site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Tolow ma iska daayaa mise waan samraa ila taliya walaalayaal?

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Relationships - Shukaansi: Tolow ma iska daayaa mise waan samraa ila taliya walaalayaal?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, December 29, 2000 - 07:54 pm
waxaan a hay wiil dhalinyaro ah dagan [uk]waxaan xiriir naga dhaxeeyaa gabar aan wada soconay mudo [todobo bilood ah] runtii waan ka helay dhanka diinteeda iyo quruxdiidaba waxaan ku heshiinay in aan is guursano sanad ka dib
isbuucii mar ayaan kulanaa waxaana isku dayaa in aan u sameeyo wax walba oo ay u baahantahay
xataa deyn aan u galay
waxaan isku dayaa in aan iraahdo hadalo jilicsan
iyadana in ay i tiraahdo iska daa waxay hadalkaaga ma rumaysanaayo waqti dhameeys maad iigu timid hadalkaan kula hadlaayo qaali waayay iyo enarjiga ha iga dhameeynin
biisi aan ahay ha ii imaanin wax aanan u atkeysan karin markaan iraahdo wax maad iga tabaneysaa waxay leedahay maya waxayna jeceshahay
waxay rabto in loo sameeyo hadii kale waa ay xanaaqeysaa
walaalayaalow talo i siiya ma iska daayaa mise waan u samraa

waxaan rabaa taladiina wixii caay ah waa mamnuuc
waad mahadsantihiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ladan

Saturday, December 30, 2000 - 07:12 am
aboowe aniga waxaan aad u jeclaan lahaa
intaad gabadha kala hada shid waxa ku dhibaya
waayo hada hadaadan sheegan markale fursad
uma helaysid teeda kale waxaan kula talin
lahaa ha guursan qof aanan ku jecleen waayo sidaan hadalkaaga aan ka gartay qoftan kuma jecla
fadlan iga raali noqo but i have to say this
guurku ciyaar ma ahan ee ka fiirso
ladan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

safiyooak

Monday, January 01, 2001 - 06:01 pm
aboowe adigu gabadh ka hadal sii waxa raabto waxa ba haku degdegan guur hada happy ma tahiid marka waxan u maleeynayaa kuma jecla qofkada jecashay eey maqaarna waa logu seexda marka war waxaas iisameey misa waan xanaaqin masaconeyso walaalki waxay damacsantahey hasheegto walaashay waxaad tiri waa qof diin wanaagsan maxaa ku dhacay ilaahey hakuu sahlo waxii kuu wanaagsan adigana byyyyyyyyyybyyyyyyyyyyy

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jeele

Tuesday, January 02, 2001 - 01:54 am
ladan waa ku salaamey, anigu adigaanba kaa helaa abaayo, waayo waa hadal wanaagsantahay qof wax garadaad tahay marka abaayo ii soo dir wargaaga

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LOOYAAN

Friday, January 05, 2001 - 01:00 am
DHIBANE UK
saxiib runtii talo wanaagsan baad u baahantahay
Q.gabadha sida aad soo sheegtay guur baad ku heshiiseen maxaa badalay oo sida xun kuu la hadlaysaa?
sidaan kaa dareemay dabacsanaan iyo qalbi wanaag baad leedahay,saxiib jilicsanaanta badan yaree
adigoon gabadh tusayen xumaan runta u sheeg dareensii inaad jeceshahay,baro waxay ka hesho
uga sheekee sheekooyin ka qoslin kara,
hadii saxiib aadan hayn sheekooyin aad kaga farxisid ururi sheekooyinka lagu qoslo ogow dumarku farxada iyo qoslka waa ka helaan.
u saar gabadha dibada soo wareeji gee meelaha ay
ka hesho.
hadii aad leedahay saaxiibo aad ku kalsoontahay
bar gabadha.
dareenkaaga jacaylka si qurxoon u tus meel
qurxoon ku tus.
markasta dhagayste fiican noqo.hala murmin
ogow saaxiib in gabdhaha rag badan ay shukaansadaan,noqo kii uga taga qalbigeeda xusuus
iyo dareen xoog leh,weerkaagu hanoqdo mid qalbigeed aad farxad ku abuuranaysyo,
waxaa dhici doonta inay iyadu labo noqoto.
qalbiga iyo maskaxda.
dhinca xargada markastoo u tagaysid noqo nin si
fiican u la bisan,nasasho qaado intaadan u tagin.
saxiib todoba bilood waqti badan ma aha wali waxaan filayaa inaad u baahantahay barasho.


Q.maxay kuu tiraa waqti lumis baad igu wadaa?
lafteeda dareen kama maqna ee xoogaa waxay rabtaa
love.
ogow qofka run kuu jecel waa inuu dhibta kula dareemaa.
Q.MARKAAD WAXA U QABATID MA KU TUSTAA INAAD
TAHAY HALYEYGEEDA?MASE WAY KU YASTAA
JB MARKAAN HELO BAAN KU SIIN WAQTI KALE.

