site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET MAGAZINE ...Archives...

FANKA IYO SUUGAANTA - SHEEKO TAXANE AH: ALLA MA IYADIIBAA ALLA MA ISAGIIBAA?


Qaybtii 2aad

Ahmed oo aad mooddo Sagaaro libaax ka hor booday, ayaa markiiba dhinicii waddada isu rogay ama u jeestay si uu u daawado magaalada.Waxay socdaanba waxa loo soo dhawaaday Dooxii Hargaysa,oo biyo badani ka durdurayaan, saxansaxo udgoona ka ifayso, iyo waliba shimbiro aad u cod macaan ka dul heesayaan, Balanbaaliso qurxoona ku dul haabayaan. 
Magaalada Hargaysa waxa kala bara Doox aad u wayn.Waxaa kale oo ay leedahay xaafado aad u fara badan, dad aad u fara badana way daggan yihiin magaalada.

Xaafadaha ugu waaweyn waxa ka mid ah oo waqtigaas jiray. Guryosamo, Jigjigayar, Iftin, Newhargaysa, Xeroawr iyo qaar aanan halkan ku soo koobi karin.

Waxaa kale oo ay lahayd jid aad u dheer oo isku xira Gabileey ilaa Barbara oo caan ah. waxaa kale oo ay lahayd, Hoteelo kuwii ugu caansanaa waqtigaa sida Baxsane, Oriyantel, Maaweel iyo kuwo kale oo fara badan. 
Waxa uu markiiba Ahmed la yaabay Dooxii iyo guryihii ka soo horjeeday, iyo qaylada magaalada ka soo yeeraysa, Gaariyada hadba dhinac isku waydaaranaya, dadkan hadba dhinac u yaacaya, iyo ummadan wada mashquulsan.
Marba marka ka danbaysa gaarigii wuu soo dhawaanayay,buuquna wuu sii badanayay, carruur, cirroole iyo dhalin yaro.

Waxa uu aad ula yaabay dhul iska bannaan oo carruur isku eryanayso,oo waliba ay wada eryanayaan Bahal yar oo kuusan,markiiba aabihii ayuu Ahmed u soo jeestay isaga oo isku dayaya in uu su?aal waydiiyo waxa uuna yiri.Aabo waxan ay caruurtu eryanayaan waa maxay? Odaygii aabihii ayaa si dagan ugu jawaabay inankiisii oo uu yiri ?aabo waxa la yiraa Kubbad.caruurta iyo dhalinyarada ayaa ku ciyaarta? ayuu aabihii ugu jawaabay.

Ahmed oon wali fahmin jawaabtaa, ayaa iska aamusay ishana ka daawaday isaga oo yaaban.Ahmed waxa uu ka yimid Tuulo lix reer ka kooban oo waliba reerna reer la dagin,reerka ugu dhaw waxa loo lugeeyaa ilaa nus saac.Waxa uuna ku soo koray meel uu kaligii caruur ka joogo. Dadka uu la kulmaa ama uu sheekadooda maqlaa waxay u badan yihiin dad waawayn, inta badan kaligii ayaa isla ciyaari jiray ama is ciyaar siin jiray, haddii uu heesayo kaligii ayaa heesi jiray haddii uu qoslayana waa kaligii.

