site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

WAXAAN DIYAAR U NAHAY INAAN KAA CAAWINO DHIB KASTOO KU HAYSTA SOO QOR

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Relationships - Shukaansi: WAXAAN DIYAAR U NAHAY INAAN KAA CAAWINO DHIB KASTOO KU HAYSTA SOO QOR
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LA TALIYE

Friday, January 05, 2001 - 01:25 am
SAAXIIBTAA DHIB MA KAA HAYSTAA SOO HADAL
SAAXIIB KAA DHIB MA KAA HAYSTAA SOO QOR
MARABTAA QOFKAA JECESHAHAY INAAD DHAQSO U HESHID SOO HADAL.
TALADAYADA WAA MID LA SOO TIJAABIYEY,DAD BADAN
AY GUULO KU GAAREEN.
LAAKIIN WAA IN SHEEKADAADA AY RUN TAHAY
QORAALKAYAGU WAA MID LA XIRIIRA QALBIGAAGA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

talo doon

Friday, January 05, 2001 - 09:25 am
assalaamu calaykum....
walaal lataliye waan ku salaamayaa marka hore,marka xigta waxaan u baahnahay talo...saaxiib waxaan ayaamahaan mucjiso igu noqday arin ila soo daristay oo aan ka caajisay xalinteeda ama aan waxba ka qaban kari waayay iguna noqotay yaab iyo amakaag marka waxaan rabaa inaad ila talisid..igana raali ahow waxaan soo qorayaa arintayda qoraalkaan qoraalka ku xiga waxaana fiirinayaa sida aad ula socotid bayjkaan,waana iga daacad oo ma`aha wax aan iska qorayo waana u baahnahay taladaada waxaana rajaynayaa inaan ku guulaysan doono inshaa alaah
waadna mahadsantahay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

lataliye

Friday, January 05, 2001 - 01:14 pm
TO: taladon
Salaamantahay
saaxiib diyaar baan kuu ahay inaan talo heshid.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, January 06, 2001 - 06:10 am
anaa talo doona wiil baan jeclahey,mana garanayo in uu i jecelyahey, maxan sameeyaa??+

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

tala doon

Saturday, January 06, 2001 - 10:26 am
to;lataliye waad salaamantahay saaxiib
saaxiib waad ku mahadsantahay sida joogtada ah ee aad u doonayso inaad la qaybsato qof walba dhibkiisa....saaxiib waxaa i haysta arin aan la wareeray oo ah waxaan iska baranay netka gabadh waana jeclaaday gabdhaas mana garanayo inay i jeceshahay iyo in kale kolayba markaan wada hadalo waxay ii sheegtaa inay iyaduna i jeceshahay waana kala fognahay oo waa eey adagtahay inaan is aragno marka waxaan doonayaa inaad ii sheegtid waxa aan ku ogaan karo inay daacad tahay iyo in kale
waadna mahadsantahay....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LA TALIYE

Saturday, January 06, 2001 - 01:07 pm
to anonymouse
waad salaamantahay
waxaan filayaa inaad soo gaabisay su'aashaada
wiilka aad jeceshahay ma leedihii waxa xiriira?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LA TALIYA

Saturday, January 06, 2001 - 01:19 pm
WALAAL WAAD SALAAMANTAHAY
GABADHA WAXAAD ISKU BARATEEN NETKA WAXAA IDIN DHEXE MAREY JACAYL,IYADUNA WAXAY KUU SHEEGAYSAA
INAY KU JECESHAHAY,WAXA QURA AAD GABADHAAS KU OGAAN WAA IDINKOO IS ARKA,XIRIIRKAAGA SII WADO SAMIRA MUUJI,
MA JIRTAA INAAD TELEPHONE KU WADA HADSHAAN?
WAXA SAWIRO MA IS WAYDAARSTEEN?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

tala doon

Sunday, January 07, 2001 - 12:02 am
walaal waan ku salaamayaa...
walaal waan wada hadalaa oo waxaa laga yabaa inaan maalinti laba goor wada hadalno badanaa maalin walba waan wada hadalnaa,waxaana ka hayaa sawiro aad u fara badan,waliba waxaan isbaranay ehelkeeda inbadan oo kamid ah iyo gabdho saaxiibadeed ah aad ayaana ugu wada xiriirnaa
e-mailda si fiican ayaan isaga war haynaa,waxa kaliya aan doonaayo waa inaan ogaadaa runteeda maadaama aan kala fognahay oo aan is arki karin,wixi su`aalo ah waad i waydiin kartaa waadna ku mahadsantahay talaada walaaltinimo ee qaaliga ah waxana kuu rajaynayaa xikmad badan iyo maskax talooyinka hesha
mahadsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LATALIYE

Sunday, January 07, 2001 - 04:14 am
TO;TALDOON
WAAW WAXA FIICAN BAAD II SHEEGTAY,
WADANKAY JOOGTO CID MA KA TAQAAN?
MA HUBTAA SAWIRADU INAY RUN YIHIIN?
MEEQA SANO AYAA DADIINA U DHAXAYSA?
AQOONTEEDU INTEEY GAARSIISANTAHY??
HOBIGEEDA MA KUU SHEEGTAY?
SAXIIB BAARITAANKAYGA MARKAAN DHAMAYSTO
AYAAN HELI KARAA XAQIIQDA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gabarqalbijilicsan

Sunday, January 07, 2001 - 08:50 am
walaal talo baan dooni ee ila tali if you are expert, waxaan ku noolahey yurub,mudo sanada ah baa waxa ila soo xiriirayey wiil degan usa, runtii dad close ah baanu aheyn yarantanadii,waxa iigu danbeysey anoo 15 jira. ka dib anigu yurub baan imi wax xiriira hore umaanu lahey een ka ahey aqoonta, markuu usa yimi ee uu ka war heley in aanan guursan buu ila soo xiriirey isagoo ii sheegey in waligii uu i jeclaa, naagna uu soo guursadey markuu soo baxayey balse uusan jecleyn, hadana wuu furey intuu ila xiriirayey, waxuu ii sheegey in uu aad ii jecel yahey,dhawr jeer buu been ii sheegey, beenta aad baan u necbahey oo aamin kuma qabo qofkii ii sheega, anigu ma jecli waan u waji xumeeyey intaan awoodey, balse ma quusto oo malaha wuxuu aaminsan yahey naagaha diidey loogama tago, war yaan kugu daalinine, toos uma oran karo hadal qalbi jab ah madama ay aqoon dheer inoo dhaxeyso, indirect baan u tusey in aanan rabin, igamase harayo, hada waxuu ii sheegey in uu rabo in uu wajiyeyga yimaado, aaminsan yaheyna in an isbadali doono, ila tali,maxan sameeyaa??ma nimanka naagaha xumeeyaa? jaceelka been miyuu ka sheegaya tolow?sidaa iyo jawab wacan..nabadeey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

talo doon

Sunday, January 07, 2001 - 11:51 am
to;lataliye...
saaxiib salaan kadib magaalada ay joogto cidna kama aqaan aan iyada iyo dadkeey ibartay aan ahayn,sawirada ma hubo ineey iyada tahay iyo inkale laakiin waxaan filayaa ineey iyada tahay maxaa yeelay sawirada aan hayo waxaa ku jira kuwo iyada iyo walaalaheed ku sawiranyihiin,waanu isle`g nahay xaga da`da oo wax farqi ah nooma dhaxeeyo,aqoonteedu waa heersare seey ii sheegtay oo kuleej ayeey wadaa,ninyohow hada magaranayo hobigeda mana waydiin waana igaba maqnaa inaan weydiiyo,waadna ku mahadsantahay su`aalhaaga
mahadsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

taliye

Sunday, January 07, 2001 - 07:54 pm
to;g/qalbijilicsan

waad ku mahadsantahay taladaa i waydiisatay
waxaan filayaa inaad ku qanci doontid taladayda
paa hada adigu waxa dhiba ma wadid dhbtu waa mid
ku soo doontay.
q.markuu beenta kuu sheegay ma sheekadiina ayaa
isku soo dhawaatay?
q.gabadha hore ma dartaa buu u furay?
q.meeqa sano ayuu kaa waynyahay?
markasta ood su'aalaha ka soo jawaabaysid xaqiiqda
soo sheeg si aad talodaada u heshid,
iina ogolow inaan waxaan rabo ku waydiin karo.
bye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

tala doon

Sunday, January 07, 2001 - 08:31 pm
TO;LATALIYE..
WALAAL WAAD KU MAHADSANTAHAY DADAALKA DHEER EE AAD U BIXINAYSID SAAD NOOLA QAYBSAB LAHAYD CULAYSKA AAN ADREEMEENO..WALAAL DIYAAR AYAAN U AHAY WAX ALAALE IYO WIXI SU`AAL AH WAADNA I WAYDIIN KARTAA SU`AALO BADAN
MAHADSANID

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kici

Monday, January 08, 2001 - 07:23 am
to taliye
dhamaan dhalinta halkan isku wareysato waad ku mahadsantihiin qoraaladiina,waxaanse si qaas ah anna u soo eegayaa la taliye sxb hadaladaada baaba i qanciyay sida aad suaalaha isku daba dhigto.keep on doing,
intaa kadib anigana bal i yara dhageyso
waxaanu wada soconaa inan aan isla egnahay oo hal da,un noo dhaxeyso waxaa ay timid dhawaan wadankan aan joogo ee dk waxay ku jirtaa camp waanu wada xiriirnaa inta badan anigaa inta badan u sheega dareenkayga ayada waligeed iima aysan sheegin sida uu yahay dareenkeeda taana waan ku saluugay mana garanayo in jaceyl jiro iyi inkale maxaa ii tala ah duqa???+

