site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

"Passport " oo Soomaaliya loo soo saaraayo bisha Disember

SomaliNet Forum (Archive): RA'YIGA DADWEYNAHA - Your Opinion: Somalia: Archive (Before Nov. 8, 2000): "Passport " oo Soomaaliya loo soo saaraayo bisha Disember
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aliyoow

Tuesday, November 07, 2000 - 05:58 am
Wargeeyska Qaran


MUQDISHO, Isniin:

174 xubnood oo ka mid ah xildhibaanada golaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa cod buuxa ku ogolaaday dhismaha xukuumadda ku meel gaarka ah iyo barnaamijkeeda howlgal ee saddexda sano ee socota xalay fiidkii.

Xubnaha baarlamaanka oo tiradooda guud ahayd 188 xubnood ayaa shalay is dhaafsaday doodo aad u kulkulul oo socday shalay 11:00 barqanimo illaa xalay 7:30 fiidnimo, ansixinta dowladda waxaa ka aamusay oo keliya 6 xubnood, waxayna xubnuhu shalay su’aalo ka keeneen howlgalka dowladda intii yarayd ee ay jirtay, iyagoo soo kordhiyey fekrado cusub oo ku wajahan dhinacyada daryeelka bulshada iyo nabadgelyada.

Hadal uu fadhiga baarlamaanka oo ka dhacay Hoteel Lafweyn ka jeediyey Ra’iisul wasaare Cali Khaliif Galayr ayuu aad ugu dheeraaday ka hadalka dhinaca amaanka dalka iyo abuurista ciidamo Qaran "gobollada ciidamada jooga waanu qarameynaynaa" ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha oo sheegay inay haatan magaalada Muqdisho ku urursan yihiin ciidamo beelo, ganacsato iyo maxkamado ka socda, wuxuuna ku baaqay in laga gudbo magaca qabiilka oo ay ciidamadaasi noqdaan kuwo Qaran.

Ra’iisul wasaaraha oo khudbadiisa ku soo qaaday qaxootiga Soomaaliyeed ee ku kala firirsan dunida ayaa sheegay in dowladiisu intii karaankeeda ah ka wax ka qaban doonto baahida qaxootigaas iyo dib u dejintooda, gaar ahaan buu yiri kuwa ku sugan dalalka dariska.

Ra’iisul wasaaraha ayaa mar kale caddeeyey inaysan ogolaan doonin in lacago cusub dalka la soo geliyo, isagoo dhanka kalena ballanqaaday in bisha Disembar ee soo socota dowladdu sameyn doonto baasaboor cusub ee Soomaaliyeed iyo inay xukuumadiisu dhisto dhisme baarlamaan oo ay leeyihiin xubnaha goluhu.

(QARAN PRESS)

.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

A real Mad Master

Thursday, November 30, 2000 - 04:23 pm
Taloow madameer baa la gu soomasuri doonaa mase xoole khale.waa iga su aal?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ruun

Thursday, November 30, 2000 - 06:56 pm
Real mad master, aniga waan weydiyey su'aashaa ayaan horey. Fiiri page-ka "Ya ku khasaraayo baasboorka cusub" Jawaab ma'aan helin.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.