site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Sheekooyikii caruurta ee Somaligaa

SomaliNet Forum (Archive): Somali Women's Forum: Archive (Before Feb 2000): Sheekooyikii caruurta ee Somaligaa
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suhayla

Unrecorded Date
To Dhaman:
Walaal waxaa wanaagsan in Caruurta Somaliyeed aynu uga sheekayno sheekooyinkii hooyooyinkeen inooga sheekayn jireen. Waxaad moodaa inaynu iloobayno in xikmada iyo dhaqanka lagu gudbiyo sheeko caruureed. Caruurteenu ma helaan waxay ka sheekeeyaan marka iskuulka la joogo "in Show and tell". Markaa haddii aad walaal sheeko xasuusantahay soo gurbi.
Waad mahadsantihiin Dhamaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suleeqa sagaaro

Unrecorded Date
Salaamaclaaykum;

Sheeko caruur.


Waxaa la yiri baribaa maalmahaa ka mid, uu waraabe martiqaad aad u balaaran u sameeyey xaywaankii martiqaadka markii ay dhamaysteen ayuu waraabihii khudbad jeediyey, oo uu yiri; Walaalaayaal waxaan maanta iskugu kiin yeedhay inaad magacaa waraabe iga badashaan oola iigu yeero AAMIN. Xaywaanadii ayaa waraabihii su'aal waydiiyey oo ku yiri, waar waraaboow maxaad magacaagan aad ku caano maashay ee cid walibaa kuu taqaano aad iskaga badelaysaa, markaasaa intuu waraabihii qoslay yiri " markaa waraabe la iigu yeero ayaa waxaa iga ordaa xoolahaa oo dhan" markaas baa libaaxii shirka ka dhex kacay ku yiri waraabow ri ayaanu geedkaa caawa ku xidhaynaa adigana la joog, hadii aanu berito aroortaa kuugu nimaad ri'daa oo aanad cunin waxaanu kuu bixin AAMIN. sidaa ayey xayawaankii kaga tageen waraabihii intay ridii geeg ugu hoos xidheen habeenkii ayuu waraabihii cunay intaa iska hayn kari waayey, markii aroortii xaywaankii soo tooseen ayuu waraabihii orday oo yiri" NINKII WAX NABADGALYAA, AAMINOW UGU YEEDHA" markaasuu orday sidaasna ayuu waraabhihii ku waayey in loo bixiyo aamin.

Nabadgalyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdalla

Unrecorded Date
By abdalla .
To Suhayla .
Salaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu.
Walaal Suhayla waa arin wanaagsan arinta aad soo jeedisay,waxaase aniga ay ila tahay in la isku dayo in la ururiyo oo la qoro sheekooyinka soomaaliyeed ee caruurta,laguna qoro afsoomaali fudud sawirona loo yeelo si caruurtuna soomaaliga ugu barato ,kuwa aan aqoona ay waalidkood ugu akhriyaan.
Ma garanayo inay jirto cid isku dayday inay qorto,laakiin aynu iska kaashano arintaas.
Abdalla (Denmark).

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Alex

Unrecorded Date
Suheyla why donít you gather the stories and post then in a special section for children. We need a section for the children. This was a great idea, even thoght I donít have a single story.

Yours truly, Alex

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suhayla

Unrecorded Date
To Alex and Abdalla:
Walaal, I have left Somalia at very young age and I am truely in search of children stories and Adult riddles in Somali language. I would have gladly posted them had I have an access to the stories. For that reason I am appealing to the Somalis who came from Somalia in recent years.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suhayla

Unrecorded Date
To Suleeqo:
Walaal aad iyo aad baad ugu Mahadsantay sheekadaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suleeqa sagaaro

Unrecorded Date
Salamaacalaykum:

Suhayla:

walaal adigaa mudan, InshaAllah marka xigtaa ayaan soo qoridoonaa sheekooyinkale.

Nabadgalyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suleeqa sagaaro.

