site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

DUMARKA SOOMALIYEED IYO QABIILKA.

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Nov. 8, 2000): DUMARKA SOOMALIYEED IYO QABIILKA.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

maryan

Saturday, November 04, 2000 - 10:05 am
Qabyaalda waa cudur, waxayna dadkii iyo dalkii Soomaliyeed dhaxalsiiyay duli iyo burbur.Hadab hadaynu nahay dumarka Soomaliyeed maxaa noo dan ah?. Waxaynu ogsoonahay in dumarka ay ahaayeen kuwee dhibka ugu wayni kasoo gaaray dagaaldaii soomaliya haday ahaan lahayd dil, dhac. kufsi .IWM.waxay ahaayeen kuwii dhabarka u xirtay korinta iyo kobcinta ilmahooda daruufata adaga ee soo martay walina haysata dadka soomaliyeed. Soomalidu waxay ku maahmaahdaa naagi tag mahee tol maleh.Hadaba waa inaan raga lagu taageerin cudurka qabiilka maadaama aan anaga qabiil ahaan nala tirsan. Waxaad arkaysaa haddii gabar uu guursado nin aan u dhalan qabiilkeeda la dayrinaayo, qabiilkii kale ee ay soo gashayna lagu dhibaataynaayo .halka ragu waxay guursadaan ba lagu soo dhaweeyo gacmo furan.Halkaas waxaa kaaga cad in aanaan qayb muhiim ah ka ahayn waxay ay soomalidu isku disho iskuna bahaysato ayadoo sababtu tahay inaan nalku abtirsan.!!!! Dumarka aduunka waxay ka gudbeen caqabado badan ohortaaganaa tusaale ahaan, Yurub; waxaa 1940kii looga dooday dalka Ingiriiska in dumarku leeyahin; (souls. "if thay have if is it human souls or animal souls)?!! Maantana waxay gaareen heer ay xaqooda ku dhacsan karaan. Ma ahan i naan urur "famanist" ah abuuraayo, ama leeyahay Diinta halga tago. Laakiin waa inaan helaa xaquuqdii Alaah nasiiyay oo aan abaal nalooga dhigin silic dilyayan.Si aan u helo bulsho caafimaad qabta ugana baxno duliga waxaaan halkaa kusoo gubinayaa inaan qaadano arimo dhowr ah:
Gabar walba waa inay :Si dhaba ugu dhaqantaa Diinteena aana baranaa xaqeena.
Waa inbaab xor ka noqonaa ku dhaqanka qabiilka. Waa inaan ubadkeena ku tarbiyayanaa in qabiilku yahay cudur faafa oo sida kuwa (infectionka leh) loo kala qaado wax dhimaalkiisana uu ayahay dabar go, iyo waxaan Diinteenu raali kaahayn.
Waa inaanan nin u guursan qabiil ee aan ufirinaa diintiisa , iyo qiimahahisa kale.
Waa inay ogaataa gabdhii nin ina adeer uguursataa inay cudur guursatay kasoo saamayndoona iyda caruurteda iyo dhamaan bulshada .
Hadii aan figradaas qaadano waxaa hubaal aha inaa ka badbaadi karno dhibaatooyin badan. Hadaba maxay kula tahay?.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ismaciil

Saturday, November 04, 2000 - 10:52 am
salaan maryan:_

salaanta kaa did walaal arintan aad sheegtay waa arin jirta oo soomali oo dhan aya taqaana maanta in aay yihiin nimanka soomalidu kuwee wadanka soo gubay waliba odayaasha ,taa laba cali iswaydeen maysuu in dumarka iyo hooyooyinka dulmii xad dhaaf aah iyagana lagu hayo wadankii(xagan 911 aya kaa adhag ileen)taasina waa arin iyaduna jirta
dumarka soomaliyeed waliba hooyooyinka wanaag mooyaane wax xumaan walee lagama arag hasayeeshe qharkuud qabyaaladan aad sheegaysid rag waay kaga badiyaan oo iyagaaba afoofa bahasha oo rag isku dira oo waliba ku faana,maa in aay dumarka soomailyeed danohooda iyo kuwa dadkuuda kaa taliyaan tasii ceeb maa aha diintuna maay diidin ee qofba sii gaar ah ayu diinta oo fasirtaa diinta islam ah ee sax ah rag iyo dumar ba camalkuuda aya oo dhexeeya akhirana taas aya laa iswaaydeenaya,ghabad muslim ah oo soomaliyad ah haday guur xalaal aah doonto oo aay nin ina deerkiid ah ama nin akle oo muslim ah is afgartaan I don't see why not walaal illaahay wuxu yhedii "ina gacalnaakum shucuuban waa qabaayila li tacaarafuu in akramakum cind allaahay atqaakum"...qabiilkan inaga aya sii xum oo isticmaalna ee maa quma qabiil marka aay dadku wax wada qabsanayaan kala guursanayaan iswihishanayaan isbaranayaan laakin marka aay noqotu sheekadu anaga ayaa dowlad ahh idina xashiish baa tihiin soomalina macal al asaf taas ayey uu badanyihiin ee in oo illaahay dadkeena soo hagaajiyu bal aaynu oo suu ducaynu,aniga oo aah nin dhalinyaro aah oo somali aah I hope in the future in aanu wax kaa bidilnu sidaa dhaqan xumada aah ee dumarka soomalida luu galu adnaa walaal waxaad oogaata in aay dumarkuna dhibaata aan yareen iyana dhaqankeena iyo magaceenaba oo soo jiiteen waa kuwa maanta jamaican iyo boorya qab maaydhan laa sucda oo dhiintoode iyo dhqankuude baabeeyey xumaana haa oo qaadan walaal waa arin iyana dhab aah oo waay jirta.

