site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Maxaad iga dhihi lahaydeen xaaladaan soomaaliyeey

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Relationships - Shukaansi: Maxaad iga dhihi lahaydeen xaaladaan soomaaliyeey
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, March 22, 2001 - 11:13 am
waxaan ahay gabar soomaaliyeed waxan jiraa 25sano waxaan u doonanahy wiil ayreerkayga isiiyeen inkasta oo aan wiilkaa waahore iigu danbaysay hadana isagaan u joogaa marka waxaa dhacday in aan wiilkale oo soomaaliyeed kabartay chat roomka wiilkii sawirobaan isku diray waan kahelay aad baan ula dhacay isna sidoo kale hadaan 24 kiisaac aanan codkiisa maqal ama lachatgarayn iima aha wiilkii waan u sheegay in aan ninkale u doonanahay
balse wuxuu leeyahay goaan gaar ama ani ama ninkaa marka waxaan sameeyo ma aqaani walaalayaalow ila taliya kee baan raacaa wadnahyga meel uu u janjeero ma aqaani man kan mise kan labadaba waaan isku rabaa bal talo isiiya walalayaal plz cayna ma rabo just waano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AYAANLE

Thursday, March 22, 2001 - 04:24 pm
SALAAMU CALAYKUM
waalaashiis marka hore waxaa raadinayso waa guur
ama mustaqbal noloshaada ah.waxaan hadalkaaga ka
dhandhan saday wiilka aad isku barateen chatka in
aydaan weli is arag, dabeecad ahaana aadan aqoonin
dhalin yaro iyo dhaldhalaal yuusan kuqaadin. oo ka
fiirso noloshaada meeshay ku danbaynayso wiilka
adeerkaa kusiiyey maxaad ku diidaysaa dabcan isaga
ayaaba laga yaabaa inaad taqaanid nolashiisa.
walaashiis maahmaah carabi ah ayaa waxay tiraahdaa
"ASAWAAJ ISMU NASIIB" oo macnaheedu yahay.
guurku waa nasiib. hada waxaa laga yabaa adigoo
labadaan wiil kala dooranaya in midkale aad guursatid, marka waxaan hadal kayga kusoo koobayaa
ilaahay iska talasaaro naftana halaga adkaado.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

suhuur

Thursday, March 22, 2001 - 04:24 pm
miro gunti kuuga jira kuwa geed saaran looma xooro.abaayo qof aad chat isku barateen ma aamini kartid,ha yimaado meesha aad joogto yacni ha ku soo booqdo, ka fakar wuxuu yahay. lakiin aniga waxaa ila roon kaad mudada sugaysay inaad ku imaansato maxaa yeelay isba wuu ku sugayey intaas oo dhan mana fiicna qof bani aadama in wakhtiga laga lumiyo let alone mid aad damacday inaad nolosha la wadaagto.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QASAATE

Tuesday, March 27, 2001 - 06:10 am
HADAL BADAN HAAN MA BUUXSHO,WAXAAD OGAATAA TALADII WAA LAGUU DHAMEEYAY EE GO'AAN QAADO NABSINA ISKA DHAWR
QASAAYE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Biibto

Wednesday, March 28, 2001 - 01:26 am
Asalaamu caleykum
To: Anonymous Walaaley sida ay walaalahey Ayaanle & suhuur dhaheenba wax faraqa kugu jiro iyo wax aadan cilmi dheeraad u laheen maxaad nafta u raacin. walashiis chatka wax waliba ayaa ku jira inta badana beenalayaal ayee u badan yihiin sidee u aamini, cilmiba uma lihiidee xitaa ka so qaad sawirka uu ku sodiray maxaad ka garan haduu uu yahay asaga mise midkale? maxaa ka garan qofka kuula hadlayo haduu yahay qof xaas leh? maxaa ka garan haduu yahay oday abahaa la eg? maxaa ka garan hadii ay tahay gabar ku waleyso? maxaa ka garan haduu yahay mid balwad ku jir ah like, qamri, qaat, daroogo & etc. Waa waxne marka walaaley eeg factska aad heysatid jaceel u ekahaan oo lust ah yuusan aqliga kaa xadin. imisa ayaa chat ku sirmatay, hadii ay ka dhabtahay in aad qof nolal la wadaagtid ma aha in aad faro ku doonantid, waa in aad ku donataa indho, lugo & aqli. keebaa wanaagsan adoo idhahaaga xiranyahay oo aad gacantaada adeeygsaneysid si aad ugu wado marto iyo qof idhahiisa u furanyihiin oo indhihiisa hagayaan? dabcan qofka indhaha u furan marka chatkana waa adigoo indho la'aan ah oo kale. aniga waxba iila ma'aha in aad is raaciso ee midkii aad sanado sugeeysay ku iimanso ilahayna talo saaro iskajirna nabsi aduun yuu ku qabsan oo ha noqon mid lugta ka go'an ilaa ay godka ka gasho. adiga ma jeclaan laheed in lagu lug gooyo oo intaas oo waqti ah lagaa lumiyo? waa maya maskiinkaana saas ha u galin.

