site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

MACQUUL MATAHAY TAAN NOLASHA LAWADAAGI LAHAA INAAN KAHELO INTERNETKA!!!!!!!!!!

SomaliNet Forum (Archive): Somali Women's Forum: Archive (Before Feb 2000): MACQUUL MATAHAY TAAN NOLASHA LAWADAAGI LAHAA INAAN KAHELO INTERNETKA!!!!!!!!!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NABADOON

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum runtii walalayaal waan yaabanahay waxaan iswaydiiyaa markaan akhriyo qoraalo meeshaan kuyaalo su,aalo badan 1-macquul matahay inaan kahelo xaaskaygi wabkan.Runtii waa riyoonayaan gabdhaha iyo wiilasha meeshaan isku shukaansada!!.guurku wuxuu lahaa hablgu yaqaano qof aad taqaanid dadkeeda taqaanid waxay tahay iyo waxay gudo aad taqaanid ayaa laraadinjiray gabdhuhuna sidoo kale,runtii doob ayaan ahay laakiin waa wax aan marna igu soo dhacayn inaan gabadh ku shukaansado internetka maxaa SUUQ MADAW IGALINAYA.Raga talo ayaan usoo jeedin waxaan leeyahay walaalayaal yaan laydin dagi gabdhahana sidoo kale yaan laydin khiyaamayn asaaska gurigiinu yaanuu idinka xumaan nin aad ka heshay machinkan ama gabadh reer mawada dhaqayaan. Xalku wuxuu yahay ragu haday magaalada wax kawaayaan meelkale ha uraadsadeen,gabhuhuna heeran ha noqdeen si ay usoo bartaan rag kale.HANA ILAAWINA SHEEKADA MAJABE. NABADEEY

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deggan

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum waraxmatulaahi

Walaal Nabadoon mawduucaad furtay waa mid xiiso leh waxaana isku dayayaa in aan wax ka iraahdo.
walaal labadii calaf isku leh wey is helaysaa siday isku heshaba oo Ilaahay aktiisa waxba kuma cusla midda kale lama yaabani in meeshan la iska baran karo maadaama ayba dhacday oo la hayo dad intay meeshan iska barteen haddana nolol wadaaga hana moodin in dadka meeshan iska barta ay yihiin dad iska samray ee waxaan u arkaa inay yihiin indheer garad.

walaashaa Deggan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qurux boob

Unrecorded Date
nabad doonoow wallee nabad maadan doonin...!!!
jacaylka sidiisaba farsamooyin badan buu leeyahay!!
1-mid waa direct love oo ishaa kuu macalin ah...dabadeed dhinac dhinac ha kuu rido!!
2-midna waa mid waalidkaa kuu abaabulaan oo waxaa laga yaabaa inaad habeenka aqal galka is aragtaan
3- waxaa jiray kii taleefanka ....miyaadan weli number iska garaacin oo tii codkeedu ku deeqaba yaa iga kaa furfura oran..iyaduna waa farsamo
3-waxaa soo raacey farsamadan cusub inter net...first e-mail--net phone --net camera--iyo caqligii marka hore ku soo jiitey ---dabadeed waxaa qasab ah haddaad dooneyso qofkaas inaad helayso ,waa haddii ay dhab kaa tahay...!!
marka nabad doonoow "ha moogaan oo haka maqnaan haddad haaka oran weydona dhambaal hawada ii soo mari"

