu waxay ku xidhan tahay qofka aad waydiinaysid xagga uu ka yimid asalkiisii hore. Anigu waxaan odhan lahaa in aanay S/Land ahayn qabiil ee ay tahay qaran waayo marka aad eegtid dadka ku nool S/Land, ma'aha Isaaq oo qudha ee waa dad fara badan oo isugu jira qabiilo fara badan oo kala duwan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xogogaal

Sunday, October 29, 2000 - 09:20 pm
xogogaal

waxaa la sheegayay in ay dhawaan ka dhaceen shirar aad u balaran oo ay isugu yimaaden dhamman
aoonyahada dhulbahante, waxgaradka, garaadada, ugaasyada, shirkaas oo ka dhacay meelkasta ay degenyihiin beesha dhulbahante dalka gudihiisa iyo dibadisa.
hadaba waxaa la sheegay in shirkaasi ku saabsana sidii taageero weyn loo sin laha Ali Khaliif galaydh oo ah raisal wasaaraha somaliya.
una dhashay beesha dhulbahante.
Iyo sidii ay u taageeri lahaayen dowlada cusub.
waxayna goan ku gaaren in ayna ka mid ahayn Somali iyo Puntland ee ay yihiin soomali weyn, oo ay doonayan wixi soomaali weyn u dan ah.
waxaa hadaba is weydiin leh, ujeedada ku kaliftay arintan. dhulbahante hadba siduu doono ha ka yeelo siyaasada somaliya, waa ay la yaaban yihiin dadka siyaasada u kuur gala.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

garyaqaan

Sunday, October 29, 2000 - 11:55 pm
to cidii qortay mawduucan

sxb soomaaliland maanta cidi is waydiin mayso qabiil iyo qaran kay tahay sababtoo ah kumayaal sano ka hor ayaa wadanka loo sameeyay juqraafi kaas oo macnihiisu yahay deegaanka iyo qabiilada ku kala nool hadaba s/land hadaan usoo noqdo waa qaran horena uhaan jiray maantana udiyyar garoobay in aay qaranimadoodii la soo noqdaan mana aha qabiil waayo?waxa wada degan qabiilo soomaaliyeed oo kala duwan oo cid walba leh
hadaba ha isku qaldin siyaasada iyo qaranimada dabcan siyaasad waa lagu kala gedisnaan karaa oo aduunyada meelkasta waay taalaa qaranimose waa mid oo waxa dhigaya deegaanka dadku wadaagaan .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, October 30, 2000 - 01:24 am
somaliland waa qayb kamid ah somalia maxaa yeelay dal nation waxaa layidhaada marka la ictiraafo as a nation lageen waxa weeyey beel dhaqan wanaagsan hishiisna ku wada nool lageen sanaag iyo sool iyo awdal mahaa isaaq waxayna jecel yihiin marka laheelo somali lugaha ku daagan way raacaya isaaq na lama khasbayo maxaa yeelay xaq bay u leehihiin waxay doonayaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BS Boy

Monday, October 30, 2000 - 02:14 am
ku.Xogogaal

Waxaan ku odhanlahaa ka jawaab su'aasha meesha la is weydiiyey oo ka bax qolo heblaa shirteydan aad meel walba la taagentahey hawl kuu taalana ma aha.

Hadaan ka jawaabo S/land ma qolaa mise waa wadan anigu waxaan qabaa in ayan midna ahayn. Waxaana u aqaan S/land Magac uu gumestihii weynaa ee ingiriis uu qayb kamida dhulkeena ugu yeedhi jiray.

Hadana anigu weli ma garan waxa magacan soo celiyey ma gumeystihii baa mar labaad soo noqday maxaa magacan soo celiyey ay taariikhdiisu dhamaatey Soomaliya waatey xorowdaye.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Absame

Monday, October 30, 2000 - 03:11 am
To BS
ANIGA WAXAAN IDIN DHIHI LAHAA DAD AANAN
IDIN RABIN LA ISKUMA DHAJIYO EE WAXAAD
TIRAAHDAAN ISAAQLAND OO DHAHA SOOMALI
OO DHAN AYAA DHIB NOO GEYSATEY SAWAB TOO
AH DHULB;GADABIIRSE;WARSANGALI WAA KUGII
DHAGAHA IDINKA QARAACAY 87 EE MA EHEEN
REER KOONFUR HADII SOMALIYA AAY DOWLADAN
WADANKA AAY KU FAAFT SIDI UMBAAY DHAGAHA
IDINKAGA QARAACI DONAAN EE AYAGANA KA GOA
OO WAXAAD TIRAAHDAAN WAXAAN NAHAY ISAAQLAND

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Garxajis

Monday, October 30, 2000 - 03:23 am
Salaan,

Horta adoo Absame ah, hadalba kuuma furna..Garxjis marna Amxaar ayaa dhagaha kaa garaaca..ee orod oo xorayso afartaada ceel.

