site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

SIDEEY KU DHACDAA

SomaliNet Forum (Archive): Somali Women's Forum: Archive (Before Feb 2000): SIDEEY KU DHACDAA
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
ASALAAMU CALAYKUM

waxaan idinka dalbayaa inaydun ka jawaabtaan su`aalahaan qaaliga`ah.
maxaa uugu wacan soomaalida qaarkood inay neceb yihiin dadka ku dhaha sadaqo uu labax jihaadka Alle?
maxayse u necebyihiin wiilasha surwaalka gaabsaday & hablaha jilbaabka sita oo ay uuga soocaan umada iyagooba uugu sharaf badan?

si xaqa uuga jawaab oo waxba ha aflagaadayn qofna.

walaashiin Alle ubaahan
wabillaahi tawfiiq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Lii and D

Unrecorded Date
Walaalo markaynu gaalo u soo haajirnay inaynu gaalo lacagtooda kula jihaadnaa ma inagu waajibaa?

Xijaabku waa wax sax ah oo wanaagsan diintu ina fartay inaynu wejiga qarinaayi ma waajibaa?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Alle ubaahan

Unrecorded Date
KU:Lii and D

Walaal saw ma ogid inay gaaladu kuu siinayso lacagtaan sidii ay dariiqa Alle kaaga leexinlahaayeen, sideebayna markaa kuugu noqonayn waajib inaad kula jihaatanto lacagtaas, anoon uula jeedin ku dil,laakiin xikmad &caqli ahaan uugula dagaalan,sida adoo kubixiya lacagtaas dariiqa Alle adoo ku dhisa masaajido,dugsiyo qur`aan i,w.m.
su`aashaada`ah wajiga inaynu qarinaa mawaajibaa
wajigu waajib maaha laakiin waa sune aad & aad ufiican oo hadii gabadh looga baqanayo in lagu fitnoobo wajigeeda taas waajib ayuu ku noqonayaa
laakiin kuwa kale tii rabtaana way qaadan oo ajar bay leedahay iinsha Allaah tii kalena way iskadayn haday rabto oo danbi kuma aha iinsha Allaah.

wallaahu aclam
waa walaashiin Alle ubaahan
wabillaahi tawfiiq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
walaal inanta soo qortay su aashan waxaan dhihi lahaa marka hore erayga soomali oo dhan in aad aad is ticmaasho way il qaldan tahay. marka labaad qur'aanku waa uu cadaayey arimaha jihaadka haday noqato lacag bixin iyo hadii naf uqurid timaadto, qof walba oo muslim of waxaa ku waajib ah in uu wax kageesto jihaad ale hadii uu jihaad loogu yeero. Tan labaad waxay tahay gabdhaha muxajabaataka ah. walaal qofna haka raadinin waxay yiraahdaan (Approval or acceptance.) marka waxay ilatahay in aaban laysku wareerin ka jecel iyo kanaecaba.
waa mahadsantahay wixii qalad cafis wixii sax af ajar iyo sawaab.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.