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WAYDIIYE

Unrecorded Date
ASALAAMA CALAYKUM.
WAR ANIGU MABA ARAG WAX ISKU SHUKAANSADA QOF QOF RAACDAYNAYA MOOYE, OO BARNAAMIJ UU QORAY DABO TAAGAN.
HADAAD U JEEDO CHAT ROOMKANA KAAS CIYAALKA WAX MA GARADKAA BAA KU BADAN OO QOF AAD GUURSATO HABA KA FILAN.
HADAAD LEEDAHAY E-MAIL BAAN KA QAATA GABAR OO AAN GOONI ISULA XIRIRAANA WAA UL MUGDI KU TUUR (XASKA BAB DHEH WAXII KU JIRAABA HA KAAGA SOO BAXEENE)
HADAY JIRAAN FARSAMOOYIN KALE ANIGA II FAA'IIDE WALAALKAA BAAN AHAYE.
UGU DANBAYNTII DHAWR GABDHOOD BAAN QORAALKA HALKAN AAD ULA YAABAY FIGRADOODA BALSE MARNA DAMAC IGAMA GALIN WHY, WAXAAN HOME BAGE DHOWRA KU ARKAY KUWO MARKAAN FURAYBA SAWIRKOODU ARGAGAX WEYN I GALIYAY,MAANTANA NIN WALBA WAXUU RAADINAYA GABAR ASTURAN OO DHAWRSOON, MARKAAN LA SHEEKAYSTAY DHOWR GABDHOOD OO WADAADO AH OO WANAAGSAN WAXAY II SHEEGEEN INAYSAN WALIGOOD GALIN ENTERNETKA AYSAN JECLAYNA BAABABKAAS.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qurux boob

Unrecorded Date
to:weydiiye
maad tiraahdid wadaad doon baan ahay ..waadna dadka wadaadada ah meelaha laga heli karo ...yaa ukhtii anaa ikhwaan ..shukaansiba uma baahna (gabdho fiican) ,marka masaajidka iyo meelaha tafsiirka laga akhriyo siiba meelaha gabdhaha loogu akhriyo agagaarkeeda yaan lagaa waayin!!markaa internet love waa sheeko adiga kugu adag...!!laakiin iyan waa sheeko xiiso leh

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Falis

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum dhamaantiin.
Somaliyee marka hore arintaan dadbadan ayee warerisay, 70% kuwa internetka kawardoono arintaan layirahdo love in the net way qabaan wana wax jiro. Magaranayo hadii ay tahay mid been hawaas iyo inkale.Nabadoon moduca aad furta waa mid wanagsan waayo dad badan ayaa ku dhaxjiro arintaan weyna ka faidaysanayaan. Hadii aan kaga jawabo sua'shaada waxaan way dhacdaa oo waxaan garanayaa dad internetka isku bartay dabadeedna serious noqday oo isgursaday. Labadii calaf isku leh way is helayaan aqiritankood ilahay hakadhigee in ay isku bartaan Mars waa kuwii ishela. Balse garan maayo in uu yahay mid warayo, taas Ilahay ayaa og. We can only wish them all the best lucks. Wacalaykumu salaam waa iga intaas.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdalla

Unrecorded Date
Salaamu Calaykum.
Dhamaan walaalaha mawduucan ka qayb qaadanaya iyo ninka bilaabayba waa mahadsantihiin.
Waxaan wax badan ku raacsanahay walaalaha iiga horreyey gaar ahaan Degan ,Falis waayo labada qof ee is guursanaya meel uun bay isku bartaan,dabadeedna wuu sii socdaa xiriirkoodu ama wuu dhamaadaa ,hadii laba qof halkan isku baratana ma aha macnaheedu in arooskoodu uu ka dhacayo internetka iyagoon is arag oo markhaatiyadu internetka ku jiraan ,shiikha meherinaya uu ineternetka ku jiro,waliga gabadhu uu internetka ku jiro ,laakiin haday dhacdo inay laba qof isku bartaan webkan waxay isula xiriirayaan sidii iyaga u fudud oo ay isu sii baran karaan ,inkasta oo loo baahanyahay inuu qofku ka fiirsado cida uu nolosha la wadaagayo hadana qofkii wanaagsan internetka isticmaalkiisu ma xumaynayo,qof walba waa adiga oo kale nabadoonow oo waxa uu doonayaa inuu iska hubsado cida uu nolasaha la wadaagayo,hadaba waxba cuqdad haka qabin gabdhaha internetka isticmaala,waxay la mid yihiin kuwa guryaha jooga oo qaar wanaagsan iyo qaar xunba way isugu jiraan ee Ilaahay ka bari inuu mid wanaagsan kula kulmiyo, muhiimna ma aha meesha aad ku baranayso gabaddhaas.
To Waydiiye:
Walaalaw u sheeg gabdhaha aad aragtay ee wadaadada ah inaysan internetka waxba ka qabin oo waxay ka helayaan macluumaad diini ah iyo kuwo aduunyadoodaba anfaca.
Abdalla(Denmark)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NABADOON

Unrecorded Date
Waa Nabadoon dagaal diide samadoon reer Degan doon insha Allaah. walaalayaal asalaamu calaykum.
Runtii dadbadan waa iga qosliyeen sida Qurux oo kale laakiin waalalayaal runtii waxaan u arkaa qof daalay oo mawjadaha banaanka ku tuureen, ama aan muwaajahay karin R-ga amaG-dhaha ayaa netka gala!

