site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

SU'AAL

SomaliNet Forum (Archive): Somali Women's Forum: Archive (Before Feb 2000): SU'AAL
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmadeey

Unrecorded Date
Walaalayaal waxaan rabaa inaan idin waydiiyo hadaad cilmi u leedihiin waxyaalaha sababa cudurka loo yaqaan BREAST CANCER. Waxaan maqlay inuu kaliya ku dhoco haweenka gaalada oo uu Ilaahey ku cadaabayo iyaga kaliya ee ma jiraan gabdho Muslim ah oo qaba. Xagee uu awalkiis ka yimid maxaase sababa marka hore.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Unrecorded Date
AXMEDEEY KATIITOOW WAA KANAA!!!!

AR CUDURKA QOF KASTUU KU DHICI KARAA GAALO LEE KUMA DHOCO ANAA KASAAYO NAAG SOOMAALI AH OO U DHIMATAY LABA BIL KA HOR.

WAX KEENO WAXAA KA MID AH RADIOACTIVE KA AH, WAXYAALAHA CUNTADA LAGU DARO QAARKOODA ETC

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmad

Unrecorded Date
Asalama Alaykum dhamaantiin!

Ahmadeey,

...Breast Cancer wuxuu ku dhacaa RAG iyo dumarba---in kastoo dumarka u badan yihiin.

Weli ma`arkin wax Soomali ah oo qaba. Badanaa waa dhaxal---ka yimaada reerka qofka(hooyada, ayayda, iwm)

Waa run, badanaa Muslimka kuma dhaco---Maraykanka oo hada joogaan more than 3 million Muslim dumar ah...isolated cases wax aan ahayn oo qaba malaha. Dumarka kalena sideediiba hal ka mid ah baa qabta.

Cancer keliya ma`ahane...cudurada badan oo dad-dilaaga ah Muslimiinta kuma badna.


Ladan,

...L@L! I used to get that Joke all the time: "Axmadeey katiitow waa kanaa, Mukulaal aroosoo waa kanaa, laba luuq ka (boodow?)...waa kanaa!" :-)


Wasalama Calaykum!


Ahmad!*>.<*

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

qoryo liqe

Unrecorded Date
ahmadey KATIITOW WAA KANAA
gabar LUUQ KU FUULOW WAA KANA
baasta boorso GALIYOOW WAA KANA
derbi dooro JIIFSADE WAA KANA
daanyer adeer kii WAA KANA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qawdhan

Unrecorded Date
Qoryo Liqe

Qoryaha aad liqdid hakugu joogsadaane maxaad meesha latimid. War hadaadan meesha wax cilmi ah ku hayn isaga tag. Cay iyo wax daran baad lasoo ordaysaa.

Ahmadeey

Cudurka 'breast cancer'-ku waa uu ku dhacaa durmarka soomaaliyeed. Sida uu yidhi Ahmed, cudurku badankiisu waa la`iska dhaxlaa. Aniga ayaa aqaan gabadh iyo hooyadeed oo u dhintay cudurkaan.
qawdhan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Enough intelligent

Unrecorded Date
Ahmadeey,
Walaal salaamad marka hore,dabadeednna:
cudurka kansarka naasuhu wax rag ah oo uu ku dhacay weligay ma'aanan arag,balse dumarka aad ayuu ugu badan yahay waana la iska dhaxlaa oo waa run,dhinaca kale waxa keena waxaa kamida carruurta loo diido naaska oo markaa caanuhu ku joogsadaan naasaha haweenka sidaas ayuu ugu dhacaa,dumarkuna waxay diidaan inay naasuhu ka debcaan markaas ayey ka ilaaliyaan ilmuhu inuu nuugo taas ayaana caanuhu ku go'aan kurxinta naasaha oo cudur ayuu isu bedelaa, taasoo dhalisa in caano dambe iska daa oo ka yimaada'e, ay khatar noqoto in nafta qofta dumarka ah
labadbaadiyaa adagtahay.
Dumar islaam ah oo uu ku dhacay ma'arag waayo badankoodu way nuujiyaa carruurta waana daawada qudha ah ee uu leeyahay kansarka naasuhu.
Allaahu Aclam.
Ilaa xilli dambe,salaama.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.