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

warfaa

Monday, January 08, 2001 - 08:24 am
taliye
anna tookadaydii waaye ee ila tali
gabarbaan jeclahay oo ijecel mana jeclaadeene.
hadday ijeclaatana marabo inaan jeclaadaaye.
key jeclaato la waa inuu jeclaadaaye.
kaan jeclayn iyadu waa inay jeclaataaye.
ila tali qofkaas ayaan jeclahaye!!!
markaan ammaano indhahy gululuc ka siisaaye.
goortay ammaan is tidhaa baan xanaaq la dhididaaye.
dar allaan maynis iyo plus aan iskugu noqonaye.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

aniga

Monday, January 08, 2001 - 09:00 am
asalaamu calaykum

waa ku mahadsantihiin dadka tala waydiistay iyo kan la taliyayba. lol warfaaaaa wa sheeko qosol badan sheekadaada ee bal noogu soo celi. lol kay jeclaataa waa inuu jeclaadaye kan jeeclayn waa inay ayada jeclaataaye kan jecalna waa inuu naecbaade kee necbana waa nacbaataaye bal willka . lol

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gabarqalbi jilicsan

Monday, January 08, 2001 - 10:21 am
walaalkiisa waa mahadsan tahey sidaad iila socoto. 1- wiilku ilaa 5 sano buu iga weyn yahey. 2- dhowr jeer baan been ka dhadhamiyey sheekadiisa ee marna wax lama wado ee waa qasab wixiisa.3-intuu ila xiriirey buu furey, aniga fur maan oran balse waxan maalin ku iri ilaahow nin naag leh wax ha iigu darin, ujeedadeydu ma aheyn in naagtaas haduu furo acept uu xageyga ka yahey, balse si caadiya baanu u wadney sheekada, waxa iigu xigtey naagtii furey bil ka dib, markan weydiiyey awalba jaceel umaan guursan buu igu yiri.waa intaas ee soo tali.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

la taliye

Monday, January 08, 2001 - 01:20 pm
to>taldoon
saxiib waad ku mahadsanthay sida aad iigu
soo jawaabayso,waxaad ogataa in gabadha sheekada
idiin socoto aanay ku tusin waxa ku shakidid,lakiin aad adigu iska shakisan tahay
hadaba markii aan darsay su'aalahaaga waxaan ogaaday
in xiriirka adiga iyo saxiibtaa 60%ay waxa ka jiri
karaan in kastoo ay adagtahay waqtiyadan danbe inaad qof aamintid, jiraan dad ku ciyaar dadka
hadaba saxiib waxaan rabaa inaad wacadid gabadha una sheektid adigoo tusaya inay daacad kaa tahay
waxaad sadex jeer waydiisaa sidatan
1-waxaan kaa codsanyaa inaad ii sheektid inuu daacad kaa yahay xiriirkeenu
2-ma ku aaminaa
3-aniga daacad baa u wadaa xiriirkeena
waxaad ka he heli doontaa jawaaba ka soo baxa qalbigeeda.
ii soo sheeg jawaabaha ay ku siiso.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

la taliye

Monday, January 08, 2001 - 01:40 pm
ku.qalbijilicsan
waxaa ila yaab leh in uu dhaho gabadha jacayl
uma guursan.
waxaa yaab leh waligay waan ku jecelaa
maxuu kuula soo xiriir waayey,haduu ku jeclaa
beenta uu kuu sheegay,waaa mid waxa u dhimi karta
shakhsiyadiisa.
hadaba walaal adigu talo ma u baahnid warkaagu
waa cadyahay ma rabtid ninkan,lakiin waxaad raadinaysaa si aad xiriirka ugu jarto,inkastoo
aad qalbigiisa ilaalinaysid,
somaalida ayaa tiraa beentaada hore runtaada danbe bay u darantahay,runtu qofka ma disho lakiin way ka nixisaa,waxaad tustaa inaad qadarin iyo tixgalin u hayso,waxaad u sheegtaa inaad diyaar u ahayn inaad balan u qaadid,calafka ilaah baa garan,walaal runta u sheeg wiilka si aanu waqti uga lumin mana jiro aduunka qof qasab ku leh qof kale.sheekada iyo telefanka fasax ka qaado.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

la taliye

Monday, January 08, 2001 - 01:53 pm
to.kici
waad ku mahadsantahay talada aad i soo waydiistay
waxaana jecelahy in kuu soo gudbiyo dareenkayga
wixii talo fiican aad kala baxadid
saxiib in yar baa waxaan kuu dulmaryaa sheekadaada
gabadha waxaad tiri waxay ku jirtaa camp,waxaan filayaa inay tahay meesha la geeyo markii qaxootigu wadanka ku cusub yihiin,hadab waa garan kartaa qof wali sharcigii iyo wadankii la qabsan
siduu u fakari karo.
waqti baad haystaa wali,mar hadii ay ku siisay waqti aad kula sheekaystid,ha dagdagin dumarka iyagoo ku raba ayey xishoodaan qaarkood.

q.gabadhu ma ku tix galisaa?
q.xiriirkiinu ma mid gaaraa?
q.aqoon hore ma isu lahaydeen?
q.gabadhu camp ma ka cabtaa ?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

la taliye

Monday, January 08, 2001 - 02:01 pm
saxiib warfaa
aad baad iiga qoslisay,waxaad ii soo qortay
gabayadii dhoodaan ee jacburka ahaa oo kale
waxaan arintaada u gudbin dadka suugaanta
waxaad ogataa inaad mar walba jacaylkaaga daacad u noqotid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, January 08, 2001 - 07:40 pm
QORAALADA QOFKII DOONAYAA WAXA UU KU SOO DIRI KARAA EMAILKAN,
LATALIYE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LATALIYE

Monday, January 08, 2001 - 07:45 pm
qofkii doonayaa waxaa uu nagala soo xiriir karaa
emailka ( lataliye@hotmail.com )


waxaa soo dirtaan waxay ahaan sir idiin qarsoon
talada waxaa idiinku soo diri emailka aad soo dirstaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gabarqalbijilicsan

Monday, January 08, 2001 - 09:46 pm
lataliye mahadsanid waan ku qancay taladaada.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Khadra

Tuesday, January 09, 2001 - 03:58 am
Waa salaamantahay walaalkis aniga ayaa talo u baahan waana iga dhab oo hadaan been sheegayo ilaah baa iga sareeya ee si daacad ah iga jawaab waxaan mudo dhan hal sano jeclaa amaba jeclahay wiil kaasoo is naqaan nahayna asxaab isoo booqda shaah ila cabo aniguse ulamaan dhaqmin waxaan walaaltinimo aheen madaama aan ka baqayey in aan u sheegto waxaan tabayey laakin mudo hada waxyar laga joogo ayuu iga codsadey in aan wada socono markaan weydiiyey mid sidee ahna wuxuu igu jawaabey in uu doonayo in aan noqdo gabadhiisa oo doonaya in aan la raaxeysto aniga maya ayaan ugu jawaabey oo aad ayaan uga xumaadey suaashisaas laakin umaan muujinin oo ilaa hada waxaan iska joojiyey in aan keli la kulmo laakin waan jeclahay weli kana saari la ahay maskaxdeyda ee maxaan sameeyaa thanks

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

qarshi

Tuesday, January 09, 2001 - 05:18 am
walaal lataliye anigaa talo doona, arintan baa ila soo gudboonatey mudo laga joogo 2 bilood baa nin aan mudo yar wada soconey guur iga codsadey, ana in aan isbarano ka codsadey waxuu igu yiri.laba arimood:1)ninkii aad guursan laheyd ma joogo planetkan.2)ilmaha dhabarka kuugu jira ku dheh hooyo seexda anaa aabihiin ceyriyee. walaal am i expecting too much? maxuu sidaa i yiri.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

lataliye

Tuesday, January 09, 2001 - 06:42 pm
to.gabar-qalbijilicsan
waad mahadsantahay sida aad ugu qanacday taladayda.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

la taliye

Tuesday, January 09, 2001 - 07:28 pm
walaashay khadra jacaylku waa waxa jira hadana qofku waa inuu damiir qabta lahadaa waxaan filayaa inaad tahay qof islaam oo ka timid xalaal,xabaarsantahay dardaarankii qoyskiina taas oo ah inaad ilaalisid sharfta reerka iyo taada,ilaahna ka cabsatid si daan dareemay waxaa wiilka ka filaysay guur xalaala iyo wanaag lakiin waxa uu ku tusay inaad tahay qof uu rabo inuu isticmaalo,waxa uu kuula dhaqmay si aan
qof islaama lagula dhaqmin, walaashay khadra waxaa
ila dhashay sideed gadhood mid kastaa maanta waxa ay leedahay guri xalaal,sidii aan uga nixi lahaa ayaan kaaga naxay wiilkaas waxaan dareemay inuu yahay maan gaab garanay tixgalin qof jecel,hadaba hadii aad daciif wali u tahay oo aad sidaad sheeganaysid aad jeceshahay waxaa kuu talo ah haddii uu isbadalo oo qaldkiisii saxo oo uu ku tuso waxa daacad oon dhib ka danbayn waa wanaag
haddiise uu wali aaminsanyahay fikraddii hore
waxaan kugu talin lahaa jacayl yuun cadaab ku gayn.

walaal ka soon jacaylka

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

lataliye

Tuesday, January 09, 2001 - 07:49 pm
qarshi waad ku mahadsanthay talada aad i soo waydiisay,sidaan dareemay waxa aad tahay gabar
caqli badan mar haddii aad codsatay aan isbarano.
su'aalaha uu ku waydiiyey waa qaar uu rabay inuu kugu calool xaarto,naxriis buuna kaaga raadinayey
waxaa uu rabay inuu kugu duro irbada guurka
J- WAXAAN AHAY NINKII KU AROOSI LAHAA WAANA KU HOR FADHIYAA
j-WAXAAN AHAY NIN MASUULA OO RABA INUU DHAQDO QOYS
CARUURA WAAN JECELAHAY.
haddab walaal ninkaas afkiisa waxa qurxoon baa ka soo baxay waa nin xalaal u socda si fudud uga dhaadhici inaad is bartaan si aad u noqtaan qoys waara.aamiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

aamina

Thursday, January 11, 2001 - 04:10 am
lataliye waxan dooni in aad ila taliso waa maxey calaamadaha jaceelka,waan shakisanahee in aan jaceel i haayo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mahamudi

