site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET MAGAZINE ...Archives...

ARRIMAHA BULSHADA - SOOMAALIYEY ISFAQUUQU XAQ MA AHAN!

Qof ayaa loogu yeeray: Geesi, Dirac, Doqon, Jaahil. Bal jawaab ka bixi qofkii intaa o dhan laga daayay oo wax ka daran loogu yeeray, maxey tahay waxa loogu yeeray? Waan heli doonaa jawaabtaa.Maalin ayaan ka qayb galnay wax loogu yeeray Xaflad taas oo loogu yeeray dhammaan dadka oo dhan gaar ahaan Soomalida. Gabdho qurux Soomaliyeed ka muuqato ayaa soo camiray goobtii. Isha ayaan la raac-raacay Dadkii goobta iskugu yimid, waxaase ishaydu qabatay Nin madow oo aanan dhiniciisa sii fiirin oo aan is waydiinayo yaa la socda? Indhahayga waan ka daystay illeen dhul Soomliyeed ma joognee, waxaana meeshii laga bilaabay in laga dhawaajiyo Music taasoo dadka qaarkii ku abuurtay inay istaagaan oo is ruxaan hadba dhan isku qaadaan. La yaabkaygii waxaa mar kale indhuhu layaab ku arkeen Ninkii madowga ahaa oo Qalanjo Soomaali dhexda ku dhaggan oo hadba dhan la isku riixayo.?

Xoogaa waan iska qiirooday anoo ka xun Gabadha Soomaaliyeed oo dhexda ku dhagan Ajnabi. Aniga oo isla hadlaya ayaan waxaan arkay gabar dhoollo- caddaynaysa isla markaana labadooda fiirinaysa, waxaan u gartay inay labadoodaba garanayso. Gabadhii fiirsnaysay ayaan xaggeeda u soo siqay waxaana wax ka waydiiyay Gabadha iyo ninka. Gabadha ayaa waxay igula soo booday \"waa Jamaican, magaciisana waa John Fidel...ayana waa heblaayo.\" Wayna iga sii jeesatay. Daqiiqado badan ayaa ka soo waregtay qof kastana waxaa ka muuqday caajis. Qofkasta waxa uu fiirinayay gabadha ninka ku lammaansan, waxaa hubaal ah inaysan qurux uu leeyahay ku raacin, qofkastaa uu saluugsan yahay. Waxaan gees isla istaagnay Wiil aanan horay isku aqoon waxaan is waydaarsanay nabadeyn intas kaddib ayuu yiri: \"wallee dhul shisheeye khayr lagama keenin, maxaad u malaynaysaa sannado badan kaddib.\" Waxaaan ku iri oon dareen siiyay in Soomalidu dhaqan wanaagsan lahayd Diintana ay ku ad-adagtahay balse dhaqanka shisheeyuhu baddaley. Waxaan isla sii wadno hadalka waxa uu u biyo shubtay inuu dhaleeceeyo hab-dhaqanka Soomaalida. Xoogaa waxaan is iri ninku malaha asba waa dhaqan doorsoomay muxuu xumaan ugu sheegayaa soomaalida oo dhan walba muu qaar ka sooco. Meel dhow ayuu iga tusay sida soomalidu dhaqanka xun u haysato oo dhexdooda xuquuqda aadanaha ugu tuntaan . Sheeko ayuu ii bilaabay wuxuuna yiri: aniga iyo ninkaa Gabadha Soomaaliyeed dhexda ku dhaganayd yaa qurux badan, yaa midab qurxoon, yaa diin wanaagsan? Maxaa iskaga dan ah ayaan la dhoolla cadeeyay aniga oo tusinaya inuu ka qiimo badan yahay Gaalkaa Sanka weyn ee timihiisa aan shanlayn karin. Wuxuu yiri wiilkii Soomaaliga ahaa haddii maanta aan lacag ula tago gabadhaa ciddeeda waajib kasta oo la iiga baahan yahayna aan guto lagama yaabo inay i siiyaan gabadhooda, waxay ka jeclaysan lahayeen Gaalkaa oo xitaa ay lacag ugu dari lahaayeen. Aniga oo Soomali ah gar uma yeelanayo inaan gabadhaa doonto haddii aysan anoo kale ahayn, dhaqanka foosha xun ayaa diin u ah ayuu ku soo gaba gabeeyay hadlkiisii.