Waa maxay waxa kalifaya gabadh aanan waligay arag ama dadkaygu ii arag inaan quud bido kaasi waa jacayl WAX AAN KU SHEEGO GARANAYAN!!!!.

To: qurux saaxiib hadaad cod gabadh ku raacaysid waaba cajiib .
Waxaan leeyahay netku waa waqti lumis waa caado aan fiicnayan walaalayaal aan raadino xalkale .
To:Falis abaayo makugu diidaayo in la iska helay netka kadibna ay dhab noqotay laakiin waxaan hayaa foolxumooyin waawayn oo ka dhacay netka marka hadii la isu bar bar dhigo isuma dhawa

TO: Qurux saaxiib sidaa waa kaduwanyahay jacaylka wadaadadu sidaan maqlay waana kan ugu fiican ayaa ladhihi karaa lol@@@@@@@@@@@@@@.

ugu dabayntii walaalayaal waan idiin DIGAYAA HABLO IYO INAMOBA WASALAAMU CALAYKUM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAMA CALAYKUM.
TO: QURUX U BOOY.
KA DAA GABDHAHA WADAADA AH XAQIRKA IYO INAY RAQIIS YAHIIN. WAX IYAGA KA QAALISAN MA JIRAANE SAY WAXAY SOO SAARAYSA UBAD AAKHIRO& ADUUNBA WANAAGSANE.
HADAY HOOYADAA WADAAD AHAAN LAHAYD SAAS UMA HADASHEEN.
GABDHAHA WADAADA AH OO QAAFILAADKA OO LOO GAFANA WAXAY KA MID TAHAY DANBIYADA WAAWEYN EE LA SOCO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qurux boob

Unrecorded Date
MISKIIN...!!horta quruxda uma booyine waan boobey ..bililiqo....hahahaha.haddaan u gefey gabdhaha wadaadada ah ...xaal qaata.laakiin miskiinoow(miskiineey) gabdhaha wadaadada ah sidee loo shukaansadaa ,xitaa salaantooda dhib baa nakala haysata...!!
nabad doon!!???..intaasoo tusaale baa lagu siiyey welina waad sii indha adag tahay ..meeshii wanaagsaneyd ee kalluunka laga dabanayey baad leedahay waa meel xun..!!ka joog adiga maahee!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Falis

Unrecorded Date
To: Nabadoon walaal waxa aad sheygeysid way jirtaa, mana la ogaan karo midkii ficin iyo kii xun because everyone netka wuu galaa, tasna waa mid u bahan in laga fejik dignaado. Aniga qudhayda waxaan garan kuwa ku dhaxmeyreysta net ka walana dad badan, serious kama aha weyna wadaan ficilkan I think they get a very special pleasure out of it.

mid ayaan ku sheygi waxaa jiro dad badan xiriir la leh qof una dira sawir aan sawirkood aheeyn oo way qaldaan qofka, tasna waa mid dhibkeeda leh. Waxaan garan gabar lakulantay will in chat xiriir ayee sameysteen dabadeedna wiilka ayaa wuxuu gabadha ka codsaday sawirkeeda, inbadan ayee warejinaysay markii danbe ayee waxey u dirtay saxibteed sawirkeeda. Wiilkii sawirka wuu kahelay wuxuu jeclaystay in uu yimado magalada ay ku noshahay uuna arko, gabadhii waxey u maleysay kaftan, malin aysan filaneynin ayuu magalada so galay, dad ayuu waydiiyay gabadha sawirkana wuu tusay. Dadka badankood waxey ku yirahdeen gabadha magaceyda wuu ka qaldanyahay wiilkii wuyabay, calakulixaan gabadhii ayaa latusay markuu isku sheygay way garan wayday magaca saxiibteyd ayuu ugu wacay gabadhii way naxday wayna yabtay wiilkina way ka dhaqaaday. Markii danbe ayaa wax loo fasiray. Walaalow exmaplkaan waxaan ugula jedaa in aan kutuso dhibatooyinka ay leydahay xiriirka via the net.Not alway the realationship in the net ends Happily . Sorry for making you read all this.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CANBRO