Inta kale Somaliland waa Isaaaq land.. waana qasab inta Daroood ee joogta iyo huushta, san dule..ama dhuusa ama xaara..waa dhamaad..hadalka iska daaya hadaad wax isku haysaan waynakii hore isu baranay faqash..cabdi bilayaashii..lol

later

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kamasaare

Monday, October 30, 2000 - 03:55 am
Ha is wareerin ee adeerkaa C/yuusuf waydii su aasha ama kan hooyadaa dumaalay ee c/qaasim la dhaho labadaa oo hooyadaa isku waydaartay ayuunbaa kuu jawaabi kara,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BS Boy

Monday, October 30, 2000 - 05:46 am
War dadkiinan afka Isaaqa ku hadlaa markii wax laysa su'aalo horta maxaad cay iyo afxumo ugu jawaabtaan ma waxkaloo aad sheegtaan baydin meesha ku hayn war rag iska dhiga oo wax la akhrisan karo meesha kusoo qora dhaqankana ilaaliya.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Absame

Monday, October 30, 2000 - 06:42 am
To Garxajis
Marka kowaad waxaan jeclaani lahaa in aan kuu
sheego in aay haboontahay in lawa arin aan ka kala
hadleyno aanan isku dhax darin aflagaadadana waa
ceeb adiga iyo nimanka iidor.
Arinta aan ka hadlayo ayaa waxaay tahay 87-91
dadka dhagaha idinka qaraacay waxaa ahaayeen
Dhulbahante, Gadabiirse, Warsangali oo hada
waxaad leedihiin waxaan nahay isku wadan ayagana
waxaay kuleeyihiin kuma rabno Isaaqana waxaay leeyihiin ma idin rabno tan aad leedahay Darood
ayaan qabsaneynaa waa arin aad ku riyooneysaan
ee waxaad tihiin IIDOOR OO MA TIHIIN QARAN
MANA NOQON DOONTAN EE WAX KALE MA HAAY SAAN
bye bye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mareer-gur

Monday, October 30, 2000 - 08:32 am
dear DAYDAY
... saxiibow isaaaqu ciidammo iyo hub badanaa,malaha waxay kaalmo weeydiisteen habartii kale ee xagga koonfurta ku noolayd.
laakiin haddii ciidankaasiba jiro maxaad afartan mitir ugu dhegentihiin,maad wadanka dhan xoraysataan?..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

somaliwaayen

Monday, October 30, 2000 - 09:01 am
mareer gur goooooooooooood point whay maxay isaaqoo SNM soomalia oo dhan oo qabsan waayeen ahaday wax isla hayaan???????????????????????????

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qolaaye

Monday, October 30, 2000 - 09:13 am
Somaliland waa hal qabiil oo la yidhaa Isaq kuwa ka tirsan oo raba in ay af duubaan qabaa'ilka kale ee meeshaa la daga.It's as simple as that.The rest is bullshit and daydreaam.That's na single gov't recognisis Ina Cigaal.Even Ehtiopia,the historical enemy of Somali unity, can't dare officially.
Most of our Isaq br's & sis realized the truth now.Atherwise Ethiopia will swallow them in less than 10 years.They need the ports.Ethiopia will bring 5 million of it's 70,000,000 (70 million) of it's people.Good luck .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

awal-fucker

Monday, October 30, 2000 - 09:47 am
somaliland is a habr -awal tea shop iyo in yar oo kale oo baqanaysa in oo isaaqa kale la dagaalamu.......