Waxa dadku iman jireen guriga Ahmed, marka uu aabihii ka soo noqdo magaalada, si dadku u waraystaan waxa magaalada ka socda iyo waxa uu soo arkay ama soo maqlay.
Haddaba Ahmed waxa uu ahaa wiil ku soo koray dad ka waawayn oo qura. Hadalada uu ku hadlaa waa hadallo aad u waa wayn sida uu u dhagaystaana waa sida dadka waawayn, waxa uu waliba ku darsaday dhago nugul,naxariis iyo ixtiraam ,iyo xaq dhowr sida dadka waawayn loo xaq dhowro.
Axmed oo aad u faraxsan ood indhihiisa moodo Abeeso,sagaaro ku margatay,kuna heesaya heesihii miyiga uu ku yiqiinay farxad awgeed ayaa Hargaysa gudaheedii soo galay.Inkastoo qaar rakaabkii ka mid ah ay qaylo la fadhin waayeen ,waxay doonayeen in lagu dajiyo Dooxa agtiisa qaarna Xeroawr,waar halkan nagu daji-waar halkaa-nagu daji-waar sidan ma aha iwm.Hase yeeshee Darawlkii wuu ka diiday oo yiri meel qura ayaan idinku dajin, oon istaagayaa.Waxa qura oon istaagayaa Hotel Oriyantel-ka hortiisa.
Hotelkaas ayaa darawaliinta lacag siiya si uu dadka uu wado halkan ugu dajiyo, si iyagana wax looga cuno xagga cuntada ama hurdada..
Markiiba rakaabkii ayaa alaabohoodii la kala booday, raggii waxay caawiyeen haweenkii oo alaabtoodii la kala guray,sida ay caadadu tahay raggu aad ayay u caawiyaan marka ay arrimahan oo kale tahay. Dumar walbana alaabtoodii ayay tirsadeen iyaga oo faraxsanaa way ka dhaqaajiyeen meesha. Ahmedna markiiba aabihii ayaa soo xambaarsaday isaga oon wali is ogayn halka uu marayo ayaa dhulka la keenay isaga oo sii daawanaya ama eegaya dacalada guryaha iyo jaqafyada guryaha korkooda,iyo dadkan marba dhinac u boodaya,qaar gaari gacan jiidaya oo ku shaqaysanaya, Dumar iyo caruur shaah iyo nac nac yar meel ku iibinaya, tagaasi yar yar oo isku midab ah oo saf loogu jiro,dad soo dagaya ,dad sii dhoofaya ,qaar wax ruugaya,qaar qaylinaya ,ciyaal dhar isku midab ah xiran oo gacmaha wax ku sita,ciyaal kale oo meel ku dagaalamaya ,kana duwan kuwan dharka isku midka ah xiran,siigo aad u fara badan,dhawaaq iyo qaylo yaab leh,cuntooyin kala duwan,inta badana uu waligii arag sida,cambelaf,saytuun,xabxab ama qare, liin macaan iwm.

Haddaba Ahmed oo wali sidii u eegaya oo indhihii dheeraadeen ayuu aabihii ku yiri waar Ahmed aabbo miyaadan i maqlayn maanta oo dhan ayaan kuu yeerayay maxaa ku helay ina mari aan wax yar yara cunee, miyaadan gaajeesnayn, Ahmed oo wali sidii u aamusan ayaa gacanta qabsaday aabihii una kaxeeyay dukaan ka soo horjeeday oo uu lahaa nin ay saaxiib yihiin oo la oran jiray Mulac si ay qorraxda uga yara nastaan biyo qabawna uga cabaan inta aynan waxba cunin. 
Dukaanka waxa yaalay sheeyo ama wax uunan waligii arag Ahmed sida shaamboo, saabuuno kala duwan tuwaalo ama shukumaano, bastoolado ciyaal, nac-nac fara badan oo kala duwan iyo caano niido oo uu ku sawiran yahay wiil yar, cabitaan fara badan oo sawiro qurxoon leh radio yar-yar qaarna ay shidan yihiin oo heeso wanaagsana ka socdaan oo uu waligii maqal.
Haddaba Ahmed isaga oo sidii indhaha u taagaya ayuu maqlay salaan ay isa salaamayaan aabihii iyo odaygii dukaanka lahaa ee Mulac, iyaga oo is leh ? .Asalaamu calaykum Saxiibkay Sulub? iyo ?wacalaykum wasalaam saxiibkeey Mulac? oo soo dhakhsan ogidaa ayuu markiiba Mulac ku yiri Ahmed aabbihii oo la oran jiray Sulub. Markiiba isna hadalkii ayuu ka dhex galay oo uu Sulub ku yiri, ?haa saxiib, waxaa naga yara go?ay Bariiskii iyo Sokortii, waxa kale oo soo dhow sidaad ula socotidba Iidii, waxaan isna soo kaxeeyay inankaygii Ahmed oon doonayo sannadkan in aan dhar u soo iibiyo? ayuu odaygii hadalkii ku soo gabagabeeyay.

