site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET MAGAZINE ...Archives...

TAARIIKHDA - DAGAALKII 1977 (QAYBTII 2AAD)

Bilowgii bishii juun 1977 kii ayaa madaxweyne Jimmy Carter dhambaal sir ah u soo diray madaxweyne Maxamed siyaad.Carter wuxuu dham balkiisaas ku leeyahay \"arrinta ogaadenya waa howl aanan i khuseyn, haddiise aad ka harto dhulka aad ku sheeganeyso Kenya iyo Jabuuti, waxaan isku deyayaa in aan daboolo baahidaada difaac\".

Ayaamo kaddib, danjirihii Soomaaliya u fadhiyey magaalada Washington Axmad Caddow ayuu Carter u sheegay in dowladdiisu ay dhiirri-gelineyso dowladaha saaxiibada la ah si ay Soomaaliya uga kaalmeeyaan xagga difaaca.
Danjire Axmad Caddow wuxuu gaarsiiyey madaxweynihii Mareykanka J.Carter dhambaal ka yimid madaxweynihii Soomaaliya Maxamed Siyaad. Dhambaalku wuxuu xambaarsanaa farriin uu madaxweyne Siyaad ku sheegayo in uu doonayo in uu ka baxo dagaalka uu Itoobiya ku qaadey. 17-6-1977 kii ayuu madaxweyne Carter la kulmey danjirihii Soomaalida Caddow, Danjire Caddow wuxuu madaxweynaha u gudbiyey dhambaalkan degdegga ah (urgent massage), taasoo uu madaxweyne Siyaad ku eedeynayo dowladda Itoobiya oo ay la socdaan ciidamo Ruush ah in ay doonayaan in ay ku soo duulaan Soomaaliya. Hey?adda wardoonka ee Mareykanka C.I.A. waxey madaxweyne Carter u sheegeen in warkaasi uu been yahay, xaqiiqaduna ay tahay in Soomaalidu ay iyagu dagaalka wadaan. Carter markii uu warar sugan helay, jawaabtii uu Soomaaliya u soo celiyey waxey aheyd in haddii Soomaaliya la soo weeraro ay Mareykanka ka heli doonto kaalmo ah hub ay isku difaacdo. Cabsida uu madaxweyne Siyaad soo sheegay, Carter wax qiimo ah uma uusan yeelin. Nin la yiraahdo Paul B. Henze oo sheekadan wax ka tilmaamey, wuxuu qorey in mowqifka madaxweynaha Mareykanka J. Carter uusan aheyn qaabka uu danjire Caddow ugu sheegay madaxweynaha Soomaaliya M. S. Barre. Si kastaba arrinku ha ahaatee, waxaa muuqata in waxa Maxamad Siyaad kadiyey ay ka mid aheyd isaga oo is tusiyey in uu ka faa?iideysto Carter oo loo arkey shakhsi daciif ah.


Waxaa kale oo ballan qaad ku saabsan taageero xagga hubka
ay Soomaaliya ka heshey dowladaha Masar, Iiraan iyo Bakistaan. Ballan qaadka dowladda Mareykanka waxaa warbixin kooban ka sheegay wargeyska la yiraahdo(Newsweek) ee soo baxay 26-kii sebtember 1977-kii. Wargeysku wuxuu soo qorey Mareykanku markuu ballan qaadka siinayey Soomaaliya, xogheynta arrimaha dibadda ayaa waxey Maxamad Siyaad u dirtey nin takhtarkiisii gaarka ahaan jirey oo la yiraahdo Kevin Cahill oo ah nin Mareykan ah. Dhambaalka uu sidey wuxuu ahaa in dowladda Mareykanka aysan hadda kaddib ka soo horjeedin dagaalka jabhadaha Soomaaliyeed ay ka wadaan gobolka Ogaadeenya, haddana waxaannu diyaar u nahay inaannu soo dhoweyno baahida difaac oo ay Soomaalidu u baahan yihiin. taasna waxaannu wax ka qabaneynaa haddii ay Soomaaliya ka harto sheegashada Jabuuti iyo waqooyiga Kenya (N.F.D.).