Thursday, January 11, 2001 - 05:42 am
duqa adiga waan kaa yaabee ma waxaad baratey relationshipka mise waxaan aad sheegeysaa waa wax aad maskaxdaada kasoo curisey ..
hadaad aad tahey waxaan baratey waxaan oo aad shahaado u heysatid waan kaaga danbeynayaa oo runtii taladaada waxaan siindoonaa respect .
hadii kale oo ey fikradaada oo kaliya aad soo gudbineyso koley aniga talada alaan saaranayaa
marka ii soo kala cadeeeeeeeeeeeeey arintaas.
diyaariye maxamuud siciid .
sidaas iyo nabadey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, January 11, 2001 - 06:51 am
WARYA LA TALIYE TII ADUNKA AYA II HAYSATA NINKIBA WAAN AF GARAN LAAHAY EE BAL WAX SO SHEEG

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

lataliye

Thursday, January 11, 2001 - 07:39 pm
to.amina
dadka jacaylka ku dhaco qofba sibuu noqdaa
1-qaarkood aamus badan oo ay ka fakarayaan
qofkii ay jeclaayeen
2-qofna waxa uu ku raaxaystaa sheekooyinka qofkaas isgoo raadiya warkiisa,int badan wuu ka sheekeeyaa

3-argtidiisa ayuu jecelyahay,meeshuu joogo ayuu ku
ag wareegaa si uu mar u arko.
4-qofna sariirta ayuu ku helaa(khater)
5-qofna jacaylkiisa waxaa uu u badalaa dagaal
shaki,isagoo aaminsan inuu isu dabcin qofkaas.
sidiisa jacaylku waa dareen xoog leh oo ka imaanaya qalbigaaga kaas oo gudahaaga ku abuura
hanfi,saxsaxo,waxa uu ku galiyaa mood kaas oo marba meel ku geeya.
jacaylkaaga hadaad heshid waa saxsaxo
haddi aad waydid waa hanfi kulul.
lataliye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

lataliye

Thursday, January 11, 2001 - 07:45 pm
to;maxamudi
saxiib intaan kuu soo jawaabin maxaad la yaabtay.
ee soo sheed.
mahadsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

lataliye

Thursday, January 11, 2001 - 07:49 pm
to.ananymouse
horta salaama ninkii waad af garan ladahay
waa arin kooban ii soo fur-fur sheekada
tala gaaban(wada hadla)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kici

Friday, January 12, 2001 - 08:17 am
to la taliye
sxb waan ku salaamay mar kale
jawaabaha suaalihii aad isoo waydiisay waa sidan
gabadha horta horey isuma aanan aqoon oo halkan ayaanu isku baranay mana cabto.xiriirkeenuna waa yara roon yahay.laakiin anigu waxaa uun iga yaabisay sida aysan waxba iigu sheegan xaga dareenkeeda taana waxaan filayaa inaad jawaab yar iga siisay intaa ha inoo ahaato adoo ku mahadsan tahay taladaadii

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qaali

Friday, January 12, 2001 - 01:10 pm
Walaal la taliye waan u salaamay, aad baad ugu mahadsan tahay sida aad ula talisay walaalahaaga talada ubaahan...

Aniga waxaa i haysata arintaan:
Waxaa i qaba nin maseyr badan, had iyo jeer wuxuu igula dagaalaa inaanan qofna la xiriirin, Aniga waxaan kusoo koray Full-House waxaana lee yahay Ilmo Adeer/Abti badan haday isoo xiriiryaan wuxuu i dhahaa wad is rabtaan. sidiisa kale waa sweet. aniga waxaan u qaatay inuu kaba hiisa iigalinaayo oo uu asga luuq yaqaan sababto ah aniga waxaan ahay gabar aad diinta u jecel dhowrsana marka ILATALI!!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

lataliye

Friday, January 12, 2001 - 06:16 pm
to;kici
sxb.waxaa ii soo sheegtay inaad gabadha hal sano taqaanid.
q. is badal gabadha ma ku dhacay markii hore iyo hada.
takale waxaba culays ha isku saarin inaad ogaato
inay ku rabto,adigu samee inaad ku abuurto jacayl
suaal toos ha waydiin inay ku tusto,inay ku jeceshahay.waxaa dhici karta inay afka ka xishooto
inay ku rabto,dumarka qaarkood way adagtahay inay markiiba ku tusaan inay ku rabaan lakiin waxay ku siiyaan waqti aad ku sheekaysid,ha biqin saxiib guushaaadu waa soo dhawdahay,waxaan arkaa in gabdhaas ay wanaag fiican kuu hayso.
isku day inaad happy ka dhigto,ka farxi ,wareeji,dhibta,ka caawi,haday dareen fiican leedahay waxay ogaan sidaad u jeceshay waxan
way kula qaban.
saxiib markale ila soo hadal talooyin dhaadheer
baan ku siin iyo tab iyo xeelad aad
aad guushaad ku gaarto,laakiin waa inaad xalaal wadataa,haddi aad xaraan gabdhaa ka doonaysid,danbi ha ka galin taladayda iyo aniga.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

lataliye

Friday, January 12, 2001 - 11:30 pm
TO,QAALI
walaal mahadsanid talada aad i soo waydiistay
waxaan aad ugu faarxsanan lahaa inaad iiga soo jawaabtid su'aalahan si aan u helo fikrad aan ku dhaqaaqo.
1-meeqa sano ayaad wada joogtaan
2-caruur ma jirtaa
3-ma idinkaa is doortay.
4-dadiina imisaa u dhaxaysa
5-ma quruxbaa lagugu sheegaa
6-isagu diinta suu ku yahay
7-ehel ma kuu dhaw yahay
8-aqoontiisu intay legtahay
10-aqoontaadu intay legtahay
jawaabtaadu waxay i siinaysaa inaan helo macluumaad aan fikradayda ku saleeyo,lakiin inta aad xal helaysid ninkaaga dhaqan wanaagsan tus dulqaadna muuji waxaan isku dayayaa inaan keeno tab aad arintan u dawaysid,ogow hinaasaha waa cudur dawo u baahan.
soo jawaab
lataliye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

samira

Saturday, January 13, 2001 - 05:10 am
la taliye horta mahad ha kuu sugnaato nin caqli badan baad tahey oo sida aad dadka ula taliso baan ka arkaa.ana tan igala tali waxaa ila sheekeysta 2 nin oo guur doona, ma dhib baa hadaan isku wado anoon midkoodna wax u balan qaadin intaan ka ogaanayo kan i anfaca.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abiyoola

Saturday, January 13, 2001 - 09:29 am
la taliye you are realy grate man i never seen some body like you who tolk like this and who is a somalian .
odeyga talada xoogi ayaan ku lee yahey .
waxaa laga yaabaa inaad miss. oprah iyo ragga ey soo fariisisato inaad suuqqa kasaarto. adigu dadaal oo arintan xooga saar waxaa laga yaabaa
dad badan oo bulshadeena kamid ah iney u baahan yihiin ..
wax kala taliya arimaha xaga bulshada waana runtii mid u baahan aqoon ,
kiiskan waa kiis aan mudo raadinayey sababtoo
ah rag badan ama xataa dhalinyaro badan oo xaga shukaansiga dhib ka heysto ayaan arkey .
waana ku mahadsan tahey talooyinka aad siineyso walaalaheyga soomaliyeed oo ku kala nool dunida geesaheeda .
sidaas iyo nabad galyo .
talooyin wax ku ool ah ..
jaaw ha idiin macaanaato dhamaantiin talada si fiican haloo qaato mid miro dhashana alaha ka dhigo waxaan idin lee yahey qaata talada walaalkiin .
bye . all of you.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mahmudi

Saturday, January 13, 2001 - 09:41 am
TO.LATALIYE SXB WAX KALE MAAHA EE WAXAAN ARKEY SIDAAD DADKA U TALINEYSO IYO TALADAADU SIDEY U WANAAGSAN TAHEY MARKAASAAN MALAHA WAXAAN IS IRI DUQA ARINTA WAXAA LAGA YAABAA INUU BARTEY OO SCHOOL UGA SOO BAXAY.
WAANA JIRAAN RUNTII RAG CILMIGAAN BARTEY.
XATAA MARAAN ANIGA IYO SXB KEY WADA AQRINEY BEJKAN WAXAAN KU DOODEY WAA QOF BARTEY IYO WAA DHALINYARO FIKRADOODA DHIIBANEYSA OO DADKA SAAS KU CAAWINAYA MARKAAS AYAN KU WEYDIYEY INEY TAHEY FIKRADADA IYO INAAD BARATEY .. ADNA WAXAAD ITIRI SXB INTAANAN KUU JAWAABIN WAXAAD LA YAABTEY SOO SHEEG .MARKA WAXAAN LA YAABEY WAA SIDA TALADA DADKA U SIINEYSO OO AH SI WANAAGSAN.
DUQA JAAW SIDAAS TALO SIIN WACAN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

qandala

Saturday, January 13, 2001 - 09:50 am
hadaladad reer bari ayaa ka dhadhamaya saxansaxo hanfi iyo wada hadla .
marka awalba dad caqli badan baad ka dhalatey eee talada bixi booooooooooooooooooooooowe .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QAALI

Saturday, January 13, 2001 - 01:07 pm
LA-TALIYE,walaal waan kusalaamay waxaan aad ugu faraxsanahay inaad isoo jawaabtay , marka arimihii aad iga codsatay waa kuwan:

1-Waxaan wada joogna ilaa 4 sano
2- Labo caruura ayaan isu haynaa
3- Anagaa is doraanay oo waliba jacay is ku guursanay.
4 -Dadeena waxaa udhaxeeya ilaa 4 sanuu iga wayn yahay.
5-Qurux waa la igu sheegaa.
6-Diintaa kuma xuma wuu tukadaa laakiin wadaad aada sidayda maaha.
7- Ehel iima dhawa, laakiin dadka aan isku dhow nahay oo kore ma jecla.
8-Aqoontiisa ma xuma oo dugsi sare wuuka baxay jaamcad iyadoo usocotaa dagaalkii dhacay soomalia.
9- aniga aqoontayda waaka yare saraysaa tiisa college baan halkaan uga baxay(USA) waxaan ahay dadka aadka wax u aqriya.

