site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

"Baaq Siyaasadeed"

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Nov. 8, 2000): "Baaq Siyaasadeed"
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Burgal

Friday, November 03, 2000 - 07:54 am
Urur ka kooban Aqoonyahano & Siyaasiyiin U dhashey beesha shiiqaaleed saldhigoodu yahay dalka mareeykanka, oo maalmahanba shir u socday, ayaa soo saaray go'aamo ay kaga soo horjeedaan dawlada ku meelgaarka ee soomaaliya.Go'aanada shirkaas oo dhowaan si qoraal ah loo soo saaridoono, ayuu ururka ugu baaqay dhammaan dadka shirkhaaleed meelkasta oo ay joogaan in ay ku mucaaradaan dowladdaas caddaalada ka fog. Uurka oo ballan qaaday in uu awoodiisa aqooneed iyo siyaasadeed isugu gayn doono sidii uu dowladaha iyo hay'adaha gargaarka bixiyo uga dhaadhicin lahaa ceebaha. Naasnuujinta iyo meel ka dhecyada dowladdaas ku meel gaarka ah iyo in aan la siin wax kaalmo ah.
Ururku wuxuu ugu baaqay beesha shiikhaaleed in ay xiriir wanaagsan iyo is af-garad iyo gacan saar la'yeeshaan beelaha soomaaliyeed oo ay deegaanada wadaagaan, siiba gobaladda MUDUG,HIIRAAN BANAADIR,SHABEELAHA HOOSE IYO JUBADA HOOSE.IYO In isha lagu hayo beeha inteeda degan dhulka waxaa kale ururka ugu baaqaay dadka Shiiqaaleed oo loo magacaabay xilalka siyaasadeed in ay ka baxaan dowladaas, oo ay iska ilaawaan oo aysan noqon goroyadii afka subaga loo mariyey, haddii ayaan dhuuni raac ahayn. Haddiikalana ay beeshu ka qaadan doonto go'aan adag.
Ugu dambeeyntii ururku wuxuu ugu baaqay odayaasha beesha in aysan wax kulan ah la yeelan qof ka socda dowladdaas,magaci uu rabo ha lahaadee.
Ururku wuxuu soo dhaweeyey ururadda kale ee soomaaliyeed oo ay danwadaagta yihiin. Guddoomiyaha Ururka iyo afayankiisa ayaa la filiyaa in ay dhawaan ka hadlaan qaar kamida idaacadaha Telifishinadda dalalka Mareeykanka iyo Canada. ayagoo kadibna u sii gudbi doona dalalka Yurub iyo Africa.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.