Arrintaas oo aheyd dhambaal caddaan ah oo muujineysa is garab istaaga dhaqdhaqaaqa ka bilowdey Ogaadeenya ayaa waxaa la oran karaa waa midda ugu weyn ee hoddey madaxdii soomaaliyeed iyo madaxweynahoodii. Sidaas baana dowladdii Soomaaliyeed ayan uga shakin in ay Itoobiya ku duusho iyada oo ku tashaneysa kaalmada Mareykanka, Sacuudiga iyo dowlado kale oo la xerada ah. Soomaalidu waa ay ku tala galeen in kaalmada Ruushku ay istaagi karto, laakiin waxaa is tusiyey in ay hayaan xooggii buuxin lahaa meesha banaanaata.


XAALADDA ITOOBYA?

Dhanka Itoobiya xilligaas waxaa mira dhaley dhaqdhaqaaq ay
ardeyda Itoobiyaanka ah dibadda dalkooda ka wadeen. Sannadihii 1960-aadkii iyo bilowgii 1970-aadkii waxaa Yurub iyo Mareykanka ka jirey urur ay lahaayeen ardeyda Itoobiyaanka ah oo aad u xoog badnaa, dhammaan ardeyda Itoobiya oo dibadda joogteyna wexey ka?ahaayeen xubno. Aragtida ay ardeydaasi qabeen wexey aheyd aragtida hantiwadaagga cilmiga ee Maarkisiyada ah. Ardadaasi markii ay Itoobiya ku noqdeen si xoog ah bey u saameeyeen ardadii gudaha ku jirtey dareenkoodii siyaasadeed. Mushkiladda ay ardeydu tabanayeen waxey aheyd in Eriteriya xal loo helo iyo in lahaanshaha dhulka la xadeeyo. Waxaa jirey saraakiil badan oo ciidammada ka shaqeynayey oo ardeyda la qabey aragtida ah in la qarameeyo hantida dalka,Itoobiyana lagu dhaqo mabaadiida Hantiwadaagga ah. Arrin xusid mudan baa wexey tahay in xilligaas ay dhulka beeraha ku wanaagsan ee Itoobiya ay lahaayeen dad tiro yar oo hanti-goosi ah, dadweynahana ay baahi u bakhtiinayeen. Dhaqdhaqaaqaasi wuxuu sababey kacdoonkii socdey dhowrkii bilood ee ugu horreeyey sannadkii 1974-kii, kaas oo ay ka qeyb qaateen ardeydii, macallimiintii, shaqaalihii, darawaliintii tagaasida oo batrool la?aantu saameysey, wadaaddadii muslinka ahaa oo cadaadiska lagu hayey. Markii uu maamulkii boqortooyada wax ka qaban waayey kacdoonkii, boqorku wuxuu casiley ra?iisul wasaarihii dalka Aklilu Habte Wolde, waxaa jagadii loo magacaabey nin la yiraahdo Endalkatchew Makonnen. Markii uu kacdoonkii joogsan waayey ayaa ciidammadii ay siyaasaddii faraha la soo galeen.

28-6-1974-kii, ciidammadu waxey dhiseen gole saraakiil ah oo ay ku magacaabeen Coordinating Committee (Golaha xiriirinta). Golahaasi wuxuu isu taagey in uu muujiyo maslaxadda ciidameed oo ah in uu dalku helo xasillooni siyaasadeed. Goluhu wuxuu ka kala yimid qeybaha ciidammada qalabka sida oo ay Itoobiya laheyd, wuxuuna ka koobnaa 108 sarkaal. Badankoodu waxey ahaayeen saraakiil yaryar oo waxa ay daneynayeen eeyan dhaafsiisneyn mushaharka oo loo kordhiyo. Inkasta oo dadweynuhu ay ku khasbayeen in goluhu uu qaado tallaabo siyaasadeed oo degdeg ah, taas oo ay kula wareegaan maamulka dalka, misana saraakiishu bilowgii si dahsoon bey afgembigoodii u wadeen, iyaga oo raggii maamulka hayey midba mar ka takhallusaya, fadhiyo iyo doodo qarsoonna waxey la galaan guddiyadii hoggaaminayey dadweynihii kacdoomey. Goluhu wuxuu wakhti dambe la baxay Dergo oo macnaheedu yahay Gole.

