site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

HADDAAD MOODAY CAASHAQU MAALMO QUDHA INUU YAHAY MACNIHIISA MAAD GARAN,MAAWEELLO IYO CAYAARBAAD MOODAYSAA ADIGUYE.....INTUUSAN IGU MAAXANE MICIDDA IGU ADKAYSAN,MAATADIISA IGU XIDHAN,MIDKALAAN LAHAYSTAA MARNA IMAADAN ODHANINE....

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Relationships - Shukaansi: HADDAAD MOODAY CAASHAQU MAALMO QUDHA INUU YAHAY MACNIHIISA MAAD GARAN,MAAWEELLO IYO CAYAARBAAD MOODAYSAA ADIGUYE.....INTUUSAN IGU MAAXANE MICIDDA IGU ADKAYSAN,MAATADIISA IGU XIDHAN,MIDKALAAN LAHAYSTAA MARNA IMAADAN ODHANINE....
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KING

Saturday, March 31, 2001 - 08:09 am
GOOR AY TAHAY 7:00 FIIDNIMO AYAAN KULANAY INANTA AAN MUDDO GAABAN KU CAASHAQAY MOODAYNA INAY AHAYD TII KALI AHAYD AAN MUDDO BADANBA SUGAAYAY....
LA SOCO

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mimi

Sunday, April 01, 2001 - 10:55 am
cinwaanka sidaa u dheer waxaan u haystay inay meesha wax qiima lihi ku jiraan
ee waan ka xumahy in aan waxba ka waayay?????????

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

samira

Sunday, April 01, 2001 - 12:23 pm
hadaba meedey hadad caashaqdey miyaaney wax kuu ogeyn oo malaha bacaad bad ku fadhidaa dee walaal calaacal ilaa iyo yoomu diin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KING

Sunday, April 01, 2001 - 08:22 pm
waxaan isla sheekaysano,falan qayno aayaheenna danbe,eegno sida ugu dhaqsaha badan aan ku gaari karno guushaan doonaynay waligeenba inaan gaarno,moodnaba inaan nahay labadii allah isku qoray, midkeenba midka kale jecel yahay inuu raali galiyo.

waxaan sidaas ku jirno muddada iyo xilligu nagu dhaafo sida dabaysha anakoo faraxsan,kuna rayraynayna is helkeenna,sidaas waxaa ku tagay sanad iyo bar.

arday ayaannu ahayn dhigata jaamacadda oo doonaysa kolka hore inay dhammeeyaan jaamacadooda aan muddo dheerba aanka hadhsanayn.had iyo jeena isla xiriira inkastoo aan isku magaalo daganayn.

muddo ka bacdi ayaa qayb reerkayga ka mid ihi ii sheegeen in taariikh-deedii hore shucaac iyo khalaad badan ay samaysay uu ku jiro.kuwaasooo ahaa inay la daganaan jirtay nin aan qabin as aboyfriend,iwm...waxaas oo dhan dhag umaan dhigin waaayo waxay ahaayeen wax tagay oon tiigsimaad lahayn,waxna aan laga badali karin si kastaba how dheceene.way igu xumaatay oo familkaygii way diidanaayeen qofsaas oo kala ah inuu soo dhexgalo reerkooda oo waxay doonaayeen iisheegeenna inay jiraan kumanaan ka wanaagsan iska ilaawana.

si kastaba wax haygu sheegeen,haysku dayeen inay iga dhaadhacsiiyaan xaaladu sida tahay,dhaqanka iyo sida lagu xusho inanta aad nolosha la qaybsanayso wax aan ka dhagaystay ma lahayn jacaylkaan gabadhaas u hayayna waxba kama badalin haba yaraatee anoo og inay xaqiiqo tahay sheekada la sheegay.

muddo ka bacdi ayay iisheegtay inay rabto inay aado magaaladay ka timid oo ay u aadayso arin family..waan ka yeelay..bilo waxay maqnaato summer-kii markuu dhammaaday ayaan waxaan war ku maqlay inay la dagan tahay inankii ay hore ula daganaan jirtay...............!!!!!!!!!