Mulac oon Ahmed arkaynin markii hore ayaa yiri, ?maansha-aalaah ma inankaagiiba wiilkan yari??
Sowkan durbaba koray, sow shalay ma ahayn markuu dhalanayay, ayuu odaygii Mulac hadalkii ku sii daray.
Ahmed oon hadalada inta badan dhagta aan u dhigayn oo ku maqan daawashada dukaanka ayaa yara dhoolo cadeeyay isaga oo xishood ka muuqdo wajigiisa, waxaa uuna u dhaqaaqay dhinaci odaygii adeerkiis taagnaa si uu u salaamo. isaga oo haddaba ixtiraam iyo bashaashnimo ka muuqato wajigiisii ayuu yiri ?asalaamu-calaykum adeer?. Odaygii adeerkii ahaa inta uu aad ula yaabay wiilkan yar ixtiraamkiisa ayuu markiiba kor u rujiyay ama u qaaday si uu uga bi?iyo khajilaada, kuna yiri ?kaalay adeer aan biyo qabaw talaagada idinkaga soo saaree?.

Si kastaba arrintu ha ahaatee biyohoodii qaboobaa ayay iska cabeen, Ahmedna aad ayuu uga helay biyihii macaanaa ,odayaashiina meeshii ayay ku kaftameen ,iyaga oo isa sii maca salaameeynaya ayuu odaygii Mulac yiri ?nasoo mara ciidda haddii aad joogtaan si aad noola qadaysaan? isaga oo hadalkii sii wada ayuu haddana yiri ?oo waliba caruurtu ha is bartaane?.
Ahmed oo markii caruurta uu maqlay aad u farxay oo yiri ?aabbo noo gee aan la cayaaree? waxa ku kalifay in uu sidaas u soo boodana isaga oon ku soo dhex korin caruurta uu la cayaarayna ay aad u tirsanayd ayuu wuxuu xiisaynayay bal carruuta magaalada dagani sida ay u ciyaaraan.
Odaygii Ahmed aabbihii ee Sulub ayaa markiiba hadalkii la wareegay oo yiri in kastoo waqtigu iska yar yahay haddana waa iman doonaa ,waana wax loo baahan yahay in caruurtu isbartaan, khayrna waan isku ognahay ee waanu sii socon doonaa ee nabaday. Mulac oo isna markiiba ay soo galeen dad dukaanka wax ka iibsanayay ayaa yiri nabaday saaxiib waanan idin sugayaa hadduu Alla yiraa.
Ahmed iyo aabbihii markiiba way ka soo dhaqaajiyeen dukaankii iyaga oo u soo dhaqaaqay xaggii maqaayad uu marmar fadhiisto marka uu magaalada Hargaysa yimaado, aadna looga yaqaan isna uu jecel yahay oo uu ka cuno Beer si fiican loo shiilay oo aad u macaan.
Intay dhexda ku soo socdeen Ahmed iyo aabihii , ayuu odaygii wiilkiisii ku yiri ?waxaan arkaa in aad si aad u jeceshahay carruurta in aad la ciyaarto, lana soco caruurtan iyo caruurtii miyigu way kala duwan yihiin, ee aabbo ha la ciyaarin caruur walba?. Ahmed oo isna aabihii aad u dhagaystay ayaa ku jawaabay ?haye aabbo lama ciyaarayo caruur walba ee waxan la cayaarayaa kuwa wanaagsan?. Odaygii ayaa markiiba haddana waxa uu u sheegay Ahmed in marka ay qadeeyaan ay tagi doonaan xaafadii abtigii si uu u soo arko abtigii oo uunan baryahan arag inkasta oo uu maqlay in Ahmed abtigii uu dhoofitaan hadal hayay xagga Jabuuti isaga iyo reerkiisii.
Haddaba si kastaba ha ahaatee isagoo sheekadii sidii u wada ayay waxay soo gaareen makhaayadii.
Makhaayadu waxay lahayd laba albaab. mid xagga hore laga soo galo oo aad u buuq badnayd dad aad u kala duwanina fadhiyaan, waxay lahayd ilaa shan iyo labaatan kursi oo dhamaantood la fadhiyay maadaamaa ay xilligii qadada ahayd. Dadkuna waxay u kala baxsanaayeen qaar isla cunaya iyo qaar gooni gooni wax u cunaya ,dhamaantoodna gacmaha ayay wax ku cunayeen, iyaga oo faraxsan qoslaya qaylinaya ayay intooda badani wax cunayeen.