salaamad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdikarim hassan

Saturday, November 04, 2000 - 11:52 am
TO MARYAN AND ISAIL

marka hore labadiinuba waad salaaman tihiin
salaan ka dib.labadiinuba waxaad ka hadashen
wax jira, haddaan arrinta maryan ka hadlo anigu
somaliya wakhtiyo kala duwan ayaan tegay, waxaana
halkan ku caddeynayaa wixii aan soo arkey.
waxaan tegay somalia mar,kii mohamed siyaad barre
ka baxay waxaan tegay xamar, waxaana soo arkey
haweenkii hawiye oo guubaabinaaya raggii kuna
khasbaya inay dagaal galaan, waxaan uga soo
gudbey dhinaca kismayu halkaas oo daarood usoo
qaxey waxaan ku soo arkey haweenkii oo raggii
guubaabinaaya qaarkoodna ku dhaarteen inay is
qaawinayaan haddii aanay dagaal tegin, haddey
dumarka soomaaliyeed daacad yihiin somalia ama
raga somaliyeed waxba ma sameyn kareen.
1995 waxaan tegay waqooyi ilaa gobolada dhexe
HARGEISA,BURCO, LAASCAANOOD, GAROWE IYO GALKACYO.
markii isaaq dhexdiisa ka dagaalamayey waxaan
arkayey haween ragga ku khasbaya inay dagaal
galaan, run ahaantii maryaney dumarka soomaaliyeed
kama maqna dhibaatadii soomaaliya ka dhacday.
waxaana hubaa inay haweenka soomaaliyeed ku
dhacday dhibaatadii ugu xumeyd ee soomaaliya ka
dhacday ayna sii fiican u koriyeen ubadkooda iyado
rag badan oo soomaaliyeed been, qabyaalad iyo qaad
la fadhiyeen, haweenkuna waa lafdhabarka qoyska
soomaaliyeed.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

deeqo

Sunday, November 05, 2000 - 06:43 am
hi dear maryan: I agree with your openion,but there was mistakes in the past for both women and men. that's what changed my country in a war place.
but sis as women we have limit to do things in politic and social life in back home ,so let us start here to organize our selves.in order to help women crises in somalia.

peace ...
bye deqo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mahdi

Tuesday, November 07, 2000 - 06:46 am
to;all bro and sist
waxaan ognahay dhamaanteen in dumarka soomaaliyeed
ay yihiin kuwa xaqoodii la duud siyay, balse aan ugudbo dooda halkan taal, waxaa jirtay wadankii inuu ka dhacay dagaal shacab aana loo aaba yeelin maato iyo waxgaradba keentayna maamul xumo katimi mas,uuliyiintii wadanka utalinayay, taariikhduna madhicin meel lagu laayo maato,dumarka soomaaliyeedna wax qabadkoodii wuxuu noqday baraarujin ay raga kubaraarujiyaan dagaaladaa socday una arkaayay wax fiican inay tahay balse waxaa qaldanaa kuwii fikradaa dhaliyay oo raga ahaa kana danbeeyay inay dagaa lamaan waxaanse ognahay inaynu nahay umad muslin ah mas,uuliyadana waxaa iskaleh raga marka dumarku wax shaqa ah ay ku leeyihiin ma,ayjirto masiibadaa nagu rogantay, maryana waan ku raacsanahay fikrada ay usoo jeedisay dumarkeena soomaaliyeed inay inoo dhaafaan qabiilka haduu fiicanyahay hadii kaleba

wabilaahi towfiq

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.