CALOOL xumo iyo niyad jab wayn ayay igu noqotay maqalka arintaas waayo waan jeclaa second reerkaygii ayaan ku gacansayray......!!!!
markastaan illaa hadda soo xasuusto waxay igu noqotaa calool xumo iguna beertaa walwal xad dhaaf ah..

muddo illaa sanad iyo bar ah ka bacdi school-kii ayaan dhammeeyay helayna shaqo fiican oon ku qanacsanaa.

laba sano ka bacdi markii iigu danbaysay ayay ku soo laabatay magaaladii iisheegatyna inay khaladsamaysay,qirsan tahayna danbigay gashay kana xun tahay....anna aan ku dayan oon saamaxo.

qofkastaa abaalkii yahay guuldaraantee
waxaan ahay nin gabadh yahay gacantaadu malagtee
waxaan ahay gareexiyo godobkaa tirsanee.
GUUR HAYGA FILANINE GURIGAYGA IIDHEEF
waxaan ahay nin gacalkii awgaa u gooyoo.
waxaan ahay gargaarkii galad kaaga waayee..
waxaan ahay gondood iyo gocoshow danbaysee
GUUR HAYGA FILANINE GURIGAYGA IIDHEEF
sidaan ahay nin gaaloo xaramaynkii galayoo.
gubay maalin ciidoo lagu soo gurmadaybaad/.
gabi dheer isaartood igu gooni baadhee.
GUUR HAYGA FILANINE GURIGAYGA IIDHEEF...

LA SOCO......

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

soofe

Monday, April 02, 2001 - 01:48 am
wow wow......waxaasaa caashaq.....ka daldal hee..

aniga kitaabkaygu waxuu qabaa naagtii nin inta ka tagta oo nin kale raacda haddana ku soo noqotaa inuusan ninkaasi wax damiira leheyn.

marka waxba ha noo heesine orod oo isa soo baar bal in xaniinyo ku yaaliin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, April 02, 2001 - 01:57 am
waxaan aad uga xumahay king in u maleenayaayo sidii qof wax wayn ku dheceen, waxaan ku leeyahay meelaha ka hees,qof walbana u sheeg waxa kugu dhacay in lagaa naxo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sheekeeye

Monday, April 02, 2001 - 08:27 am
walaal waan akhriyay dhamaan waxaad qortay laakiin saaxiib riwaayada aad daawatay ood noo sheegaysid yaa actor ka ahaa? halkeedse ku fiirsatay ma tiyaatarkii muqdisho?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

c/laahi calasow

Monday, April 02, 2001 - 08:32 am
saaxiib heesaha soomaalida intaad noo soo qaybtay maxaad isaga dhigaysaa nin xikmadu ka burqanayso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

king

Monday, April 02, 2001 - 11:56 am
abdilaahi calasoow,sheekeeye,anonymous iyo soofeye.
sxb yaal waxaan idinku mahadnaqi waqtigiina aad ku qaadateen akhrinta page-kan aan qoray run ahaanna waan ku faraxsanahay soo booqashadiinna,balse waxaaan idiin sheegayaa ahna tan dhabta ah:
WAX WAANO,TUSAALE,RAYI IYO TALO AH AAN idin waydiistay ma'aysan jirin.fadlan kafiirsada intaydaan falin fudaydkuna waa xad gudub marmarka qaarkood..
peace

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

soofe

Tuesday, April 03, 2001 - 12:54 am
king

taldu waxay ku soo urureysaa hurdada iyo riyadda inta ka badid nin wey warkii la imaaw iyo waxii rag lagala talin jiray.
naag baan waahore la dhileystay dabadeedna ninkaley la dhileysatay war rag loola yimaado ma ahan. waxaasi ceeb weeye adeer marka bal mardanbe ragga ha la dhex imaan, la isma kashifo haddii ilaah kuu ceeb asture.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

king

Tuesday, April 03, 2001 - 05:45 am
comments to soofe
subxaana laaah...
dhilaysi......subxaana laah...
inaan la dhilaystay goormaad ku riyootay sxb?
ka fiirso hadalkaaga fadlan,hana fududaan....
comments kaagii hore...
ay ku soo noqoto waa nin aan damiir lahayn.....waadigii dhahay ha soo noqotee wixii dhacay imaadan waydiin anna kuuma sheegin..
mar labaad baan kuu sheegi'"ha fududaan sxb"