Unrecorded Date
ABOOWE NABADOON DOOB MAAD TIHID AAN UMALAYNAYAA HADAAD OGAAN LAHAYD MACAANKA UU LEEYAHAY LOVE IN INTERNETKA SIDAA MATIRAAHDEEN SAXIIBKII SHANAAD AAN MARAAYAA ABOOWE SOO DHAWOOOW

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Niga

Unrecorded Date
Waad mahadsan tahay nabadoon aniga ayaa kugu raacsan arin kaas dhibteedana waa la arkay welee machiinkanooow aduun kharibtay gabar gurigeeda joogtoo guur ku sugtaa la arki jiray gayaan keedna soodoonoo.taasi waxay lamid atahy waxay sameeyaan reer yurubku oo ah inay jaraaidka isku soo qoraan
walee machiinkanoow naag kaama helo dhaxan kaama dusado asalkeedba dunida hadaan waayo naag midhayn quud kuma bido

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AhmedKadar

Unrecorded Date
Asalamucaleykum Waraxmatullaahi Wabarakatuhu Walalaheyga Muslimiinta ahow meel kasto oo aad dunida dafaheeda ka joogtaan.
Walalyaal nabadgalyo iyo naxariisi korkiina Rabbi hayeelo,marka xigga runtii Falis iyo Nabadon waxa ay kahadlayaan wax waa kajiraan waliba tan u danbeysa oo Walashey Falis ka hadashey Saxiibkey bey ku dhacdey ee marka sidee Walashiis Faliseey looga digtonaada Arinkan aad kor kuxustey oo kale taasi waa su'aal? tan kale waan idiin hanbalyeynayaa dhamaan inta mowducan daadahineyso oo dhan waad mahadsantahiin.
BY:Walalkin Ahmed Kadar oo joga Denmark.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faynuus

Unrecorded Date
salaan dhamaan

NABADOON

walaal salaan ka dib hadii aan kuu shego fikrada aan ka qobo in laysku barto internetka oo walibana xiriir lagu yeesho aniga shaqsi ahaan waxaan u arkaa caadi oo wax sidaas u sii adag ma aha lakiin mar kasto qofka biniadamka waxaa looga bahan yahay ka fiirsasho iyo daganaan macnaheeda ma aha qofka in aad aaminto 100% marka uu labo hadal kuu soo qoro lakiin waqti ayaa la siiyaa wax kaste ...beena runtii raad malaha ....xiriir kastana ama guul ayuu ku dhamadaa ama guul daro. sidaas awgeed markasto waxaa loo bahan yahay ka fiirsasho iyo fudeedka oo laga fogado intaas hadaad isku darsato inta kale waa nasiib.

nabadee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AAYOW

Unrecorded Date
TO: ALL
I can tell you one experience I had before on the
online: BELIEVE OR NOT!!!!!!!! It was (wonderfull memories) Friday afternoon, I had look around and saw who was online, really NO one particularly specail, but than I saw somaligirl(magaca ceeb) was online, and decided to investigate futher and viewed her profile. I had crush on few girls on the online in the past, but she was definitely amazing person, sounds so interesting and different from the other girls. she stood out so much. so I dicided to send her message and left her my E-mail address, while later she sent me back a message!!!! Now she is the person whom I feel specail connection with, she almost belongs to me. BRO. DON'T FEEL STUPID IF YOU FIND SOMEONE ON THE INTERNET, MAYBE SHE'LL BE EXCETLY WHAT YOU WERE LOOKING FOR.
GOOD LUCK BRO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nabadoon