Dim ugu laabo maskaxdaada maxey aheed wixii kugu qasbay in aad sugto sonooyin? maxaadse waqtigaaga qaaliga ahi asaga ugu dayacday? hadii aad tahay qof wax garad ah oo Ilahaygeeda ka cabsaneyso, balan taqaano, qof aaminaad galana tahay, wiilkaasna jacel maxaad xarash iyo madax isku galin waxaa oo idil ugu dayici wiil aad muraayad computer ka baratay oo socoto mudo yar? hadii aan qaldamay cafis & masamax wacaleykumu salaam.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dhal-fo

Wednesday, March 28, 2001 - 10:06 pm
To:Anonymuos

Wax badso wax beel ey leedahay.... Midkaan aad ku heysid amuu yahay kii laga rooraayey markaas ey kugu yeerto firinbigii fajaca fooridii fikirka & fool-xumadii furitaanka ma fiican tahay sidaas farabuto....Fiinada filinkaaga inta aan ka fiirsaneenaa gorofyehey.......

Dhal-fo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wanaag

Thursday, March 29, 2001 - 11:08 am
walaal inanka biibto waan ku salaamay salaan kadib walaal gabadhaa si fiican ayaad ula talisay waxaanan umalaynayaa in ay ku talaqaadatay waxaan jeclaan lahaa in dadka dadka latalinayaa adiga oo kale yihiin daacadnimada.
shukran

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Biibto

Friday, March 30, 2001 - 02:02 am
Asalaamu caleykum
To:- walaal shukran jaziiran waad mahadsantahay walaal ilahay kuligeen dariikha toosan hanagu hago walasheenaan anymousna meeshii kheerka ugu jiro ha waafajiyo (Amin). Wanaag wrote:- "inanka biibto waan ku salaamay" walaal gabar ayaan ahay not wiil. Wacaleykumu salaam.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

giire

Saturday, March 31, 2001 - 03:34 am
to biibto
magac dumar la bax hadad doonayso inaan laguguqaldamin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Biibto

Saturday, March 31, 2001 - 04:22 pm
Asalaamu caleykum
To:- Giire Biibto waa magac dumareed waayo eeg sida ay u qorantahay iyo habka ay dhawaqa magaca u dhacaayo waa hadii aad garaneysid naxwiga qoraalka somaliga. nin waxaa la dhihikaraa biibe mise biibaaye, gabarina biibto ayaa la yiraahdaa. i think my point is clear as water. hadii aan qaldamay cafis & masamax wacaleykumu salaam.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

timayare

Thursday, April 05, 2001 - 06:13 am
to¨gabadha is qarisay waxaan ku waydiin lahaa haddii lagu siiyey wiil maxaa kuu geeyey kan chatka waxaan kugula talin lahaa kay waalidkaa kugu ogyihiin aad hana ku fududaanin nin wuxuu yahay adan ogayn

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, April 06, 2001 - 05:49 am
WAXAAN AAD ULA YAABEY DADKA RABA INAY LA TALIYAAN GABADHAA ISKA DAAYA WAXAY RABTO KAMA CELIN KARTAANE WAXAY RAADINEESO WAA WAX DUMARKA OODHAN KA SIMAN YIHIIN,WALIGOOD WAXII U DARAN AYEY JECELYIHIIN-AYADANA WAXAAN KU LEENA'HAY GO AHEAD WAXAA RABTO SAMEE PASIFIC OCEAN MADAX MADAX ISUGU TUUR-IS UPTO YOU,WHO CARES-MUTAQBAL KAAGA ADAA MASUUL KA AH-WIXII KUGU DHACANA ADAA KA JAWAABI ADIGOO INDHOXUN.BY

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qancisa

Friday, April 06, 2001 - 06:12 am
To:Anon
Marka hore iga gudoon salaan aad u diiran.Salaan ka dib arintaada waa arin aad ii qancisay in kastoo dadka i yaqaan ay i dhahaan adiga waxaad tahay qof problemkasta xalin yaqqan, run'ahaantii xaalka ku heysta haddaan ka fikiray wuu ila adkaadey.Aniga wexey ila tahay in aad si fiican ula dhacday wiilka aad isku barateen chatka...maxaa yeelay waxaad tiri haddi aanan maqlin wuu iga maqanyahay....midka lagu siiyayna ma aadan dhihin the same thing....so wexey ila tahay in aad rabtid wiilka chatka laakin aad ka baqeysa ciddada iyo in maalin malmaha ka mid ah oo lagu dhaho lacala haddi aad isku xumaatiin "marki horeba wexey isku barteen maal aan amin laheyn".Marka abaayo macaan haddii eey saas tahay haka baqin ee raac waxa oo wadnahaaga ku yiraahdo!!
Peace and love on you!!

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.