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Canab

Tuesday, April 03, 2001 - 12:35 pm
thanks king bro
realy your story accelarated and touched my heart
plz and plz finish it and ignore jaahiliinta

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, April 04, 2001 - 04:00 am
to.canab.
yaaah aar bal nacastan eega ninka ka sheekaynya geerashayntiisa ka heshay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

soofe

Wednesday, April 04, 2001 - 04:39 am
king


Ma adigaan na oran naagtii ninbay la dagtay? isla dagida nin iyo naag aan is qabin miyeysan dhileysi aheyn

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SUHUUR

Thursday, April 05, 2001 - 02:25 am
ANON>> WARHEEDHE INAANTA MAXAAD U MAGI WAX LAGU MAGO AYAA BADAAN EE MIYEEY KA HELI KAREEN SHEEKADA HAASE AHAATE SHEEKADA ANABA U QUSHUCAAY!! INAANKANA SHEEKADISA HAKAGA TILMAMIIN GEREESH>> ADEEY BIIQ KA TIIRIYE> JECEELKI RUUNTA AHA AYAA SOMARAAY INAANKA EE

CANABEEY INADEER INAANKU SHEEKADA WUU DHAMEYS TIRAAY EE MASHEEKADI AYAA KUGU BARGO'DAAY AAN CODSANE

KING>> ALLA WALAAL WAAN KA XUMAAHAY CASHAQAAN SIDA XUUN KU GALAAY EE WALIBA REERKINI UGU GACAAN SEERAAY AAD UGA GODAAY AYAADA AWGEED >> DUMARKUNA ABAAL DARANA MARKEEY HELAAN KI NAFTA U HURAYEEY
SAMIIR OO NAFSIGA AYAA KU DAMBEEN EE>> DIIBNA HA'USOCESHEEN NAAG HADI EYBARATO DHILEYSI WAA BALO BAAS(RALI KA AHADA KALMADA XUUN) DUMAARNA WAXA LAGU GURSADA SIDA UU REERKINA YIRI MIID REER DHAQI KARTA IYO ASLUUB> SAMIIR AYUUN BAAN KU ORAAN LAHA MIID WANAGSAN WAAD HELI HADI EBE YIRAHDO

SOOFE>> GARTAA RAGGA WAX GARAADKA AH AYAA LOLA IMAAN JIRAAY? RAGGINA WAA KI WANADA WANAGAN DHIBTA>> INAANKANA HADI AAD WANO WANAGSAN U KORDHINEEN PAGEKA CEYDA UGADA?

NABAD GELYO AKHYARTA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

king

Friday, April 06, 2001 - 04:32 am
canab iyo suhuur
walaalayaal waad ku mahadsan tihiin fahamkiinii iyo taageeradiiba waxaana aan ahay mid run ahaantii idiin mahadnaqaaya.
walaal canab waan sii wadi doonaa dhamaytiri doonaana marka aan waqti u heli dhaqso.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, April 06, 2001 - 05:21 am
KING WAX KAA NAXAAYa CANAB AYAA KA JIRTA WHY? SABABTU WAA DUMAR DUMARNA WAX AANAY WAXBA KA OGEEN
IYO WAXAAN MACONO LAHEEN AYAY ISLA OOHIYAAN SIDA WAXA AAD MEESHA KUSOOQORTAY.AGAIN HADAA AHAAN LAHAYD NIN WAAYO ARAG AH WAXAAS OO KELEETO MEELAHA KUMA SOO QORTEEN-NOOCAAGA OO KELE WAA la YAQAAN WAXAAD ARAGTO ISKA JECLAATAA(CAAHAQ KU DIGAAG-)WAX KASTOO KUGU DHACANA DHIBAATO AYAAD U ARAGTAA.UGU DANBEEN WAQTI BADAN AYAA KUU DHIMAN OOD WAX KU FAHAMTO EE TARTIIB.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SUHUUR