28-8-1974-kii waxaa la soo saarey hal ku dheggii golaha oo ah (Itopia Tikdem) oo ay macnaheedu tahay Itoobiya ayaa horreysa. Golihii waxaa ka hoos abuurmey guddi hoosaad oo ay shaqadiisu tahay in uu soo qabto oo xabsiyada dhigo wasiiradii iyo siyaasiyiintii maamulka boqortooyada. Guddi hoosaadkaas waxaa ka mid ahaa :
Gaashaanle Mengiste Xeyle Mariam oo madaxweyne noqon doona .?
Gaashaanle Berhanu Bayeh safxadda 15 .
Gaashaanle Kiros Alemayehu oo wakhti dambe inta la xirey xabsiga isku diley .
Gaashaanle Daniel Asfaw oo aanan golaha ka mid aheyn, lase shaqeeyey, waa la toogtey .?
Gaashaanle Sisay Habte aqoonyahan sarkaal ciidanka cirka ka tirsan, waa la toogtey .
Laba Xiddigle Sileshi Beyene waxaa lagu diley amar uu bixiyey Mingiste.?
Laba Xiddigle Bewketu Kassa waxaa isna lagu diley amar uu Mingiste bixiyey.
Dhamme Miikail Gebrenegus oo markii dambe intuu baxsadey ku biirey urukii ka dagaallamyey Eriteriya sannadkii 1975-kii .

Guud ahaan, saraakiisha Itoobiya ee dhaqdhaqaaqa waddey, waxaa ku dhex jirey khilaafaad ku saleysan meelihii kala duwanaa oo ay tacliinta milleteri ku soo qaateen. Ragga wax ku soo bartey kulliyadaha reer galbeedka waxey ahaayeen rag akaadeemik ah oo ay tacliintooda ciidameed ay sarreysey. Qolo kale oo kulliyadihii dalka gudihiisa ahaa bey ka baxeen, tacliintooda waa ay hooseysay, waana ay dareensanaayeen in laga tayo wanaagsan yahay. Qolo kale ayaa jirtey oo ahaa ciidamada cirka iyo kuwa badda oo iyagu aaminsanaa in ay yihiin kuwa ugu tacliin wanaagsan ciidammada dalka. Sida la ogsoon yahayna Itoobiya waa dal laga aaminsan yahay kala sarreynta dadka ee maaddiga ah.

7-dii iyo 8-dii bishii sebtember sannadkii 1974-kii, fadhi ay guddi hoosaadkii qaateen, ayey isku tusiyeen in wax ka hor imaad ah uusan jireynin haddii uu goluhu boqorka kala wareego talada dalka. 10-kii sebtember guddigu wuxuu guddoonsadey in ay talada dalka la wareegaan. Iyaga oo doonaya in ay sii kororto colaadda uu shacabka u qabo boqorka iyo nadaamkiisa bey waxey adeegsadeen filim dokumenteer ah oo uu duubey nin la yiraahdo Jonathan Dimbelby?s oo ku saabsan abaarihii xilligaas Itoobiya ka jirey iyo rafaadkii ka muuqdey nolosha dadkii reer miyiga ahaa. Abaartaas waa abaartii ay Soomaalidu u tiqiin Daba Dheer. Guddigu wuxuu adeegsadey telefishinkii dalka oo uu ka sii daayey barnaamijkaas oo horey inta loo duubey la qarinayey. Waxaa kale oo telefishanka laga sii daayey filin ku saabsan nolosha boqorka iyo dadka ag jooga. Waxaa ka mid ahaa waxyaabihii dadweynaha loo soo bandhigey, boqorka oo eeyadiisii hilib ku siinaya suxuun qalin ka sameysan. Xilligaas magaalooyinka Itoobiya waxaa telefishan ka lahaa caasimadda oo keliya. Dadweynihii caasimadda ku noolaa oo filimkaas daawadey waxey diyaar u noqdeen in ay soo dhoweeyaan aragti walba oo nadaam-ka boqortooyada afgembiyeysa.

12-9-1974-kii ciidamadii waxey xireen boqorkii iyo
wasiiradiisii, golihiina waxey u fariisteen in ay iska doortaan nin
hoggaamiye ah. Waxaa la soo bandhigey in guddoomiye loo doorto Gaashaanle Atnafu Abate. Golihii waa ay ku qeybsameen, waayo qolo kale ayaa waxey wateen in goluhu uu oday ka noqdo Mengiste, waayo nin amxaar ah ma ahan, wuxuu ka dhashey qowmiyadihii boqorku lahaa ee cadaadiska lagu hayey, iyagoo doonayey iney jebiyaan dhaqankii maanoboolka ahaa oo ay Xabashidu ku heysatey dadyowga ay isku degaanka yihiin. Si khilaafka u yaraado ayaa golihii waxey guddoonsadeen in ay labadii sarkaal ka leexdaan oo ay doorteen Jeneraal Ammaan Maikal Andom taliyihii qeybta saddexaad ee ciidammada Itoobiya.

