site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

MAXAY KU NUUGI AMA KA NUUGI

SomaliNet Forum (Archive): Somali Women's Forum: Archive (Before Feb 2000): MAXAY KU NUUGI AMA KA NUUGI
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SAXARDIIDI INDIA

Unrecorded Date
Dhurwaa ayaa waxaa layidhi wuxuu bari khaatu bilaahi ka istaagay magaciisa DHURWAA,wuxuu go'aan ku gaadhay inuu gogol udhigto Habar-dugaag kana codsado in magacaa laga daayo.
Wuxuu martiqaad u sameeyay Habar-dugaag,goortii madashii la'isuguyimidna ,dhurwaa shaaca ayuu ka qaaday ujeedadiisa oo ahayd in magaca Dhurwaa laga daayo loona bixiyo badalkiisa AAMIN.Habar-dugaag ayaa ilaahay amakaag iyo yaab ukeenay,waayo waxay u arkayeen dhaqanka ay dhurwaa ku yaqaaneen iyo magaca uu codsaday kuwo kaaf iyo kala dheeri ah.
Habar-dugaag si taxadar leh ayay codsigii dhurwaa uga jawaabtay,waxayna usheegeen il la imtaxaani doono loona dhiibi doono amaano ka kooban Hal iyo Nirigteed,waxay dhurwaa usheegeen haduu uu amaanadaa nabad galiyo mudo todobo caano-maala in magaca uu necbaystay laga dayn doono loona bixin doono AAMIN.
Dhurwaa markuu adkaysanayay lix casho una dhimantahay hal caano- maal ayaa waxaa ku soo baxay dhaqan iyo dabeecad uu udhashay,Hashii ayuu candhadii goostay Nirigtiina labadii faruuryood ayuu goostay.
Markay mudadii dhamaatay ayay Habar-dugaag oo jihooyin kal duwan ka timid islamarkaana soo martay jid dheer oo bah gooyo ah,waxay dhurwaa ka codsadeen in uu martida sooro.
Dhurwaa intuu dhankaa udhutiyay ayuu wuxuu yidhi hadalkiisii caanka ahaa ee MAXAY KU NUUGI AMA KA NUUGI.
Halkaa ayuu dhurwaa ku waayay magacii quruxda badnaa ee AAMIN.
Waxaan sheekadan gaaban uga jeedaa

Markii ay somali dhulkeedii burburisay,silic iyo dacdarana is baday ayaa waxaa meesha mudh ka soo tidhi Ethiopia oo tidhi anigaa somali hishiisiin,dadyowgii caalamka ayaa ilaahay amakaag ukeenay sidii habardigaag oo kale,laakiin waxay ku guuldaraysteen in ethiopia aan dhakhso loo aaminin ee la imtaxaano.
Ethiopia S/galbeed way liqday,Gadana candhadii ayay goosatay,goboladii kalana faruuryo kuma yaqaanaan.
Laakiin habar dugaag way diiday in magaca AAMIN dhurwaa loogu yeedho kadib markay aragtay inuusan uqalmin.
Maanta hadii dadkii xilkan ethiopia udhiibay ay waydiiyaan halkay somali ku danbaysay sow jawaabtu ma aha maxay ku nuugu ama ka nuugi.
HADABA DADKA CAALAMKOOW IYO SOMAALIYEEY MAXAY ETHIOPIA ku mutaysatay inaad wali ugu yeedhaan AAMIN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, July 07, 2000 - 02:09 pm
intersting story..............what is dhurwaa..hebel miyaa?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mussa

Monday, February 12, 2001 - 06:50 pm
saxardiid waa lagu salaamay,marka xiga war jira ayaad sheegtay,aabahaabaa talin jiray.waxaana tusaalahaa u baahan in uu ka faa,iidaysto magacii ba,a ay muuse suudi ugu yeeraan iyo kuwa u waashay darajadasida,gabyow,shaati-gudud,ina yusuf iyo kuwa kale oo badan,oowali u aqoonsan itopia [aamin]allaylehe casharkaa haka faa,iidaystaan.bye.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.