Friday, April 06, 2001 - 06:07 am
ANON>>>> JECEEL DIGAAG!!! ADNA JACEEL XAWAAJI??
WALLE INAANKA WAAD U QURI LADAHAAY JECEELKISE ISKA DAA ILLAHAAY DEEQDISA KAMA HORJOGTIID IYO JECEELKISE EE >>> WACDARAHA ADDUNKANA ANON OO KALE WUU JIRAAY!!

KING>>
WALAAL WAAD MAHADSANTAHAAY AMAANNA KAGAMA BAHNIID RAGGAN ISDALIYE DANTADA KARACO>> JECEELKANA ILLAHAAY HAKULA DOWGALO>>

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

king

Saturday, April 07, 2001 - 07:51 pm
thanks zuhuur!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, April 11, 2001 - 03:45 am
SUHUUR AMA SUXUUR KAALEY ADIGA MAXAA KAA MAQAN OO ISLA OOHINEE-JECEEL AA LOO QURI LA YEHEY IYO WAXA AAD AQRINEESO XAGEE KALA IMAATEY-MISE ADIGANA WAA LAGU HAAYAA-OO WAX KU HAAYA AADAN GARENEYN-WA LGAA TUMAA ISKA SUGO.SU'AAL JACEEL MAXAAD U TAQAAN?QOFKA AAD JECESHEHEY DANTA AAD KA LEEDAHAY MAXEEY TAHAY?-HADAA SU'AASHAA KA SOO JAWAABTO-CREDIT AAN KUGU SIINAA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

king

Wednesday, April 11, 2001 - 08:56 pm
comments to anonymous
i don't need a credit from you bro.keep it for your self....
you need to star from 101,the begining.you have to know what the word love stands for......than you will respect my article.....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SUHUUR

Friday, April 13, 2001 - 12:06 pm
ANON<<<< HAHAHAHAHHAHA WAA LEYHAYA OO WAA LEYSIDATA EE MAXAAD LEDAHAAY ADIGU<<< TAA KALE JECEEL HABA YARATE WAX LAYIRAHDO MAJIRO LAKIIN NAFTA AYAA QOFKALE KA HESHA NAFTA MOYAAN EE NAF KALE DONEEN INEY LA QEYBSATO<<< MIYAAD MAQLIIN NAF KU JECEL ADDUNYADA BAA U WACAAN WAX NOLOOL IYO NABAD LALA WADAGO NIMCO LAGULA WAARE?

MIID AAN JECLADAAYNA MAAN ARKIIN, OO WALI WAXAAN SUUGA KI CILMI BOODHARI OO KALE <<< JECEELNA MA'AMISANI LAKIIN QOFKI JECEEL HAYA WAAN RESPECT KAREEYA<< BIYADU MESHEEY RABTUNBA LAGU NASAAN KARA >>> INTA AYAAN FILAYA INEEY SU'AASHI EHEED

PEACE&LOVE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dr-troubleboy

Friday, April 13, 2001 - 07:35 pm
suhuur
allaylehe baalashaad ka qoysay innanka.

comments to king
sxb ka bacdi markaan akhriyay,runtii waxaan yaqiinsaday inay tahay inay ahayd arinta kugu dhacday inay arin culus tahay sida gabgabadii qoraalkaaga ka muuqatayna runtii waad haleeshay arintii.
dhag how dhigin kuwan aan waxba kala ogayn een garanayn waxa jacayl yahay iyo arimihiisa xaasaasiga ah iyo sida uu dhaawaco qalbiyaalo badan marmarka qaarkood.
jacayl waa qadhaadh ama waa macaan hadba siduu kuuu soo maro.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SUHUUR

Saturday, April 14, 2001 - 09:24 pm
suhuur please girl, this name belongs to me only so dont shame the name. besides i dont believe in love so...!

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.