MARKA WALAAL IISOO JAWAAB .
INSHAA ALAAH...

by QAALI

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

lataliya

Saturday, January 13, 2001 - 06:48 pm
to.walaaashay samiira
nabad iyo naxriis kor kaaga ha ahaato
walaal waxaan ku farxay talada aad i soo waydiisatay,waxaan filayaa inay noqoto mid ku anfacda.
samiira walaal waa waxa jira in rag badan dumarka shukaansadaa lakiin waxa runa inaad hal kala bixi doontid
ogow guurka waa calaf waxa dhici karta inay labadoodaba noqonwaayaan kii aad guri u gali lahayd.
sidaa darteed samiira ka fiirso qofkaad rabtid
inaad nolol la wadaagtid.
xaqbaad u leedahay inaad barto qofkaad rabtid adigoo isticmaalaya tab iyo xeeladaada.
guurku ciyaar ma aha sida hada dadka qaarkood ka dhigteen.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LATALIYE

Saturday, January 13, 2001 - 06:59 pm
TO.QANDLA
QORAALKAGA KA FIIRSO HADDII AAD MA SUUL TAHAY JOOJI KALA SAARKA DADKA SOOMAALIYEED.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LATALIYE

Saturday, January 13, 2001 - 07:02 pm
TO.QANDLA
QORAALKAGA KA FIIRSO HADDII AAD MA SUUL TAHAY JOOJI KALA SAARKA DADKA SOOMAALIYEED.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

lataliye

Saturday, January 13, 2001 - 07:43 pm
TO.QAALI
mahadsanid qaali jawaabahaagii waxay ii sahleen
inaan talo ku soo hor dhigo.
waxa iga yaabiyey qof jacayl aad isku guurstaeen inuu kalsooni la idaa ku tuso,waxa kaloo yaab ah idinkoo caruur iyo reer leh inuu ku yiraahdo ninkalaad rabtaa,isgoon waxa cad kugu hayn
waxaad ii soo sheegtay inaad diinta si fiican ugu
dhaqantid , waa yaab inuu qof islaam sidaas loo
hadlo
hadaba qaali ilaahay waaa kuu jeedaa waxaad u baahantahay adigoo ixtiraamaya ninkaag inaad si
runa isu horfariistaan ood kala hadshid arintan
hana ka cabsan inaad waxii ku dhibaya qarsatid
hadii aadan hada kala hadlin waa si socon sheekada ilaa adiga aad ku noolato murugo iyo ciil.
qofka bini'aadmiga waa in la ilaaliyaa damiirkiisa
iyo qalbigiisa hadii kale waxaa imaan dhib ka wayn oo ah in qofkaas niyada ka dhimato,
in kastooy jiraan rag shaki badan taas waxa u dawa ala ka cabsi.
waydii waxa ku kalifay inuu sidan kuula hadlo.
ismaqal danbe

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LATALIYE

Saturday, January 13, 2001 - 07:48 pm
TO.DHAMAAN DADKA TALADOONKA AH.
QOFKII DOONAYA INUU SI GAAR NOOLA SOO XARIIRO
AMA DOONAYA INU NOO SHEEGO MEESHAY WAXA UMARAYAAN
HANAGALA SOO XIRIIRO,
emailka lataliye@hotmail.com
U SHEEG SAXIBADAAA HADII AY TALO RABAAN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

lataliye

Saturday, January 13, 2001 - 08:06 pm
SAXIIBKAY ABIYOOLE;
mahadsanid sida aad ii taageertay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cabdinaasir

Monday, January 15, 2001 - 02:59 am
to. lataliye marka hore waan ku salamey
marka xiga ninyohow arintan talo iga sii .
gabar baan waxaan wada soconey mudo labo sano ah .
waxaana iska baraney iskoolka aan dhigan jirey.
xataa inaan isbarano ayadaa masuul ka aheyd .
oo sheekada bilowdey
marka anigana waxaan ahaa nin dhalin yaro ah oo kaligii nool dabadeedna waan iska aqbaley inaan isbarano kadib qoftii sanad iyo barkii hore aad ayey iigu waaleyd oo jaceyl aan kala joogsi laheyn ayey itusi jirtey.
sanad iyo bar kadib qoftii taad ogeyd maba ah .
oo waxaad moodaaba iney mar walba xanaaqsan tahey oo weyba dagaalameysaa oo waxaaba eyba jaceylkeedii urogtey rabsho iyo carqalad .
marka anigii waan la yaabey awal sey aheyd iyo hadeer sey tahey waxaana is dhahey malaha nin kale ayeyba baratey oo adiga kumaba rabto
marka hadeer xaaladeena mawanaagsana .
anigana waxaanba go,aansadey inaan isga tanosulo maadaama eysan tii hore aheyn .
marka duqa talo wax ku ool ah isoo sii .
hadeer break timekii shaqada ayaan ku jiraa wax sasa ma qori laakiin faah faahin dheeraad ah ayaan mar kale ku siinaa oo ku saabsan arintan ..
marka sidaas iyo jaaw.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FARTUUN

Monday, January 15, 2001 - 03:34 am
to lataliye
walala waxan aad ugu bogay sida wanaag san ee aad dadak talada kuweydiisay aad u tala siinaysid.
marka aaniguna waxaan kaa codsanayaa inaad itala siiso ?
waxaan netká iska baranay wiil wiika waxaanu wada soconay sanad iyo bar walala markaan 2 qof uu toos iskula joogta ama isku taqanaa sidii aanu nahay ayaanunisku fahanay wax walaba waanu kawada hadlanay waa wiil aad iyo aad u fiican oo wanaagsna.
markaa waxaan ku weydiinaya ma dhibaa mise waaa ceeb dad netka isku guursadday ? maxaad u aragtaa adigu artidaad inta aiga soo jawaab? fartuun

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

saamira

Tuesday, January 16, 2001 - 11:32 am
mahadsanid la taliye.waa dhaci kartaa taasna.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

lataliye

Tuesday, January 16, 2001 - 07:49 pm
to;cabdinasir
waad ku mahadsantahay talada aad i soo waydiistay
walaal waa dhacdaa arintaaas,manaha waxa adiga qura kugu dhaca lakiin waxaa iga talo ah inaad
la fariistid oo si xaqqiqo ula hadashid adigoo
waydiinaya sababta ka keenaya kulaylka.
waxaa dhici karta qoftaas in dhibaato ka le haysto ha dagdagin la had si runa,markaas bal ii soo sheeg waxaad kala kulantid.
lataliye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

lataliye

Tuesday, January 16, 2001 - 08:00 pm
to.fartuun
waa ku mahadsantahay taladaad i soo waydiistay
netka waa meel la isku barto oo loogu talagalay
in dadka kala durgsan ay ku sheekystaan.
in netka la isku guursado maha dhib lakiin waa in labada qof kulmaan.
waxaa muhiima in aan been la isu sheegin,lakiin haddi qofkastaa qofka kale runta u sheego maxaa ku jaban,ogow hadal iyo qoraal labadoodub waa xiriir
maskaxeed iyo mid dareen.
wiilka aad netka ku baratay haddii aad is jeceshihiin isku daya inaad kulantaan oo xiriirkiina sii xoojiya.
aniga shaqsiyan dhib uma arko barashada netka

lataliye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FARTUUN

Wednesday, January 17, 2001 - 12:49 am
TO LATALIYE
WALAAL WAXAAN KAAGA MAHADCELINAYAA SIDA WANAAGSNA EE AAD IGU SOO JAWAABTAY MAHADSANID .
WALAAL WAA WA A TUNTAA OO WAX WALBA WAXAY KU XIRANYIHIN IS ARAGA WAAN ISARKAYNA WIILKAA ANU KU ISKU BARANAY NETKA OO WAA U IMAANAYAA MAGALADA AAN JOOGO LAAKIIN WALAAL.