Unrecorded Date
Salaan kadib aad ayaad ugu mahad santihiin fikradaha .
To faynuus


walaal waxaan u arkaayay inay lagama maarmaan
tahay in aan hablaha baraarujiyo waayo markaan akhrisaday isbarasho furan waa naxay maxaa yeelay is is dhuldhigid cad waligayna gabadh is dhuldhigtay ma quudbideen
nabadeey waan kabaxay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faynuus

Unrecorded Date
salaan dhamaan

nabadoon waxaad jeceshahay ayaad shegatay runtina aragtida adiga ayaa xor u ah lakiin walaal marnaba ha iloowin gabadha isku soo qortay isbarasho furan in ay jirto sabab taas oo noqon karto wax kasto.

nabadee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NABADOON

Unrecorded Date
Waan idin salaamay dhamaan tiin
Abaayo Faynuus waa runtaa oo waxbaa kalifi kara laakiin waxa kalifi karaa xishood ma,ah ama khajil.
maxaayeelay haday labadaasi yihiin sidaas qofkaasi mayeeleen,haday tahay inuu wax juuq uyiraahdo waayo waa dhici jirtay aduunkana lama sheegin gabadh ayaa baarixi noqotay waa wax aan dhicin ,marka soow kama fiicna inay iska saburto oo calafkeeda hab edabsan usugto.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gabar Yaban

