site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Tallo waa tii Illaah ee Dadyohow maxaan yeelaa Waa Cajiib Aduun Tollow ma jiraa Qof ay ku dhacdey Arinteyda Oo Kale

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Relationships - Shukaansi: Tallo waa tii Illaah ee Dadyohow maxaan yeelaa Waa Cajiib Aduun Tollow ma jiraa Qof ay ku dhacdey Arinteyda Oo Kale
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, March 06, 2001 - 11:14 am
Marka hore aad ayaan Idiinka mahadcelinayaa Waxaana u baahnahay inaad tallo iga soo siin sidii aad uga dabaalan lahaa arimahan i heysta
waayo waxaa jirta inaan saaxiib aheyn gabar mudona aanu wada soconey gabadhaas oo ay na dhexmareen waxyaalo badan laakiin mudo kadib gabadhii waan kasoo tegey markii aankasoo tegeyeyna waxaanu kusoo kala tagney in qofwalba daneysto.
waxaa dhacdey inaan gabarkale aan isbaraney gabadhaas internetka ayaan isku baraney runtii waxyaabo badan ayaa nadhexmarey waxaan doonayey inaan is guursano laakiin ardayad ayey aheyd soo diyaar umey aheyn laakiin waxwalba oo kale deeqsiyad ayey ku aheyd runtii waxaa nadhexmarey jaceyl aad u daran .kadib waxay u guurtey State kale markaa waxaan go'aansadey inaan qofkii aan mustaqbalka laqeybsan lahaa raadiyo waxaan bartey gabar kale iyadana aad ayaan isu jecelnahay
waxaa warkeygii heshey tii ugu horeysey waxay iisoo dirtey waraaqo iyo taleefano iyo sawiro iyadoo ii sheegeysa ineyna marnaba i ilaawi doonin
tii kuxigtey ayaa iyana cell phonkeyga heshey oo isoo dirtey anigoo lajooga tii ugu danbeysey waxayna i weydiisey waa ayo naagta kulasoo hadleysaa maxaase kaala dhexeeya waxaan iri waa asxaabta waxba nagama dhexeeyaan laakiin markii ay dabagal badan sameysay waxay soo ogaatey inay saaxiibadey ahaan jirtey waxayna igu tiri qoftaas madoonayo inaan mardambe warkeeda maqlo waxaan sameeyo garan maayo dadkaas lama iloobi karo qoftaan cusubna lama tuuri karo oo aad ayaan uga dambeeyaa iyaduna way i jeceshahay
markaa xaaladu waa qasan tahay ee dadyohow caqligiina kashaqeysiiya oo jawaab waxtar leh isoo gaarsiiya iyo sidii aan ku furdaamin lahaa arimahan iswada suran
byyyyyyyyyeeeee Mohamed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

suleeqa

Tuesday, March 06, 2001 - 06:26 pm
waryaa dhegayso ninkan mahamed isku sheegayow, waxaan ku leeyahay waa adoo kale ninka rogay dadka waryaa ma, handicaf baa gabdhaha aad ka hadleyso, mise nin la,aan baa ka jirta wadanka. waxaanse ku weydiiyey yaa ku dhahay ka hadal waxa idin dhexmary adiga iyo gabdhaha. why aadse marba mid uga tegeysaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

lataliye

Tuesday, March 06, 2001 - 11:37 pm
saxiibkay maxamed
horta sheekadaada sad ku bilawday waxaan u haystay in dhib wayini ku gu dhacaday lakiin markaaan akhriyey waxaan dareemay inaad adiga waxan waxa wayn ka dhigayso
saxiiiib dhibtan dawadeeda waxaa weeeeeye adi is cadeeee
xageeed rabtaaaa jaacaylku waaa hal yaaaad jeceshahay markaad ogaatid raadso
qalbi laba ruux ma wada qado. lataliye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, March 07, 2001 - 08:39 am
To lataliye
Saaxiib waad ku mahadsan tahay fikradaada sida aad qabto ayaadna iisoo sheegtey laakiin mamaqashey weli sheekada Qalbi labo u qaybsamay.
saaxiib waan ku wareerey waxaana u baahnahay talooyin badan waad kumahadsan tahay fikradaada iyo waqtigaaga qaaliga ah ee aad iisoo hurtey
waana kaaga mahadcelinayaa
waxaanse weli sugayaa jawaabo intaa kabadan iyo hadii uu jiro qof ay ku dhacdey arintan oo kale iyo sidii uu uga dabaashey
mahadsanidiin.
Mohamed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, March 07, 2001 - 08:47 am
TO suleeqa
Qoftaadan isku tilmaantey suleeqa
Wiilku ceeb muu sameyn ee talo ayuu u baahan yahay ee hadii aanad talo heyn ama aanad garaneyn sida dadka dhibaateysan loola taliyo iska aamus oo afkaaga heyso
walaal waxaan kugula talin lahaa arintaadu waa mid aad u adag runtii markii aan akhriyey waana mucjiso ee inta aad talooyin badan isku darto si miisaaman uga fiirso waayo waa mustaqbalkaagii iyo weliba mustaqbalka gabdhahaas soomaaliyeed
markaa goaan ka gaar sidii aad yeeli laheyd sidaas ayaan kugula talin lahaa
walaashaa Qaali byeeeeeee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