WALAAL WAXAAN KALOO KU WEYDAIINAYA WIILKA WAXYA SAAXIIBO YIHIIN WIILKALE OO AAN MARKII HORE AANU SHEEKAYSAN JIRNAY KADIBNA AANU KALA HARNAY
INUU YAQAANAY WIILKII HORE II ANU WADA SOCON JIRNAY O AY SAAXIBO YIHINA ISAGA AII SHEEGAY EE ANIGU MA OGAY MARKAA WAXAA´N KU FAKARAYAA WIILKAAN MA SAAXIIBKIISA U HIILINAYA AOO WAA KUGU CIYAARAYA MISE WAA CEEB WIIL AA DWADA SHEEKAYNA JIRTEEN SAAXIIBKIISA HADDA HADANA JECLAATO ? WALAAL INTA AIGAA SII TALO ?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdikadir

Sunday, January 21, 2001 - 02:45 pm
To: Lataliye
asalamu caleykum.
salan kadib, kadib Rabi haka abaalmariyo taloyinka wacan oo aad ugu hurtay waqtigaga walalaah somaliyed.

waxan rabilaha inad talo iga siisid arintan,
Waxan jeclahay gabar aan mudo afarbilood ah is naqaan, walina uma shegin darenkega caashaq ee an u qabo. mar si cadi ah u shekesanay ayey waxey ii sheegtay 28 jirtahay ana ma weydin sheko kale oo cadi ah bey ku timid, waxeyna ii aragtaa caruur.
hadan kuu shego da'dedu waa 23 jir.
sidaas daraded waxaa igashay baqdin oo ah, hadaan u shegto iney i tirahdo sorry wad iga yartahay.

ila walaal maxaan sameyaa?
talabadee baa ii haboon inaan qado.

wabilahi tofiiq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

suban

Monday, January 22, 2001 - 10:46 pm
walaal, waan ku salaamay salaankadib waxaan alah kaagabaaryayaa cimri deer & cibaado suuban.

walaal aniga waxaan kuus heegi laahaa arin aad & aad u ween meeshaana maku sheegi karo, laakiin waan rabaa in aad i sii so e-mail kaada hadii aad ii ogashahay.

walal walaahi ayaan ku daartay arinteeda waa dhab oo ciyaar ciyaar ma-ahan oo waxaan ku sexdaa walwal qofkale na in aan uulatago waan ka baqaa , walalow sidag dag ah ila soo hariir si aan arinteeda kuu gu sheego.
hdii kale aniga e-mailkeyga ayaan ku siinayaa ee kada iisoo qor (msuban2002@hotmail.com)waan ku sugayaa walaal.
bye.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

soomaali

Saturday, January 27, 2001 - 11:36 pm
salaam lataliye
ninyohow arintan igala tali,mudo ka hor baan gabar isbaraney,runtii gabadhu wey hadal wacan tahey,caqlina badan tahey,tel baan mudo ku wada xiriirney ka dib wey ii timi,kamaan helin,laakiin iyadu aad bey iila dhacdey oo waad i dhex qaadey bey tiri,ma rabi in aan lugooyo waqtina ka dhumiyo,su,aashu waa wax walba oo ku nici lahaa wey i sii hor dhigatey,runtii waan naxariis badanahey oo waxaan jeclahey qofka in sxb aan ahaano oo hadal waxdhimayo in aan dhaho ma rabo,anigu ma waco balse iyadaa i soo wacda iyadoo faraxsan,maxaan sameeyaa?marna ma rabo in aan guursado?ishana waan ka baqayaa?iminka waxyar oo indirect ah baan wax ugu sheegey balse hadal cad uun bey ku tagi,ila tali walaal.mahadsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

lataliye

Sunday, January 28, 2001 - 04:40 am
To.Somaali
marna ha isku dayin inaad xiriirkiina goysid
barashadiina ayaa ka qaalisan.
waxaa yaaba sidaad uga heli wayday qof aad hal sano xiriir lahydeen kaas oo ahaa mid tel.
saxiib sababta aad uga heli wayday maxay tahay?
maxaa iyada jacaylka ku abuuray?
isku dal maad ku noolaydeen?
su'aalahan markaad iiga soo jawaabtid ayaan talo
waxa ku ool ku siin.
lataliye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

soomaali

Sunday, January 28, 2001 - 08:20 am
wad mahadsan tahey la taliye.
walaal isku meel baan ku noolnahey,dookhu waa cajiib ,ma aha dreamkeyga,in aan isbarano iyadaa u sabab aheyd,waxaan dareemayaa wey fahamsantahey in aan ka yara jeedo,balse balse war cad bey rabtaa, ana marba hadaanaan dooneyn in an nolol la wadaago, soo ma waxna in ay ogaato in aan feeling jirin dhankeyga..maxaan sameeyaaaaa??

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdikadir

Sunday, January 28, 2001 - 01:48 pm
TO: LATALIYE

ANIGA IYO SUBAN TALADAN KU WEYDISANEY MAXAAD OGABOODAY? MASE WAADAN ARAK?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

muna

Sunday, January 28, 2001 - 11:19 pm
to abdikadir
waxey u badan tahey in ay ku diido markey uurkaaga ogaato.so leave her along.this is my advice.ciao

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

amal

Monday, January 29, 2001 - 03:51 am
hi abdikadir honey tell me how you feel about me,am waiting you so hurry before i chance my mind.im waiting you with open hand.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

latali

Tuesday, January 30, 2001 - 07:07 am
to.abdiqaadir
raali iga noqo hadii aan ku iloobay.
saxiib jacaylku ma ku xira da'qofku mar haduu gaaro 18 sano waa qaan gaar qofkuu rabana waa la sheekaysan karaa,dhaqankeena waad argtay gabdho da' yar ooy qabaan rag ka waawayn,hada maxaa diiday in gabar kaa wayn aad la sheekaysatid.
u sheego jacaylkaaga ha baqin saxiib.
lataliye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

afgooye

Wednesday, January 31, 2001 - 07:15 am
war duqa anaa saas oo kale igu dhacdey waa soomali ninka la dhaho
hadaad awoodo wad intey kaa naceyso aniga mid baad saasoo kale igu waaleyd aaqirkiina iayadaa iga tagtey .
marka adiga waxaan kugula talin laha inaad sugto intey kaa naceyso
oo naadan adigu ku fududaan jaceylka laguu sheegayaa waa xiiso haduu xiisuhu dhacana qofkii ku jeclaa wuu kaa tegayaa oo mar uun buu bad sad rabto aad heli ee iska sug .
markaasaad taad rabtey raadsan.
tan kale ogow wax ku jecel aduunyada yaa u wacan wax nooliye..
waxaa laga yaabaa inaad tan ku jecelna ka tagto mid ku jecelna hadhow ad weydo .
aduunyada waa iska jaho wareer adigaaba ninyohow wax ku jecel heysta arinta qarso..
waloow aadan ka helin xataa ..
waxaa laga yabaa iney inta kaa tagto oo aad adna hadhow aad gadaal ka jeclaato .
sida ku dhacdey wiil aan sxb nahey gabar baa sanad jecleed asna waa uu iska dhego tiri jirey marka aaqirkii tii xumeyd baa karacdey oo gabadhii baa wiil kale baratey markaasuu jaceylkii uu muda sugaayey sidii roob ugu soo da,ey markaasuu seexan waayey oo jiifsan waayey oo waali qarka u fuuley .
markii horena siduu uga faani jirey ilaah uun baa garan kara .
waa sheeko run ah oo aan indhaheyga ku arkey..
aaqirkiina waxaan siiyey wiilkii sxbka aan ahey talo fiican ooaheyd gabolkaan ka guur oo gobolkale u guur si ey gabadhaan maskaxdaada uga baxdo sidii buu yeeley ayadiina wuu iloobey maadaama uu magaaladey wada deganaayeen ka guurey
hadeerna adigey taasoo kale kusoo heysaa .
marka intaan laguu talin tasho ninyohow oo ma hadaad qof kale la socoto oo aadan tan jecleyn qofka baniaadamka ah runta kama nixiso runta u sheeg oo dheh si toos ah kuma jecli ..
waa war cad sheeko soomaliga daa ..
aduunyada hor martey runta la sheegaa ee lama gabado warka diirka ka cadee adoo raganimom isgalinaya hadii kale oo aadan qof kale ku heyn qofta wax laqabo jaceylkey kuu sheegeysaa haduu run yahey oo lahubo ..
ogow waxaa laga yaabaa dumarka qaar baa been badan oo raga waala oo sheega jaceyl aan jirin ..
marka iyada nafteeda baar iney jaceylkey sheegeysaa uu run yahey ..
hadii uu run yahey wax laqabo waxba qurux ha u fiirin adiga majeclid laakiin jaceylku marna wuu soo daahaa marna wuusoo deg degaa .
marka tan iga qof
gaduud looma raacoo haween gobolba waa ceyne
qaarbaan ka goor iyo ka goor godolka deyneyne
isu gaadhey gabadhaa tiraa meel uun baa goane ..
quruxda ilaah baa baxsha waxa laga yaabaa intaad taad rabtey raadineysid inuu waqtigu kaaba lumo
quruxdana jaceylkaa ka weyn ..

taasna waa abwaan soomaliyeed taladiisa ..
marka duqa talo wacan isma dhaafno ..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

afgooye

Wednesday, January 31, 2001 - 08:17 am
to soomaali arinta kore adaa kuusoo qorey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

soomaali

Wednesday, January 31, 2001 - 09:51 am
afgooye ninyahoow madadsanid waad talo wacan tahey sxb.waan ku dhaqaaqi sidii qalbigeygu ku xasilo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kormeere

Thursday, February 01, 2001 - 12:58 pm
to;afgooye
saaxiib aadbaad u mahadsantahay sida wanaagsan ee aad ula talisay saaxiibkaa run ahaanti aad ayaan ula dhacay taladaada hadar la`aanta ah ku wad duqa saasaa akhyaarnimo ah waana mahadsantahay markale bro
mahadsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

afgooye

Saturday, February 03, 2001 - 12:32 am
to soomali
duqa adaa mudan waa leysku lee yahey wixii talo ah ..
dhibaatooyin badan baan usoo joogey ama isheyda ku arkey marka saasaan fikradeyda kúsoo gudbiyey .
jaaw xiriir wacan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

lataliye

Saturday, February 03, 2001 - 04:27 pm
to afgooye
aad baad u mahadsantahay shaqada aad ila soo gashay runtii culays baad iga qaaday niyow talad
dhinacaaga ka wad.
lataliye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

haldhaa

Sunday, February 04, 2001 - 07:32 am
afgooye iyo lataliye waad ku mahadsantihiin sidaad u caawineysaan dadka tala doonka ah.
aniga waan u bogey taladiina wacan wax aad igala talisaan ma hayo,laakiin waan idinla socon doonaaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

fatima

Tuesday, February 06, 2001 - 11:34 am
la taliye tan igu caawi in mudo ah ban inan jeclahey asna ima jecla waayo wuu i tusey..maxaan sameeyaa ma iska samraa mise xal bad igu biirin.mahadsanid caawintada.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

afgooye

Tuesday, February 06, 2001 - 11:00 pm
to lataliye
mahadsanid duqa anigoo waxaan aqriyo radinayana ayaan beejkaan maalintii u horeysey soo galey markaasaan waxaan arkey sida cajiibka ah oo aad dadka walaalaheen ah aad ula talineyso markaasaan anigana fikradeyda usoo gudbiyey marka duqa waxaan awoodo wan ku caawin walaalaheyga soomaliyeed adigana duqa xagaaga ka xoogi ileen adigaa mudo soo wadee..
duqa sidaas iyo nabadgalyo
bye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SUHUUR