nimankii raga aha ee garxajis mar haday somaliland ka tala baxeen somaliland waay oo dhamaatay GAME OVER.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, October 30, 2000 - 11:20 am
Anigu hadii aan ficradeyda ka diibto arintan. Waxey ila tahey Somaliland qabiil iyo garanba waa loo arki karaa labadaba.
Qabiil waa loo arki karaa sababtoo ah fictada somaliland ma gaarsiisna gobolada oo dhan.
Qaran waa loo arki caraa hadii qolooyinka kale ay raacsan yihiin.
Hadaba waxa intaa ka sii cajaa ib badan dadka r. woqooyiga qaarkood dagaaladi soceeye ayaa cadho ku abuurey waanan ka xumahey iney taasi dhacdey. kuwo kale oo reer woqooyi ah na wax ay Somali iyo burburkii dawladii hore keentey ma saameyn. Sidaa daraadeed Somaliweyn kuwo raba iyo ku aan rabin ayey kala noqdeen.
Aniga waxey ila tahey waa qabiil Somaliland ee qaran maaha. WAXEYSE QARANKU NOQON LAHEYD HADII DADKA KU NOOL GOBOL GOBOL VOTE AY DHIIBTAAN. HADII AY GOBOLODA OO DHAN UU CODKA DADKA RABA SOMLILAND OO DAWLAND NOQOTA BADATO WAXAA LOO ARKI LAHAA QARAN. GOBOLWALBANA GAARKII OO GO'AAN DADKA AH QAARA AYAA KALA CATEYN LACAA INEY TAHEY SOMALILAND QARANOOR QABIIL.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Barawaani

Tuesday, October 31, 2000 - 01:06 am
wqqqqqqqqqqqqqqqqqqqqqq WALAAHI WAAD IGA QOSLISEEN ALA MAXAA MEESHA DAD ISUGU YIMI WAXAA LAGU JIRAA 2000 CAYDANA WAXAAD MOODAA IN LAGU SINAAYO BILAD SHARAF CAR BAL WAAKSAASE INTAAD RAG ISKA DHIGTAAN HA U CAYTAMINA SIDII DUMARKEE WAX IS WEYDAARSADA OOW AX KALA DHAGEYSTA DIKTAATOORNIMADANA ISKA DAAYA OO AH QASBINA DADKA SHEEKADUNABA WAXAA WEEYAAN IN NIN NINKA KALE KA DHAADHICIYO WUXUU AAMIN SAN YAHAY TAASINA MAAHA WAX DHACAAYA OO NIN KASTAA WUU ISA SOO TAAGAYAA EE BAL SI YAR OO DEGEN WAX ISKU FAHANSIIYA.

WBBBBBBBBBB WAA BAXAY WBBBBBBBBBBBBBBB

BARAWAANI

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, October 31, 2000 - 01:34 am
HORTA MARKA HORE WAAD KHALDANTIHIIN
CIIDAMADA SOOMAALILAND WAXBA ISKAMA
CELIN KARAAN
HADAAN GABDHO LA SOCON
HADAAN LA AMAANIN
IYO HADAAN LA DHIIRI GELIN,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

bashir

Tuesday, October 31, 2000 - 08:20 pm
Somaliland waanu ka noqon haddii aad naga adkaataan. haddii kale iska hadalka inaga daaya.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, October 31, 2000 - 11:48 pm
maanta ayuun baad fahanteen.somaliland waa isaaq
hadaan samaroon nahay(gudabiisi)waxaa inoo cadaatay in ay adag tahay sida loo la noolaado
isaaq dhib ayaan ku qabnaa oo waxay rabaan in ay magacayaga isticmaalaan dabadeedna noogu yeeraan hadhow huush,huuuuuuuuuuuush.waxaan leenahay jiri mayso dawlad isaaq ee waxaan wax la qabaynaa soomaali weyn.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, November 01, 2000 - 09:50 am
Waayaab, dadka goormey wax u dhaadhacaan. Waar intaad qolo kahadli miyaad REERKIINU DHAN ISKURAACAAN. Waxaan u jeedaa dadka Gadabuursi sheegta. Ha illaawin dad iniga midka ah ee So.land la socda iyaga ayaana magagciina iimsadey ee wax ka sameeya. Mana ihi Samaroon/Gadabuursi laakiin runtaan inii sheegey.
Mida kale Isaaq waa dadka Somali inniigu xiga inkasoot siyaased ku kala duwantihiin. Waa yaarkiina, waa kuwa innii soo gurmandoona hadii dadkale dhibaato inigu wadaan. Dhankastima ka eego waa dadka Somali iniigu xiga. Wax u dhigta dadka kale sida aniga oo kale oo ay Isaaq iyo Gadaboursi iska dhalleen. Runtii siyaased marka laga tago Jibiir Yoonis iyo Jibriil Abokor xageed kala gayn.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, November 01, 2000 - 11:33 am
Ma Dibjir ayaa qaran noqon kara??????

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.