Unrecorded Date
Salaama calaykum;

Sheeko caruur:

Diigii baa ciyey, dawacaa maqashay way soo oroday, jararaf,, jararaff,,, waxay hoos timi geedkii diiga ka kor ciyayey. Waxay tiri Diigoow soo deg aanu dukanee. (waxay doonaysay inay cunto diigiina waa uu ku fahmay) Diigii waxaa uu yiri horta Iimaanka geedka hoostiisa jiifa toosi, (ey ayaa hoos jiifay geedka dawacadu arag markii hore) Eeygii baa toosay, dawacadii way carartay jararaff,,, jararaff,,,, Diigii waa uu qoslay Haaa haa haa haa.

Dhamaad.

Sheekadaan 15 ka hor ayaa igu daneeysay si fiican ma u xasuusto cid taqaan haday jirto oo wax qaldani ama aan ka tagay taqaan waad saxi karta.

Nabadeey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suleeqa sagaaro

Unrecorded Date
Salaama calayku;

Caruuray sheeko:

Bari baa waxaa jirtay gabadh 7jir ah. waxaa la oran jiray Barwaaqo. Aabaheed iyo hooyadeed ayaa markay iskuulka, dugsiga, aadayso lacag siin jireen si ay ugu iibsato waxyaalo cuno ah hadii ay ka hesho, tan gurigaa looga soo sameeyeyna haday doonto iska soo celiso ama saaxiibaheed aan wax haysan siiso.

Barwaaqo waxaa ay samayn jirtay markii lacagtaa la siiyo, waalidkeed uma sheegi jirin qolkeeda bay meel ka dhigan jirtay. Markii ay xoogaa noqotay bay u sheegtay oo tiri Hooyo iyo AAbo lacagtaad i siin jirteen waa tan. Hooyo iyo Aabo way yaabeen waxay tiri waxaan u uruurinayey inaan xajka ku aado, anigoo cuno guriga ka qaato ma doonayn inaan mid kale gado oo cunadii qof iga cuno hadaan waayo waxay noqotay inaan daadiyo anigana cunadaa in aan qasaariyo ayaan diidayey oo danbi iga raaco.

Aabaheed iyo Hooyadeed way ku farxeen oo ku yiraahdeen hadaan kuudhamaystiraynaa sanadkan soo socdana xajkaan wada aadaynaa. Barwaaqo waa ay faraxday haye tiri aabe iyo hooyo intay dhunkatay u mahadcelisay.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Barwaaqo waxay u tagtay gabar yar saaxiibteed ah gurigooda. Markay gashay waxay aragtay saaxiibteed oo ooyeysa waxay tiri maxaa kuugu dhacay waxay tiri wax aan cuno ma haysano oo shalay ilaa maanta labo timir kaliyaa ayaan cunay hooyo iyo aabana wax ma cunin. Barwaaqo waa ay ka naxday oo tiri i sug waan kuu soo noqonayaa.

Barwaaqo ayaa soo gashay ayadoo faraxsanayn gurigooda aabaheed iyo hooyadeed oo shakaysanaya qur'aana aqrisanaya ayaa arkay, way waydiiyeen waxaa ku dhacay. way u sheegtay waxaa haystaa saaxiibteed waxayna Barwaaqo raacisay lacagtii aan aruurinayey iyo intaad iigu darteen ayaan u geeynayaa ha cunaan oo sanado way anfaci intay ka sii xoogsanayaan. Waalidkeed aad ayey ugu farxeen kana ogolaadeen sidii bay ugu gaysay saaxiibteed guri ku dhaw bay degaanaayeen aad bay ugu farxeen una duceyeen.

Dhamaad.

usheeg caruurta faa'idada sheekada.

sida naxariista Barwaaqo.
Caqligeeda.
cunada ama wax walba in aan fiicnayn in la qasaariyo iyadoo dad baahani ay jiraan.
dariska xaqiisa.
qof baahan inaan fiicnayn inaad lacag meel ka dhigato.
sadaqada wanaageeda.
waalidka jacaylkisa
in waalidka loo sheego wax walba.
ma soo koobi karo faa'idooyinka sheekada laga helayo ama caruurtu ay ka heli karto ee sii dhamaystiro.

caruurta wanaag lagu tarbiyeeyo wanaag bay dhalaan.