Thursday, February 08, 2001 - 09:44 am
AFGOOYE IYO LATALIYE SALAAMA.
TALO BAAN DOONI WALAALO INAN BAAN JECLAADEY SI XAD DHAAFA HEER WAXAAN GAAREY AAN CONTROLKA LUMIYO MARKAAN ARKO ISAGUNA AAD BUU II JECELYAHEY HADANU SHABAQ II DHIGEYN LAAKIN COLLEGE BUU DHIGTAA I NEED HIM SO BAD HADA WAXAN BILAWNEY IN AAN IS SHUMINO RUNTII AAD BAAN WAX U DAREEMAYAA WALIGEY NIN MA SHUMIN LAKIN JACELKAA IGA XOOG BADAN WAXUU YIRI SANAD KA DIB BANU ISGUURSANEYNAA WALAL WAN BAQAYAA IN HADII KIS KAN SII SOCDO AAN XADKA KA BAXO AMA TALABO WALIGEY NIN IIMA RAAXEYN HADII WAXAN AAMINSANAHEY UUBA NAASKEYGA TAABTO IN ANAN WAXBA KALE U DIIDI DOONIN ISAGU WEEGII LABA GOOR BAN KULANA WAAN JECLAHEY MANA RABO IN SINO AAN KU DHACO AMA GABARNIMADEYDA DHAWACO WAAYO WAA NIN LAGA YAABO HADUU DIBADA WAX IIGA HELO IN UU TAGO MAXAAAAAAAAN SAMEEYAA SIIN KU HEYSTAA WITHOUT KISS AMA TAABASHO ILAA AAN GUURSADO?? ????

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

talo doon

Thursday, February 08, 2001 - 07:42 pm
to;suhuur
waan idin salaamay salaan kadib,run ahaanti waxaan ahaa qofki ugu horeeyay ee la soo xiriira walaalkeen talo doon waxaana dareemayaa inaan guul badan ka gaaray talooyinkiisa waad akhrin kartaan wixi aan waydiiyay iyo talooyinki uu isiiyay idinka ayaa la cajabi doonaa talooyinkaas waxaana ku soo gali jiray bogaan magaca ah talo doon hadaan intaas uga baxo
suhuur walaal waxaan kugala talin lahaa inaad akhrisatid buuga la yiraahdo (MA GABADHNIMADAYDA AYAAN JACAYL DHAAFSIISTAAA)oo ay qortay gabadh soomaaliyeed waxaad ka heli doontaa buugaas waxyaabo badan oo ku anfaca lana xiriir walkeen lataliye isna wuxuu ku siinayaa talooyin aad u her sareeye
mahadsanidin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

afgooye

Sunday, February 11, 2001 - 08:22 am
to: sahuur
abaay waan ku salamey marka hore
marka xiga talo badan oo dheer waan ku siin lahaa
laakiin waqtigaa igu yar .
laakin talo yar iga hoo oo fudud laakiin sida ugu dhaqso badan ku raac intey goori goor tahey oo dhariga iyo daboolku eysan kala dhicin ..
abaayo marka hore jaceylka marka lasoo koobo waxaa lagu tiriya inuu xiiso yahey xiisahaas markuu dhamaadana dee wax walba filo .
xataa inuu jaceylku dhamaado filo oo lagaa xiiso dhaco ..
marka sida ugu dhaqso badan balan ku samee aad macalinka aad jeceshahey ugu sheegeyso inaad fikrad fiican oo uu ku farxi doono u heyso .
taas oo ah guur ..
marka abaayo aniga fikarada aan kusiin waa inaad ku mehersato diinta islaamaka taas ah jidka kaliya oo aad labadiinuba aad ku badbaadi kartaan .
abaayo inaad is guursataan maahan wax qaali ah .
dariskaaga ayaa laga yaabaa inuu isu kiin habeyn karo adoon meel kale karaadin .
marka abaayo wiilka guur usoo ban dhig si dhaqso ah ama xataa meher aan iraahdo .
ogowna hadii taataabasho bilaabato guurka iyo meherka kahor waxaa ku xiga wax ladhaho tegow tegow .
oo jaaw wax ladhaho ayaa laga yaabaa inaad kala kulanto meeshaas iyo kaad aadka u jecleyd oo aad halkaas ku noqoto wax ladhaho (former girl friend.)marka xaga diinteena waa xaraan marka xiga waxaa laga yaabaa in lagaa xiiso dhaco maadaama danihii lagaa lahaa lagaa gaarey .
adiga naftaadu waad xiiso dhaceysaa xataa kaligiis oo kaligiis maaha waxa laga yaabo inuu xiiso dhaco .
mideeda kale aan runta kuu sheegee waxa hadeer ku waalaya ayaa ah jaceyl ok jaceylka maxa ku xiga ok maxaa kusii xiga adiga naftaada suaalo badan is weydii.
taladeyda waxan kuugu soo koobey inaad is xalaaleysataa sidaas ayaa kheyr roon oo ilaahey iyo malaaigtiisuba ku farxi karaan hadii kale ciidamada ilaahey ayaa report khatar ah idinka gudbinaya marka halkaas waxaa laga yaabaa iney taladu farahiina ka baxdo ooba leydiin caroodo .
hadii leydiin caroodana waxan dhaceysa inaad is nacdaan iyo wax lamid ah .
marka abaayo guur wacan iyo mustaqbal khery leh .
iyo waliba talo wax ku ool ah .
kheyr hela aamiin kuligiin .
hana idiin macaanato .
bye afgooye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Sunday, February 11, 2001 - 08:01 pm
walaal dhamaantii waad salaamantihiin, lataliye aboowe waxaan rabaa inaad ila taliso wil aan umodo wada soconay ayaan ka codsaday arin guur hase yeeshee, iima jawaabo markasta oo aan waydiiyo haa iyo maya, marka walaal marka aan firiyayna waxay ila tahay in uusan guur rabin aniguna waan jeclahy wiil kaas naftaydana kama goynkaro marka sidee wax yeelaa bal ila tali.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

lula

Sunday, February 11, 2001 - 09:07 pm
isaga tag haduusan kuu jawaabin kuma rabee ragu iyagaa guurka weydiiya gabdhaha, nin ku raba wad heli kaas la noolow waqti badan ha ku lumin qof kaa sii jeeda take care and cafis hadaan hadal qaldan iri bye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

lataliye

Sunday, February 11, 2001 - 10:03 pm
to.fatima
walaashay iga gudoon salaan fiican oo ka soo goday qalbigayga.
runtii jacaylka waa waxa jira,kaligaana kuma hayo
dad badan baa kula mida rag iyo dumar,marka horta
sidaas ogow.
qofkaad jeclaanaysid waa inay jirtaa sabab aad ku jeclaatay,jacaylka sidiisa waa naxariis nagu beeran waa dareen qurxoon marka lagula wado waa hanfi kulul marka lagaa sii jeesto.
marka walaal waan ogahay inay dhib tahay in qof aad jeceshahay ka tagtid,isku day marka hore inaad
jacaylka gadaal marisid baro qofka si saaxiibnimo
dhex gal adoo jacaylkaaga daboolaya waxaa laga yabaa inaad qofkaa nacdid.
hadiisa aad is dhexe gasheen kuna diiday walaal
raga waa badan yihii yaan dhulka lagu jiidan ka tasho caloosha dhexda ku xiro ogow bini'aadmi waa daciif waxaa laga yabaa inuu jacaylka isga ku wareego.
aduunka waxa u fiican qof ku jecel si runa lakiin dadka qaarkood ma oga waa nasiib
walaal waxaan kuu rajynayaa farxad iyo samir

lataliye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

taladoon

Sunday, February 11, 2001 - 10:11 pm
ku taladoon
waad mahadsantahy sida sharfta leh eed ii sharftay
waan ku farxay taladaydu mirahay dhashay.
saxiib guul wacan nolol suuban cafimaaaad dheer

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

lataliye

Sunday, February 11, 2001 - 10:20 pm
to anonymous
salaaman tahay
waxaan rabaa inan ogaado laba waxa
1-wiilka imisaad wada soctaaan
2-sidaad u jeceshahay ma kuu jecelyahay
ama ma ku dhahaa waan ku jeclahay
haddii aad soo jawaabtid waxaan heli raad raac
ama sahan aan ku baaro sababta uu aamusay
waxaa laga yabaa inuu khayr u aamusan yahay
ha calool xumaan dawadaada waa fududahay
soo jawaab si dhaqso ah.
lataliye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

lataliye

Sunday, February 11, 2001 - 10:28 pm
OGAYSIIIS OGAYSIIS OGAYSIIS
-----------------------------

dhamaan waad salaamantihiin dadka la socda bogan
ma heli karaa gabar nala shaqaysa oo talooyin u soo gudbino gaar ahaan arimaha dumarka qarkood
ama guud ahaan talooyinka.


lataliye
la soo xariir
lataliye@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

lataliye

Sunday, February 11, 2001 - 10:34 pm
to.luula
walaashay waad salaaman tahay
runtii markiiba go'aan baad qadatay saasna maha talada waxayabo badan baa la fiirshaa
dumarka laftoodu xaq bay u leeyihiin inay guurka soo diyariyaan ha u qadan qalad waa waxa farxad leh.


