site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

" Ragga u shaqeeya gumeeysiga ee Garoowe isugu tagay".....Dr C/Qaasim

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Nov. 8, 2000): " Ragga u shaqeeya gumeeysiga ee Garoowe isugu tagay".....Dr C/Qaasim
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aliyoow

Monday, November 06, 2000 - 07:02 am
05 Oktoobar 00

MOGADISHU, Axad:

Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya Dr. C/qaasim Salaad Xasan oo shalay xaruntii hore ee ururkii Kulanka Walaalaha shir ballaaran kula yeeshay duubab Soomaaliyeed ayaa halkaas ugu jeediyey khudbad dhinacyo badan leh.

Dr. C/qaasim ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku guuleysatay muddo yar gudaheed diblomaasiyadda dibadda, isagoo sheegay in dowladdu aqoonsi ka heshay dalalka Yurub, Jabaan iyo Shiinaha, halka dowladda Mareykanku safka hore inay ka muuqato aysan doonaynin, haddana doorasho ayey ku jirtaa ayuu yiri madaxweynuhu.

"Hadda ayaan ogaanay in Soomaaliya ay ka kooban tahay 350 qabiil wasiirraduna ma dhaafi karaan 25 illaa 40 sida uu qorayo axdiga ku meel gaar ka ah ee dalka, beelkasta waxay doonaysaa inay ka dhex muuqato hoggaankaas" ayuu yiri.

Isagoo ka hadlayey dalalka dariska ayuu sheegay inay qaarkood faraha ay kula jiraan arrimaha Soomaaliya uuna ugu baaqayo inay joojiyaan hubka iyo saraakiisha lagu soo daldalayo gudaha Soomaaliya, "kama aamusi doono arrintaasi Soomaaliya way is difaaci doontaa haddii la moodaayey inay dhimatay ma dhiman" ayuu yiri Cabdi Qaasim oo ku daray inay dalka ku sugan yihiin ciidamo shisheeye, ayna tahay mid aan loo dulqaadan doonin, iyadoo aan daris wanaag muujinay in sidaas naloola dhaqmo.

"Ragga u shaqeeya gumeysiga ee Garoowe isugu tagay ee qorshaynaya in Soomaaliya la googooyo taariikhdu ma iloobi doonto, midnimada Soomaaliyeedna waa muqadas" ayuu yiri Madaxweyne Cabdi Qaasim oo ku tilmaamay raggaasi cadowga midnimada Soomaaliyeed.

Mar uu ka hadlayey hoggaamiyeyaasha mucaaradsan dowladdiisa ayuu sheegay inuu ka soo billaabay in ergo u diro hoggaamiyeyaashaas ayna ka mid ahaayeen ergooyinkii la kulmay ee soo diray Qaramada Midoobay iyo Talyaaniga, haddana mid kasta waxaan kala kulanay aflagaado ayuu yiri madaxweynuhu.

Wuxuu kaloo ka hadlay madaxweynuhu maamulka Cigaal oo uu sheegay inuu ku qadarinayo midnimadii hore ee ay ka soo shaqeeyeen, hase ahaatee uusan soo dhaweyn, C/llaahi Yuusufna waa la mid, kuwa Muqdisho joogana loo kala diray min 5 xubnood oo ergo ah, wax kasoo baxayna aysan jirin.

"Sidaas darteed waxaan ugu baaqayaa shacbiga Soomaaliyeed inuu ka kaco fadhiga oo uu u shihiido sida ay u shihiidaan reer Baydhabo iyo reer Boosaaso, ragga iyo haweenka qabiilka shafka ku garaacaya ha ogaadeen in niman hub la taagan yihiin dekedda iyo Garoonka diyaaradaha, fadhi ku dirirna loogama bixi karo" ayuu mar kale Mudane Cabdi Qaasim oo ugu baaqay culimada iyo duubabka Soomaaliyeed inay iyagu kama dambeystii ka qaybqaataan dib u heshiisiinta qabyada ah, iyagoo guddiyo guddiyo isku qaybinayana u tagaan ragga diiddan in la heshiiyo".

Waxaa diyaariyey Ciise Faarax

(QARAN PRESS)

.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.