LOOYAAN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, January 05, 2001 - 05:43 pm
waad mahadsantihiin dhamaan [ladan,safiyooak,iyo,looyaan
looyaan wlaal waxaad i weydiisay,gabadha maxey kuu tiraahdaa waqti lumis baad tahay?
walaal waa mida aan la yaabanahay sababtoo ah waxaan ku iraahdaa hadalo jiljilicsan sida waxaan jiclaha in aan waqtigeyga oo dhan kula qaato waa ku jeclahay oo kale jawaabteeda waxay noqatay sida tan in aad waqtiga igu dhameeys iigu timaado maad rabtaa iyo waqtigeeyga qaali waayey energiga ha iga dhameeynin markaan iraahdo walaal maxaad sidaas ii leedahay miyaadan eheeyn qoftii aan is dooranay waxey tiraahdaaima ima rabtid miyaa waxay ku jawaabtaa hadaan ku rabin maan gaarigaaga soo raaci lahaa iyo wax la mid ah mida kale walaal maalintaan u tago waxaan ku qaadanaa sheekadeena magaalada meel aan somaalida u badneyn xishoodkeeda awgeed mana ogala in aan gurigeeda ku qaadano iyadoo sheeganeysa in ay ka xishooneysa reerka ay la joogto oo aan aheeyn aabaheed iyo hooyadeed midna ahna qaraabadeed oo kaliyah waxaana intaa ii dheer in an mar walbo isku dayo in aan balanqaadyo u sameeyo oon iraahdo waxaan kuu sameeynayaa wixii aan u sameeyn lahaa naag aan qabo hadeer sida aan kuugu kalsoonahay hadeer waaba ka soo dartay ee tala keen looyaan saaxiib
waxaan kaa sugaa waa taladaada
wa bilaaahi towfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

looyaan

Saturday, January 06, 2001 - 01:56 am
dhibne uk
saaxiib dhawaan ayaan kuu soo qori doonaa
taladayda,hada daraasaad ayaan sheekadaada
ku samaynayaa.
laakiin ilaaa hada waxaan u jeedaa in isfahamwaa
jiro.
looyaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

walaalkaa

Wednesday, January 10, 2001 - 02:20 pm
saxiib salaan kadib waxan ahay nin wayn oo aanay
waayo aragnimo udhimanay waxan ahay xaas waxan
aqoon buuxda uleeyahay haweenka waxan ku oranlahaa
wiilkaagu maalin ayuu hiil kaaga baahan yahay?
waa maalinta aad hooyadii raadinayso. kafiirso
naag dabeecad adag iyo naag hawo jecel iyo naag
aan qalbi dabac sanayn waxan ku oran lahaa ka
dheeraw wabilaahi tawfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, January 10, 2001 - 05:42 pm
to-walaalkaa


walaalkiis waad ku mahadsantahay
talada aad i siisay
runtiina waa talo aan ka helay dad badan oo
saaxiibadey ah waana mid meesha taala
somalida ayaa horay u tiri[talo adiga ayaa ku nool ee kuguma noola]marka waxaan is leeyahay
armaad heshaa talooyin iyo fikrado ka duwan
mida saaxiibadaa ay ku siiyeen
anigoo aan ula jeedin fikradooda way xuntahay
horaa loo yiri[nin jirani boqol u talisay]
eny way waad ku mahadsantahay taladaad i siisay
wabilaahi towfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

bro

Friday, January 12, 2001 - 12:00 pm
Waxa u maleenaa in tallo wanaagsan laguu soo jeediyay, haddii ay wax iska bedeli waayaan labadiinaba. waxaan kugula talin lahaa inaad iskaga tallo baxdo qoftaas, sababtoo ah ma fiicna in ragu shalaayo. haddii arinkiinu halaabana iyada ayuu ka halaabay ee adiga mar kasta waad heli tii alla kuu qoray.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samy

Monday, January 15, 2001 - 01:12 am
Aboowe waad salaaman tahay.
Waxaan ka yaabanahay qof aad u jeedo sidey kuula dhaqmeyso in aad hadana rabtid weli talo kale, ma u maleynaayi in aad tahay DOQON maxaa yeelay soomaalidu waxey tiri doqonta usha hoRteeda ku dhufo hadey fahmi haweydana korkeeda. sidey dadkii horeba kuugu soo sheegeen guurku ma aha wax cayaar ah ee ka fiirso iskana dhaaf gabadhaan aad ka hadleyso qof bini'aadm ah ma badali kartid masaxdiise.
Good luck for the future....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WAANO,

Monday, January 15, 2001 - 10:18 pm
WALAALKEYGA TALADA U BAAHAN WAXAAN KU ORON LAHAA GET RID OF HER BRO.NAGTAAN KUMA JECLO EE YAYSAN WAQTI KAA LUMIN,TAN OO KALE LUGOOYO AA LA YIRAA,NAAG KALE KA RAADSO HADII AY FARAYS KUU OGOSHAHAYNA ISKA FAREE,ADIGOO MIDKALE KU DUL-RAADSANAAYO,,,,,,NABAD IYO CAANO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

maxamed,nuur

Tuesday, January 23, 2001 - 09:43 am
somaalidiina waa idinlayaabay nin iyo naag uu rabo inuu guursadaa kala dhaxgalaysiin. saxiib naagta iska guurso haday kucajabinina iska fur. aniga ba imisaan furnay. markaa dantaada gaartid iska fur


maxamed,nuur

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.