lataliye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

lula

Monday, February 12, 2001 - 10:54 am
to lataliye.
waan ku salaamey ninyahow talooyinka wacan ka wad meeshaas la talinta.walaalkisa ma go,aan qaadasho dhawi laakin waxan aaminsanahey "xoolo kaa ordaya waa la soo celin karaa lakin qof kaa ordaayo lama celin karo" yacni jaceelka aad maqleysid waa naxariis u baahan in labada dhinacba laga wada ee maahan mid qof kaliya u bahan sidaad sheegteyba,marka ayada oo dumara hadey u soo bandhigtey in mustaqbal guur ay diyaar u tahey balse uu u jawaabi waayey waxa laga yaabaa in wax ka qeyr badan rabi siiyo sidaa darteed in ay rabi talo saarato deedna ay sugato qof la fahmaayo feelingkeeda.soomaadan maqal "jaceelkaa dhibkaasa dhaqaalaha u baahan waa in leysla dhowraa hadii kalase lagu dhimey" waa iga intaas,walaashiisa qeyr aan kuu rajeeyey.bye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

lula

Monday, February 12, 2001 - 11:10 am
to lataliye.
maxey dumarka soomaaliyeed u dulman yihiin?
maxey caadi u noqotey in raga kaliya ay soo bandhigaan guurka..maxeysa la yaab u noqotaa markey qof dumari soo bandhigto arin guur.markaas gabadhii waxaa loo arkayaa in ay xuduudii ka baxdey madaama ayba baahideeda soo bandhigtey ama ay halkaas aflagaado kala kulanto.thz lataliye bye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, February 12, 2001 - 04:41 pm
To=lataliye
walaalwaad salaamantahay, walaal hadaan kaaga jawabo su,aalaha aad iweydiisay.
1 walaal waxaanu wada soconay 2 sano markii intaana wuxuu ilahaa waan ku jeclahay hase yeeshee markaan irahdo mudo ayaan wada soconay ee maxad damacsantahay ma,inaan mustaqbal samaysano mise inaan kala harno. iigama jawaabo aniguna sidaan horeba kuu iri kama go,ikaro oo waan jecelahay.
2 walaal wuxuu iyiraahdaa waan kujeclahay aniguse ma, umalaynayo sababtoo ah haduu ijecalyahy fikradayda ayuu igu raacilahaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

lataliye

Monday, February 12, 2001 - 10:56 pm
TO;LUULA
---------
dumarka waa laf dhabarkii nolosha bini'aadmiga waa hooyadii na jaqsiisey naasaheeda,watii coolasha nagu haysay 9 bilood,waa hogii nolash,waa barbarintii ubdka.
markaa walaal luul waxaa idin dulmay dhaqanka xun.
aniga hadaaan kugu darsado taladayda dhib ma leh in gabadha ay bilowdo guurka ama dalbato
waxaan aaminsanahay in kuwa dhibta u arka yihiin
jahiliin aan nolosha macnaheeda garanayn.
luula la soco dhaqanka somaalida qalad badan baa ku jira,bal hada ka fakar.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

lataliye

Monday, February 12, 2001 - 11:06 pm
TO ANONYMOUS

mahadsanid jawaabahaaga
runtii wan ku fahamay waxan filayaa inaad marka ugu horaysa hubsatid qofkan inuu ku jecel yahay
waxaa yaab leh qof aad labo sano la socotay inaad ogaan waydid inuu ku jecel yahay.
sis marka hore ogow qofka meeshaad ka joogtid inta aadan fuulin sarta kore.
horta bal jacaylkaaga inuu jiro hubso.
markii aad waxa runa ogatid ayaaad helaysaa sababta,runtii haduu ku jecel yahay sababta ayuu kuu sheegi lahaa uuna diyaarka ugu ahayn inuu ku
guursado,lakiin tan waa cadahay waxaan ku leeyahay baar qofka inuu ku jecelyahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XUSEEN

Thursday, February 15, 2001 - 03:59 pm
TO LATALIYE

WAAD SALAMTAHAY

SXB WAAXAAN SI QEERU CAADI AH U JECLAHAY GABAAR TAASOOO IGU DAADISAY DHOWR JEER QALBIGEEGANA WAAN KA GOON LA AHAY.

WAXAY II CADEESAY INEESAN IRABIN ANA WAAN SAMRI LAHA AHAY, IGAMANA AHA DOQONIMO EE JECEELKA AYAA IGA TANBATAY. WAA YARTAHAY SAACAD AAN KUFAKARIN.
BROTHER ILA TALI.
THANKX

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

lataliye

Thursday, February 15, 2001 - 06:00 pm
saiib xuseen
jacaylka waa jiraa,waaa dhici karaa inuu sidaas kaa dhigay waxaase ogaata in hadii aad sidan ku sii soctid aad ku sii jilcaysid saxiib is gali
karti oo samir yeelo,waxii loo samraa la helaa
mida kale isku day gabadha inaad soo jiidatid.
haddi aad ku guulaysan waydid ku qoro jacaylka xusuus qorkaaga.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

afgooye

Friday, February 16, 2001 - 01:29 am
to xuseen walaalkaa la taliye ayaa talo fiican ku siiyey marka si fiican u qaado .
ana aan in yar kuugu daro walaal xuseen waan ku fahmi karaa inuu jaceyl kula fogaadey laakiin hadeer it is too late kuma dhihi karo oo wali waxbaa laga qaban karaa marka waxaad isticmaashaa maskaxdaada adigoo inta meel fariisato u fakaraya qoftaas saad kusoo xero galin laheyd waxaadna adeegsaneysaa wax walba oo aad awoodo oo aad isleedahey wey kuusoo xero galin karaan waxaan hubaa hadey mid kale jeceshahey inaad kasoo reeban karto .
midna ogow qofku haduu ku ogaado inaad jeceshahey carless buu ka noqdaa.
war duqa good luck
isma dhaafno.
kheyrna waan kuu rajeynaayaa
byeee.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cadnaan

Friday, February 16, 2001 - 03:15 pm
to lataliye iyo afgooye s xbyaal waad salaamn tihiin iiga gudooma salaan mida labaad sxb yaal waxaan idiinka codsanaa inaad iila talisaan sxb yaal waxaan jeclahay gabar kunool kenya ana waxaan ku noolahay usa california los angalis sxb iyada ima jeclo markaan waco aan u diro taleefa iima imaato ee walal waan jeclahay maxaan ku sameeyaa iila taliya iadu dadeeda waa 15 jir ana 19 jir ee walal maxada iigula talinla heedeen labadiinaba mahad sanidiin byy

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XUSEEN

Saturday, February 17, 2001 - 09:37 am
To: Lataliye iyo Afgooye

Asalaamu caleykum waraxmatulahi wabarakatu
salaan kabacdi,Mahadsanidin sida wanaagsan aad ila tali seen. Waxaana idin leeyahay JasaakumuLAAHU khayr.

Marlabaad hadaan wax idin weydiyo xelado neecee ban adeegsan karaa kuwaase i caawinaayo????

thankx alot
wabilahi towfiq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sumaya

Saturday, February 17, 2001 - 10:44 am
xuseen anaa ku ilowsiinayee ii imo hadiiba lagaa maqlo aa dabaala

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GOOD GUESSER

Saturday, February 17, 2001 - 12:51 pm
To: Cadnaan

sxb wax yar baan kuu sheegi lahaan waana iga talo, sxb aniga waa lasocdaa dadka Kenya degan iyo waxay ku jiraan, waxaa laga yaabaa in qofta aad shegayso inaysan la socon sida aad u jeceshay waxaan ku dhihi lahaa marka hore bal hubso qofta in sifiican loogu sheego inaad telephone u soo diraysid waxaa laga yaabaa inaanba loo sheegin oo aad adna lu go'adid, markii aad heshidna u sheeg sida aad damacsantahay waxaana kuleeyahay waxaad leedahay CHANCE wayn aan kuqiyaasay 70% inay HAA ku tiraahdo ee bal ku dadaal saad u heli lahayd.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

COSOB

Tuesday, February 20, 2001 - 07:14 am
La taliye waxaan kaa codasanaa jaamacad aad kasoo baxaday in aan ogaado kadiban suaalo kuwaan ka waaweyn aan ku wey diiyo anigoo gadaal kaal soo xiriiri doono raali iga ahaawan su,aasha aan ku weydiiyey sababtoo ah wax aad hay siin waa ay fudud yihiin marka loo eego teeyada.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

nura

Saturday, February 24, 2001 - 06:23 am
To Lataliye

walaalow waxaan rabaa sual in an ku way diiyo
suaashaas oo eh maxaa ladhahaa "sii geeysi "
kal madaaseetida adoo raali eh iisoo micnee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Talo Doonto

Tuesday, February 27, 2001 - 01:58 pm
TO LATALIYE

Waxaa talo iga siisaa aniga oo ah gabar soomaaliyeed oo xaas ah la qabo europena degan, wadamadan muslimka ahna joogin, ganacsi mala sameysan karaa dad kale, maalintaa oo idilna ku maqanahay halkaa aniga oo kaligeey ah..

Mahadsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, February 28, 2001 - 11:43 am
asalaama calaykum.walaal waxaan rabaa in aad igacaawisid mushkilad ihaysato.
walaal waan guursaday waxaana ila soo gudboonaatay dhibaato ruttii waan jeclayninkaga
laakiin waqxaa jirta dhbaato u baahan xalintaasoo ah drugs aana xalin waayey kaligey marka waxaan u baahnahy taladaada .anigoo isku dayey wax badan balana iga qaaday inuu iskadayn ,
ddoono ilaa hadana wax is badal ah ma hayo .taasoo jirta ayuu wuxuu igu daray waji xumayn . hadaba saaxiib maxaan yeela

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Talo Doonto

Friday, March 02, 2001 - 11:52 am
Aawey la taliye, miyuu cajisey, mise meeshi waad ka guurtey.. Taladaada ayaan hadda sugageynaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gabar-Yaaban

Friday, March 02, 2001 - 01:19 pm
Hello LA TALIYE

I need some advice. Saxiibkey maseeryr ayaa dilay. He is maseyring every time 24 hours a day, If I am at work, if I talk to any man, If I go out with any gabar...........Maseeyrkiisa qaatiblilah ayaan ka taaganahay. Maxaan sameeyaaa?????