Markiiba Ahmed iyo Aabihii waxay u gudbeen albaabkii kale ood moodo in uu ka nadiifsanaa kii hore kana buuq yar yahay, waxayna u badnaayeen dadka fadhiyay Rag iyo Dumar oo sidoo kale qaar isla cunayay qaarna gooni gooni wax u cunayay.
Ahmed oo aad u yaaban waligiina arag Rag iyo Dumar wax isla cunaya ayaa aabihii uu gacanta si fiican u qabsaday,odaygii ayaa isla markii isna waxa uu helay kuraas madhan oon cidina fadhin kaddibna si dhaqsa ah waxa ay ugu fadhiisteen kuraastii..
Ahmed aabbihii ayaa ku yiri wiilkiisii aabo gacmaha ayaan soo maydhanaaye noo sii ilaali kursigan oo cidii ku waydiisa waxa tiraahdaa waa la fadhiyaa, aniguna aan sii saaro cumaamadane. Ahmed oo ka yara baqaya fadhiga kaligii ayuu aabihii ugu jawaabay haye aabbo. Intii uu odaygu ku maqnaa gacmo maydhashada ayuu Ahmed isku dayay in uu hareerihiisa ama geesihiisa eego bal dadka fadhiya, waxa uu markiiba u jeestay dhiniciisa midig isaga oo iska dhigaya si qof wax kale eegaya ayuu markiiba waxa uu arkay laba Nin iyo laba Dumar ah, isla markii wuu ka soo jeestay, haddana waxa uu isku dayay in uu dhinicii kale u jeesto, yaab! waxa uu ku arkay dad uu waligii arag, oo ka duwan dadkii uu yaqaanay, lana mid ahayn dadkii Soomaalida ahaa, waxa uu la yaabay jirkooda, indhahooda iyo timahooda.
Waxa uu isku dayay in uu ka soo jeesto ,hasa ahaatee, Ahmed wuu ka jeesan kari waayay oo waxa uu u eegayay si uunan waligii wax u eegin, jirkoodan cad, timahoodan cad, indhahan midabka kale leh iyo iyagoo si kale wax u cunaya, fandhaal?.
Haddaba Ahmed isaga oo sidii u eegaya nimankii caddaa, ayaa aabihii ka soo noqday suuligii ama musqushii ,kuna yiri Ahmed oradoo aabbo adna soo faraxalo ,si aanu wax u cuno.
Lakiin Ahmed marnaba ma maqlayn ama ma arkayn goorta uu odaygii soo noqday.
Mar labaad ayuu odaygii ku celiyay. ?Aabbo,miyaadan i maqlayn adiga ayaan kula hadlayaa oradoo soo faraxalo?. Ahmed oo hadalkii ku sasay ayaa markiiba booday isaga oo hadalna ku sii daraya, aabbo waan ka xumahay kuma maqlayn waxan eegayay dadkan cad cad ama sida kale u eg.Odaygii oo markiiba fahmay boodida wiilkiisii yaraa gartayna in uunan horay u arag Gaaladan cad cad, ayaa ku yiri wiilkiisii ,aabo hadhow ayaan kaaga sheekayn doonaa ee oradoo soo faraxalo.
Isla markiiba Ahmed wuu soo faraxashay kuna soo noqday kursigiisii isaga oo dhinacna ka eegaya nimankii ayaa aabihii ku yiri aabo maxaad cunaysaa? odaygii oon hadalkii kala jarin ayaa yiri anigu Beer ayaan cunayaa waxayna hayaan beer macaan, ee adigu maxaad cunaysaa?.

Waa socota