?Waan gartay meesha Dulucda hadalka uu ula jeedo waana ku garsiiyay anoo soo xusuustay arrimo badan oo u jeedadiisa la xiriira. Waxa uu I dareensiiyay xaqiraad lagu hayo mujtamac dhan oo Soomaliyeed oo xubin muhiim ah ka ah Soomaali weyn. Waxaa dhab ah in loogu yeero Bulshadaas hadallo aan la qori karin taas oo leh ula jeeddo fog oo ka soo hayaantay awoowayaasheenii noolaa qarniyo ka hor. Maxay tahay macnaha ka dambeeya in Dad loogu yeero: Midgaan, Yaxar, kabo-tole, Tumaal, Gabooye? Iyo waxyaabo kale oo aan la soo koobi karin oo bulshada dhexdeeda ka ah wax caadi ah oo nolol maalmeedka ka mid ah. Sannado ka hor ayaa laanta Afka Soomaaliga BBC waxay soo agaasintay barnamij ay ugu magac dartay \"QUURSIGU QIIL MA LEEYAHAY\" Barnamijkaa waxa uu ku saabsanaa sidee wax looga qaban karaa caado-dhaqameedka xadgudubka ah. Fikrado badan kaddib dhageyste ayaa yiri: ?waxaan dhihi lahaa haddii la rabo inay caadadaa guurto waa in Dadka ka soo shaqeeyay barnaamijkan ay guursadaan Gabdho ka soo jeeda Dadkaa laga hadlayo haddii kale waxa aad sheegaysaan run idinkama aha?. Waa fikrad aad u wanaagsan waase haddii dadku daacad isku yihiin mid weyn iyo mid yarba, Aqoonyahan iyo Jaahil, Caaqil iyo Maangaab, Taajir iyo Faqiir. Waxaan xusuustaa goor aan saaxiibkay sheekeysanay, waxa uu ka hadlay sida ay arrintan meel fog u gaartay oo xitaa dhaqaale aan lagu baddali karin \"maanta haddii Ra\'isul wasaaraha soomaaliya (maamulkii Siyaad barre) uu gabadhiisa siiyo ninka guriga u dhaqa ma ka aqbalayo\" ayuu sharaxay asaga oo aad uga xun dadka la xaqiro \"waxuuna isa saarayaa meel fog, asaga oo xaqiraya ninkaa magaca ku dhex leh Bulshada\" ayuu sii raaciyay.?

Waxaan kale oo goob joog u ahaa Gabar lagu magacabo Jamila ( ma ahan magaceeda runta ah) oo aad u qurux badan ayaa waxa aad ula dhacay wiil markaa ahaa dadka lacagta helay xilligii waddanku dhibaatada ku jiray. Waxay asaga iyo Jamila go\'aan ku gaareen inay is guursadaan muddo ayayna go\'aansadeen. Wax la sii tababushaystaba waxaa yimid xilligii lagu ballansanaa Arooska si farxad ku jirto ayaana arooskii ku dhacay, qosol iyo rayn rayn ayuu ku dhamaaday arooskii. Jamiilo waa gabar Alle qurux u dhameeyay inta hablaha laga doono ayaa u dhamaystiran, waxaa loo dheereysiiyay haybad iyo farxad nin arkana ma deynayo.

Ayaamo kadib ayaa Caruuskii waxaa u yimid wax uu u arkay \"bad news\" ama war naxdin leh, si tiiraanyo ku jirto ayuu u luuday waxa uu gaaray gurigiisii farxadda iyo wanaagga ay ku wada joogeen isaga iyo Jamiila. Waxaa uu ku bilaabay markii uu guriga soo galay afxumo isaga oo u sii raaciyay Furriin aysan mudan, waxa uu ku yiri ?waxaad tahay Midgaan waadna I sirtay iiga bax gurigayga waxaad iskugu kay sheegtay reer hebel? . Halkaas waxaa ku dhamaaday farxaddii Jamiila ay muddada kooban ku soo jirtay ayada oo haminaysay inay guul gaarto, nasiib darro waxaa calaf u noqday nin aan xilkas ahayn. Gayru mas\'uulkaas waxa garab siiyay caado dhaqameedka soo jireenka ah ee nala ku soo abaabiyay muddooyinka. Sheeko ku tiri-kuteen ah ayaa sheegaysa in xaqiraadaan ka soo bilabatay xilli aad u fog oo Soomaalidu ahayd faro ku tiris, waxaa la sheegaa in ayada oo safar la yahay ay wada socdaan Niman walaalo ah kaddibna ay gaajo aad u daran qabatay, si lagu badbaado ayaa waxaa loo yimid neef baqtiyay waxaana go\'aan lagu gaaray in la cuno, waa la cunay markii laga dhargayna waa laga tagay safarkii ayaa la sii watay waxaase walaalahii mid ka mid ah soo qaatay cad ka mid ah neefkii la soo cunay si uu gaajada uga hortago. Markii la cid tagay oo reerihii loo tagay ayaa la sheegay arrinta sida ay u dhacday oo mid ayaga ka mid ahi uu soo qaatay baqti. go\'aan adag ayaa lagu gaaray in la faquuqo ninkii soo xambaarsaday baqtiga waxna aan lagu darsan. Sidaas ayay ku soo bilaabatay dhaqan xumada soomaali aafaysay. Kutiri-kuteen kale ayaa oranaysa markii cidihii loo yimid ayaa qof kastaa is matajiyay laakiin mid ka mid ah uusan is matajin. Sidaas ayaa isirkaas lagu xaqiray xuquuqda ay ku leeyihiin bulshada. Waxaa haboon si arrimahaan loo baabi\'yo in dadka aqoonta leh ama bulshada dhexdeeda caanka ka ahi ay horseedaan isdhexgal bulsho aananna loo fiirin meesha uu ka soo jeedo. Haddii odayaasha dhaqameedyada qabaa\'ilku dhiirri- galiyaan beelaha la xaqirayo oo ay ka guursadaan ayagana laga guursado waxaa hubaal ah in muddo aan dheereyn caadadan hari lahayd.?
WA BILLAAHI TOWFIIQ
libanafrah@hotmail.com