D 2002

Monday, March 12, 2001 - 03:04 am
waryaa ha iska dhigin player sideydoo kale
tanlabaad naagta isku magacdartay suleega maxaa
kaa xanaajiyay gabdaha somaliyeed waa caadi in
nin naag haysta ay kadaba ordaan lacagdarteed
sida in nin la,aan in ay jirto
oo aad arki kartid nin afar naagood kala wado
iyo nin aan naag haysan .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

D 2002

Monday, March 12, 2001 - 03:04 am
waryaa ha iska dhigin player sideydoo kale
tanlabaad naagta isku magacdartay suleega maxaa
kaa xanaajiyay gabdaha somaliyeed waa caadi in
nin naag haysta ay kadaba ordaan lacagdarteed
sida in nin la,aan in ay jirto
oo aad arki kartid nin afar naagood kala wado
iyo nin aan naag haysan .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, March 12, 2001 - 04:38 am
KU:TALADOON
Ugu horeentii walaalkiis ku salaamay markaan aqriyaya qoraalkaadii runtii layaabay oo adigana kula yaabay hasa ahaatee waa waxdhaca dhicini jiray maahan mid cusub laakin adigey kuugu cusubtahay.
bal aan figradetda yarta ah kuugu darsado saaxib ugu horeentii waad is waashay sidaan anigu arko ama ey ila tahay waxaa taa kawadaa waxaad tahay shaqsi kaliya oo laba ruux matihid nafsadaadana waa mid un kaliya hadalka af kaada kasoo baxaaya waxuu qiimaleeyahay intuusan kaa soo bixin mar haduu dibnahaada soodhaafo daba qabasho malahan
taasina waxaan ugu dan leeyahay adigoo meel iska taagan gabari iney kuu timaadpo ku dhihi meyso waan ku jeclahay idinkoo wax kaftan ah idin dhaxmarin waxaa ikaa muuqato arinta ku heysata waa midaan anigu ku tilaami lahaa gacatiiisku goowrace hadaadan kafiirsan runtii saaxib mustaqbalkaadu waxuu ku sugnaan halis ama waxaad noqon raga nagtey guersadaanba aan ku waareen hadalkeyku waxaan ugu dan leeyahay naaguhu ma aad ogaan kartit inta aad saaxibka latahay dabeecadeeda dhabta ah waxwaliba oo idin dhaxmaraba dhabtii waxey imaan markaad halweel wax ku wada cuntaan ama hal meel kasoo wada toostaan marka walaalkiis gabdhaha walaalahaa u naxariiso oo mid kaliya ku qanac aamina oo isku kalsoonaaw ha noqon hasha labada geed jecel hadaa sidaa sidaa ku sii socoto runtii nafsadaadaa halis gali oo naag un ayaa wadkuu noqon raganimadii aad kuwada baratay waad leedahay ee mid un u go ilaahna tawakal saaro waa hadey dhab kaa tahay hadii aad is leedahay halagu yiraahdo kani waa gaay weeyna weligaa gaarimeysid natiijada aad raadineeso jaceelkuna waa dhaawac u baahan in liisku garab qabto hadaadan ka badbaadin malaintaada ayuu kuu imaan oo mid un ayaa adna saa kuu galeesa ee intey goori goortahay intaad runta u cadeeso miey niyadaada ku weentahay guurso ilaah hakuu fududeeyee inta kalana runta u sheeg afkaadana ka adkaaw midkale ha ukala furin oo yeysan ku sirin bindhaanta iyo quruxda aduunka kala fahmi meysid runtii tan daacada ah iyo tankale hadaba laguu tashadiyaa maxaad ka ogtahay warninyahoow isqabo.
intaa ayaan kuugu darsan lahaa hadii aad dhibsatay iga raali ahaaw .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, March 12, 2001 - 04:56 am
to/anonymous
walaal heedhe adigu ma orgi rabaayada ayaad
tahay oo ceesaantaad aragtaba ogol baad tiraahdaa

war wiilku ma orgibaa rabaayad ahee
rafiiq badanaa ma ruush baayeey
oo naagtuu rabo mayska raacaayeey

hadalkaagu wuxuu u dhadhamayaa gabar isku
wada toban nin ee iga dhagayso

gabadhu ma ribaa rabaayad ahee rafiiq badanaa
ma kuu baan baa
oo ninkay rabto mayska raacdaayeeyy............

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.