site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Beenguur Qabiileed

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Nov. 8, 2000): Beenguur Qabiileed
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cabdirisaaq,Portland,ME

Thursday, November 02, 2000 - 03:07 pm
Waa salaamantihiin dhamaan dadkeyga soomaaliyeed..aniga horta waxaan ahay wiil 17 jir ah oo ku nool wadanka maraykanka..hal walax ayaan la yaabanahay oo maskaxdeydu gali weysantahay..anaga hadaan soomaali nahay qaladka maxaan qalad ugu saxnaa...war dadyahow ma rabtaan miyaa inaan dawlad naqano oo caruurteynu iskool iyo College dhigtaan waxa aan la yaabay oo marna ku qoslaa waxaa waaye Daarood asigaa laftiisa is heysta oo dhexda iska cunaya,Hawiye sidaas oo kale,Isaaqna waaba nin is mahadiyay oo yaaba u gali kara..Raxaweyn waa kuwaan maanta qoray ayee diyaar la yihiin,nimanyahow beenta inaan dhinac iska dhigno aan runta isku sheegno..nin walba oo halkaan qabiil hebel ka caayay waxaan u dhaara karaa inuu leeyahay saaxiiba oo qabiilkaa ka dhasheen,aqiyaareey waxaan aaminsanahay anigu iyo dad badan oo aan wada socono oon iskool wada tagno wax qabiil la yiraa inuunan jirin waayo waa kii wadankeygii iga soo ceyriyay,maanta aniga waxaa jira dad aan ka jeclahay kuwa qabiilkeyga ka dhashay,warka yaanaan idinku badine waxaan idiin sheegaa inuu qabiil soconeyn oo maalintii wadanka loo laabto nin walbo shahaadadiisa ayaa u hadleysa ee aan wax barano aana is cafino war fiiriya South Africa yaa ka fiican bariga..let's compensate and forgive..nimankiinaan ee shaqa la'aantu heyso ee halkaan reer hebel iyo reer hebel ka caynay waxaan idin leeyahay somalia u laabta oo soo fiiriya dhibaatada shacbiga heyso,,it's easy for us to talk about this bullshit while we are eating foodstamps and living in public houses..ilaahay halaga cabsado maalin uun waa la is weydiin doonaa hadalka aan ku hadalno,ilaahay hortiisana qoftii been sheegi lahayd waa arkeynaa..sidaas iyo maca salaama.
I love my country no matter what.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

s mohamed

Thursday, November 02, 2000 - 05:04 pm
to c/risaaq portland me

walaal aad baad ugu mahadsantahay fikradaada aad soomali usoo jeedisay caqligaagana somali alla ha tuso maxaa yeelay waa wax lagu farxo markaad akhrido inan yar oo adoo kale ah fikradii taasoo muujinaysa indheergaradnimo xeel fog

halka kuwa waawaynaatay qabiil kufooganyihiin oo netka waxaan faaiido lahayn kaga hadlayaan


waad mahadsantahay mar labaad

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.