Nabadgalyo. xiiso danbe.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hamdi

Unrecorded Date
Salaam Caleykum;

To;suleeqo

Suleeqo aad iyo aad baad u mahadsan tahay sheekad aad noo soo bandhigtay runtii aad baan oga helay maadaam aan caruur leyah aana uga sheekeyo sheekadan maadaam ay tahay sheeko macano hel iyo naxariis leh markii aan caruurtay oga sheekeyay barwaaqo aad bay u jecleysteen.marka waxaa jira famli aan saxiibo nahay oo gabadhoda la yira barwaaqo.marka sheekadii caruurteyad waxaay u qaateyn inay sameysay gabadha ay yaqaanan oo la yiraado barwaaqo. marka waa ka dhadhiyay inay iyad ahaan ey barwaaqo kale tahay.caruurtay waa su'aalo badan yihiin marwalba waxaay i weydiiyaan halkay ku nashay barwaaqo iyo marwalb wax la iyirad ku soo celi sheeka barwaaqo.marka sheekadaad aad iyo aad baan u jecleysanay hadii aad wax kale heyso fadlan noo soo gudbi adigo ku mahadsan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suleeqa sagaaro

Unrecorded Date
Salamacalaykum;

To Hamdi: walaal adigaa mudan. Waa run oo caruurtu waa ay su'aalo badan yihiin, iyagoo doonaya in ay ogaadaan wax walba ayaa wanaagsan in aan laga jeedsan ama dib loo dhigan warkooda ee loo sheegaa lagana qanciyaa wax ay markaa doonayaan. Caruurta da'dooda bay ku kala xiran tahay kuwa waxay xiisayaan sheekooyinka sida dawacada iyo diinka kuwana sheekooyinka runta ah sida qisooyinkii nabiga iyo asxaabtiisa hadaad ugu shekayso way ku wanaagsan tahay. waana ku faraxsanahay in ay sheekooyinkaan soo qoray wax tar u yeelatay caruur soomaliyeed.

Caruuray sheeko:

Bari baa waxaa jiray nin la oran jiray Ibraahim. Maalin maalmaha ka mid ah ayuu safar u aaday, waxaana uu kaxaystay faraskiisii la oran jiray oradbadan. waxaa ay socdeen mudo dheer ka dib geed hoostiisii soo fariisteen waxaa uu sameeyeey qori yar oo uu faraskii ku xirto inta qorigii dhulka u qoday ayuu muday ku aasay in yar ka soo jeediyey ka dib ku xirtay xadhigii faraska si farasku uga tagin intuu geedka ku nasanayo hadhkiisa.

Markuu soo toosay ayuu xirxirtay rarkiisii ka dib damcay inuu qorigii uu suray meesha horay u qaato, Laakin waa uu fikiray oo is yiri laga yaabee haday qolo kale oo safar ah halkaan timaado u daa qoriga si ay ugu xirtaan faraskooda ama geelooda waxay markaa sitaan. Ibraahim sidaa buu uga tagay qorigii socdaalkiisiina galay.

Waxaa mudo ka dib meesha soo maray nin kale oo indhool ah isagoo arkayn qoriga meesha mudan ayuu ku kufay oo dhawac yar u yeelay lugtiisa. ninkii indhoolka ahaa ayaa inta meesha taab taabtay helay qoriga uu lugta ku dhufsaday. ka dib waxaa uu yiri waa in aan qorigaa meesha ka siiba si haduu qof kale meeshaan soo maro uusan dib danbe loogu dhicin. sidaa buu qorigii uga saaray meesha socdaalkiisina galay.

Dhamaad.

Sheekada faa'idadeeda.
qof walba camalka uu sameeyo ula jeedadiisa ina ay u noqonayso arinkiisu. sida uu Ibraahim qoriga ugu daayey meesha si safar kale u isticmaalo. halkaa oo ku helay wanaag falid, naxariis, iyo sadaqo i.w.m. iyo ninka indhoolka ah isna ula jeedasiisa oo ahayd in aan dib danbe qorigaa u dhaawicin cid isagoo kale ah.iwm.

Nabadgalyo xiiso danbe..

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.