Unrecorded Date
~~~~~~~Walaladay salaan dhab iga dhaha~~~~~~~~
War anaa yabay mark hore love in the net anuu idoxay uu iga dhaxbaxay, waley makasaaye haduus been hawaas yahay iyo hadii kaleento. Lakin wayahaan jiradiisa wuu imaray si kale ku ma garatidee. Ma aqaano haduu yahay mid waaro iyo inkaleento, lakinse waxaan idiin sheegi in aan wareersanahay oo af keeyga juuqda gabay!!!!!. Markii aqriyay wixii Nabadoon & Falis qoreen waa sii dawaqay.

To: Iyaa Falis hada waxaad ileedahay sawirkii oo asi ii soodiray, oo idilay waxaa lagayabaa in uu been noqdo'aa oooooooooooooooooooh cajiib. Aboyaloow & abayaalo seen ku kasaa hadii uu been sheygaayo, hadaladiis 100% ma'aha waa 1000% right wax qalad ah maba ku jiree?

To: Faynuus waxaad tiri ma'aha in qofka la'aamino 100% ee maxaa sameenaa haduu yahay mid 100% qalad laheeyn oona perfect ah? see laisku baranaa hadii aadan aaminin qofka sheykada been hawaas leeh miyaa???
Haye macsalaamo soomaali

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faynuus

Unrecorded Date
salaan dhamaan

GABAR YAABAN

waan ku salaamay, ilaahay ha kuu fududeeyo jaceelka ku haayo, lakiin walaal aniga mar kasto waxaan amisanahay in uusan qofka doran karin qof uu jeclaanayo oo uu jeceelka ka yimaado dhinaca alle, ayada oo ay saas tahay ayaa hadana qofyahee waxaa loo bahan yahay in laga fiirsado wax yaalahay qaarkood kalsoonida waa shay aad muheem u ah marka qofka aad ku kalsoonaanayso waa in aad ka aragtaa wax aad ugu kalsoonatid marka aaminaanta waxay u bahan tahay waqti ee marnaba qof aad email isku dirteen ha ku kalsoonaan 100%.

nabadee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
walaal nabadoonoow khayr Alle hakusiiyo
waan kugu raacsanahay arintan oo waxaabad moodaa in xadiiskii Rasuulkeenii suubanaa s,c,w, inuu hada inahaysto balse inahaysto kaa soo ahaa
qaarka mida micnihiisii hadaan idiin sheego.
(gaalo xataa hadii ay galaan god abeeso inaydun kadaba gali doontaan, aw kamaa qaala s,c,w,)qofkii
haya xadiiskani wuu iisixi karaa isagoo raaliya
waxaanan uqoray xadiiskan , xataa waxaynu gaadhnay inaynu wax kastooy samayso gaalo inaynu samayno oo bad moodaa inay inagu waajibiyeen

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
I found my soul mate over the net. He is all i wanted it and more. I don't know what would i do without him. The catch is that he is not Somali. But why limit your options? I think your other half could be non-somali.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

nadiifo

Unrecorded Date
salamucelaykum aqyaarta soo booqadata pageka

waa arin hadii si loo fiiriyo lala yaabo sina loo gu farxo.aniga wiil ayaan wada soconaa oo netka ayaan isku baraney run ahaantii waana wiil aad iyo aad ufiican aniga ahaan. oo wuu iqanciyey (qanciska ha uqaadanna waxkale)waxaan kawadaa hadalkiisa sida uu nolosha u arko iyo sida uu sharaftiisa u dhooranooyo.hadii runta lasheegaayana qof bini aadan ah laguma jeclaado qabiil iyo qurux midna ee bini aadanimada.ayaan aamin sanahey.

to:(GABAR YAABAN)sis dhibka waa kuwada jirnaa ee ilaah hanoo fududeeyo. ilaahna shartooda hanaga xijaabo qeerkoodana hanoo soo xijiyo amiiin......amiiiin.

to: nabad doon
walaalkiis marka hore waad mahadsan tahey fikarada aad soo jeedisey lakiin waxaa ogaataa in wax kasta uu waqtiga keeney.(wareerka waqtigaa keeney) ilaahey wadankeena nabad hanooga dhigo dadkeenana ilaah uurkooda ha isku fiicneeyo wax kale oo aan sheego ma aqaano.

byeee all taka cere your self for me and keep the faith.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shahrazad

Unrecorded Date
Salaan dhamaantiin!

War Nabadoon, waxaad tahay raggeedi runtii! Walaahi anba waan kula qabaa fekradaa.

Bye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Unrecorded Date
maya macquul ma aha waayo anagaaba hore uga weyney odey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nadra

Unrecorded Date
assalaamu calaykum
To:Nbadoon

Walaalo nabadoon marka hore salaan.
Marka xigta sidaad sheegtay waa dhab
kii wax ku qaatiyo kii diidaayaa taladaba.

Barigii hore guurku waxuu lahaa hab iyo
waliba dhaqanno aan laga gudbikarin.
Bargii hore marka inanlarabo, inan layskama
dooni jirinuune waxaa lagu doonijiray wax
yaalo badan oo maanta dadka joogaa aanay
qiimaba uyeelin.

Inanta reer laga doonanayaa waxay ahaan
jirtay barigii hore inan lagu kalsoonyay
reerkeeda,edebteeda,kartideeda,quruxdeeda
iyo waliba ciday la asxaabtay iyo diinteedaba.

Sikastaba ha ahaatee iminka dadka joogaa
waxyaalaa aan kulayaabo waxaa ugu badan
hablo amma inamo netka ay kooxiba koox
ka doonaysoo amma ayba dhicikarto in ay
isku jeclaadan halkaa, taasi horta waa waxyaalaa
aan kula yaabo dhalinyarada hadda iyagoon hadda
isbba aqoon waxan lahadlayaa ma ninbaa mise
waa naag.

Dhalinyaro waxaan intaa idiiku darayaa
in aydaan sidaa sharafta isaga qaadin,
waayo maaha netku meel loo sameeyay in
laysku guursado, qofkaad doonaysana ma
dhici karto inaad ka hesho netka waayo
horta marka hore ogaada waxan kulahad-
layaa inaanad ku qanci karin waxuu yahay
jin iyo insi, sidaa awgeed waxaan idin odhanlaa
netka layskama jeclaado layskumana guursadee
arimaa in layskula xaliyo uun baa loo sameeyee
taa ogaada.
waad mahadsantiin dhalinyaro.

assalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

maanyo

Unrecorded Date
to...nabadoon


macquul waa tahay laakiin timir lafaa ku jirto
meeshaan iska jir aan ku dhahay sxb abeeso lugaaleey aa ka qaraabato.mida kale sxboow aniga makugu raacsani in aad ilamahaaga umaaydood inta ka raadiso bariis ay dabka saaraa somalinet fiiri ay is dhahee bariiska xataa waa gubanaa adi ilmo ay kuu xanaaneyso iska dhaafee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QOSOL

Monday, September 18, 2000 - 06:54 am
LOL @ maanyo

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.