Hadaan qof la hadlo he gets upset. Meel ma aado straight shaqo, school and guriga. Wax aan sameeyo ma aqaan. Bal ila tali

Thanx (Mahadsanid)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdirahman

Saturday, March 03, 2001 - 05:05 am
To talabixiye
Saaxiib waxaad igala talisaa arintaan hookuqoran
waxaan ahay nin 24 jir ah marka bidaar baa igashay gabdhihii aan islahaa midkaxulana sidii hore iima aha owaxaad moodaa iney igu dareen liis ka odayaasha aygoo xiseynaya rag aniga da,ahaan igawaa weyn marka maxaad igula talinlaheyd

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

YACNI

Saturday, March 03, 2001 - 11:56 am
WALAL LATALIYE AAD BAAN KUGU MAHADCELINAYAA SIDA
AAD WALAALAHAA AAD WAX UGALA TALISID WAXA AMABA
MASHAAKILKA HAYSTA,MARKA ANIGABA WAXAA ILA SOO GUDBOONAADAY OO AAN U BAAHANAHAY IN AAD TALO IGA SIISID OO AAN KAA BAAHANANAHAY TALO.
WALAAL LA TALIYE WAXAA ISJECLAYN GABAR AAN MEEL ISLA JOOGNO OO AAN KU HESHIINAY GUUR OO MARKII AAN
DIYAAR NOQDABA OO AAN IRAAHDO WAAN IS MAHERSANAYNAAYE BAL KAALAY WAXAY IIGU JAWAABTAABA
BAL U KAADI ILLAA IYO HADDA TIRO SHAN JEER AH BAY SAAS UGU TIRI MARKA WALLAAL LATALIYE WXAAN KA RABAA IN AAD IGALA TALISID GABADHAAS????????

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

lataliye

Saturday, March 03, 2001 - 11:48 pm
to-taladoonto
walaal mahadsanid--------------------
runtii ganacsiga xalasha ah waa mid u furan rag iyo dumar madama a tahay gabar la qabo rabtana ganacsi inay la samso dadkale waxa hort fiirisaa ganacsiga aad galysid iyo dadka aa shaqo wadagi doontan iyo meelaha aad ka raadin doonto,
haddii aad xijaabatid oo si dacad oo xalal risiq u raadsatid waxan filayaa dhib malaha
lakiin walaal waxad la xiriirta masjidka islaamka oo kuugu dhaw lana tasho culimaa u diinka jooga
waxay ku siin karan mid ku salaysan diinta islaamka,lakiin ogow in xaskii nabi maxamed csw
ee khadiija lahayd ganacsi.
walaal ka fiirso ganacsiga aad galaysid lakiin shaqo waa xalaal haday mirha ay dhalaysa xalaal yihiin lataliye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Miski

Monday, March 05, 2001 - 10:25 am
Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatu.
walaalkay lataliye waad mahadsantahay sida sharafta leh aad ula talisey walaalaha soomaaliyeed walaalkey ilaahay ha kaa abaal mariyo. hadaan u gudbo hadalkeyka walaalkey waxaan u baahanahay latalo taasoo ah.
waxaa in mudo ah jeclahay wiil laakiin uma sheegan karo tas oo ah xishood runtii waanlayaabanahay sida aan ugu sheegi lahaa walaalkey waxaan rabaa talo.
wabilaahi towfiiq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

lataliye

Monday, March 05, 2001 - 03:17 pm
to--- anonymouse
mahadsanid talada aad i soo waydiistay
runtii waa wax laga naxo inaad ku noolatid nolol
mukhadarad lakiin waxan raba inad ii sheegtid ninka
ma ku ogayd inuu isticmalo mukhadaradka intanad guursan.
waxa fiican inad si fiican u wada hadshan una sheektid inadan rali ka ahayn waxa uu isticmalayo
lakiin sidad sheegayso waad jeceshahay oo hada waxa uu kuugu daray waji xumo,tas waxa ay i tusaysa in aad wali qalbi jacayl u haysid waana
waxa fiican lakiin dhibaato waa mukhadaradka taas oo dhib u keeni karta ilmihiina iyo nolosha gurigiina
waxa jira meelo lagu daweeyo dadka qaba dhibatadas
hadad ku nooshihiin wadamada hore maray.
talo wa tan runta usheeg inadan rali ka ahyn mukhadarad.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

lataliye

Monday, March 05, 2001 - 03:25 pm
TO----gabar-yaban
mahadsanid taladada
saxiibka sidad ii sheegtay waa masayroo
ogow qofkasta waa qaba dareenka masayrka lakiin waa lagu kalo badan yahay,tas waxa keena kalsooni
darida aad u qabtid qofka,saxiibka waa qof ku jecel lakiin isku day inad kalsooni ku abuurtid ha ku nacin masayrka,tartiib u gali qalbigiisa kalsooni,waqtiyo badan la qado, kawada hadala masayrka, qofka markas waa soo dagi waxana waa iska badali.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

lataliye

Monday, March 05, 2001 - 03:30 pm
TO-ABDIRAHMAN
saxiib mahadsanid taladada
lakiin adiga sa dareemayso baa ka hadashay
bidar waa waxa cadi,dhibna malaha qofka waqtigay doonto ayey gashaa,saxiib niyada ha iska jabin si fiican u fakar tan maha waxa gabar nin ku naca.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

lataliye

Monday, March 05, 2001 - 03:36 pm
to --------- yacani
mahadsanid taladad i soo waydiisatay
saxiib waa waxa yab leh in qof aad ku heshiiseen
guur marka waqtiga la soo gaaro ay ka warwareegayso tas waxayabo badan ba qofba u sawiran kara,lakiin saxiib waxad hor fariista gabarta un sheeg waxa runta ah oo ay ugu wareegayso guurka
mar mar qofka si runa aya loo waraysta,waxa laga yaba in waxa jiran ay u diidantahay in guurku dhaco
ama ay dheel ka tahay sheekada.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

lataliye

Monday, March 05, 2001 - 03:47 pm
to---- miskin
mahadsanid taladada
miskin jacaylkaga ma laguu og soon yahay mase hawadad ka jeclatay
qofka aqoon ma idinka dhaxaysaa
ma ku lantan
adiga waa inad isticmasha garadkaga sidad qof ku soo jiidan lahayd,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FEYSAL

Monday, March 12, 2001 - 11:21 pm
SXB LA TALIYA AAD AYAAD UGU MAHADSAN TAHAY SIDA WANAAGSAN EE AAD WAQTIGAADA QAALIGA UGU HURTEY WALAALAHAADA SOMALIYEED,LAAKIIN MIDAAS WAA (LAA SHUKRA CALAL WAAJIB).
HADAN U LEEXDA DHINACA SU,AASHEYDA WALAL GABADH AAN IS NAQAANEY MUDO HORE OO JOOGTA AFRICA AYAAN JECLAADEY,WAANA WACAA,LAAKIIN ILAA IYO HADA MA GARANAYO FEELINKEEDA IYO WAXAY DAMACSAN TAHAY,ANIGANA QOF AANAN ISLA JOOGIN WAXAN AAMISANAHAY IN WAX WALBA KA SUURTOOBO,SIDAAS DARTED AYAN U AAMINI LA,AHAY, OO WAXAA IGU QUFULAN INEY JAANIS AAN KU KEENO RABTO,MARKA SXB SIDEEN KU RUMEYSAN KARAA INEY WAX KA DAACAD YIHIIN IYO INKALE??
I WSIH YA ALL DA BEST BRO

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AFGOOYE

Friday, March 16, 2001 - 07:36 am
TO LATALIYE WAAN KU SALAAMEY XAGEED KA BAXDEY AYAANTAAN GOOBTA LATALINTA WAAN KAA WAAYEYE.
JAAW DUQA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AYAANLE

Wednesday, March 21, 2001 - 06:40 pm
TO LATALIYE
SXB WAAD SALAAMANTAHAY, NIN WALBA MEESHAAN WAXBAA CULAYS KU HAYA. ANIGA WAXAAN RABAA INAAD IGALA
TALISID ARRIMAHAAN SOO SOCDA.
SXB SOMALIYA WAXAAN KASOKEEYEY ILAA MUDO GAARAYSA
20YEARS. INTAAN QURBAHA JOOGAY WAX HANTI AH KAMA
SAMAYN ARRINTU SIKASTA HAY NOQOTEE,WELI MAGUURSAN
OO WAX CARUUR AH MAHAYO,NIN YAHOOW AAD BAAN UGA
DAALAY NOLAASHAAN QURBAHA WAXAANA RABAA INAAN SIDA
UGU DHOQSAHA BADAN SOMALIYA UGU NOQDO MAXAAN YEELAA WAX NA MAHAYEE.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cabdalla ohio

Wednesday, March 21, 2001 - 08:42 pm
fr: cabdalla.
To: la taliye.
waxaan afka u galay gabar aan guur rabin waxay jeceshay in ay ila joogto weekandhiga iyo time offkayga aniga runtii diinta ayaan isku fiicanahay ma jecli wax dambi ka imaanayo guurna ma ogollo waxaan sasabo ama koolkooliyo waan quustay mudo sanad iyo badh ,aad ayaana u jeclaaday oo maskax kale ma lihi waan caatoobay oo waxaan ka goay hurdadii iyo cuntadii finally magaaladii ayey ka baxday ayadoo soo noqondoonto
waan wareeray saaxiib emergency tallo

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.