Markii Ammaan la doortey Mengiste ma uusan fariisan ee hoostaas buu wuxuu ka wadey dhaqdhaqaaq uu ku curyaaminayo golaha iyo saraakiisha xubnaha ka ah isaga oo uu wadey damac ah in uu isaga ka odayeeyo dalka. Jeneraal Ammaan oo in muddo ah u soo khidmeynayey ciidamada Itoobiya,wuxuu ahaa nin aqoonyahan ah, dadweynaha reer Itoobiyana sumcad wanaagsan ku leh. Jananku wuxuu muujiyey in uu doonayo in uu arrinta Eriteriya ku xalliyo si nabad ah. Mengiste, aroornimadii ay taariikhdu aheyd 23-11-1974-kii wuxuu ku kallahay guriga jeneraal Ammaan, isaga oo kala doodaya aragtiyaal uu qabey. Isla maalintaas ayuu Mengiste wuxuu amrey in jeneraalka lagu xabbiso gurigiisa, waxaa kale oo uu xabsiyada u taxaabey 22 ka mid ahaa saraakiishii dalka oo uu ku dareensanaa in eeyan raalli uga noqoneynin inuu xukunka maroorsado. Jeneraal Ammaan xabsiga ayuu isku diley.

24-11-1974-kii, Mengiste wuxuu laayey saraakiil badan oo uu ku eedeeyey in ay ka soo hor jeedaan kacaanka Itoobiya. Waxaa kale oo
xilligaas la diley 59 qof oo ka tirsanaa eheladii boqorka iyo saraakiishii ilaalineysay. Waxaa la xirey nin kasta oo magac ku lahaa maamulkii boqortooyada. Dalkiina waxaa u bilaabatey taariikh cusub oo dil iyo argagixiso ah, taas oo ka duwan tii uu dilkii iyo argagixisadii maamulkii boqorka. Kacaankii ku bilowdey hal ku dhegyadii ahaa (dhiig la?aan dhiig la?aan) wuxuu isu beddeley kacaan dooxato ah. Sidaas baa waxaa ku dhalan rogmey dabeecaddii ay ku dhismeen golihii ciidamada oo ujeeddadoodu aheyd in ay dalka ka badbaadiyaan dhibaatooyinka uu ku sugnaa, si nabadeyn ahna ay xal ugu raadiyaan.

20-12-1974-kii ayuu golihii wuxuu guddoonsadey in uu ku baaqo bayaankii ahaa in ay dalka ku dhaqayaan nadaamka Hantiwadaagga cilmiga ee Maarkisiyada-Liininiyada ah.

Jeneraal Tafari Banti ayuu ahaa guddoomiyihii golaha ee ka dambeeyey
Jeneraal Ammaan, waxaa dhanka dadweynaha uga magac weynaa Mengiste, waayo Mengiste wuxuu ahaa nin firfircoon oo geesi ah. Kartidiisa iyo dadaalka uu halgankan u galey baa waxey keentey in uu Mengiste noqdey nin calaamad u ah halgankii ardeyda. Ardaydu bannaanbaxyadooda waxey ku dhawaaqayeen (Viva Mengiste). Mengiste wuxuu xilligaan golaha ka ahaa ku xigeen. 3-2-1976-kii ayaa fadhi uu taliskii goluhu ku lahaa aqalka la yiraahdo Menilik ayaa Mengiste iyo intii raacsaneyd si kedis ah fadhigii uga kaceen dabadeedna ay dibadda u baxeen. Waxaa xigey ciidammadii Mengiste waardiyaha u ahaa ayaa hubkoodii la soo galey qolkii ay saraakiishu fadhiyeen, dabadeed halkaas ayaa lagu laayey dhammaan saraakiishii xubnaha ka ahaa golahii badbaadada Itoobiya. Ciidammada wax laayey waxaa hoggaaminayey sarkaal dhallinyar oo la yiraahdo Daniel Asfaw. Saraakiisha la laayey waxaa kamid ahaa guddoomiyihii golaha badbaadada Itoobiya Jeneraal Tafari Banti. Maalintaas maalinkii xigey ayaa Daniel Asfaw waxaa weerarey ciidan raacsanaa Jeneraal Tafari, markuu arkey in uusan baxsaneynin ayuu qorigiisii isku diley. Sidaas buu Mengiste ku noqdey guddoomiyihii u soo harey madaxtinimada golihii saraakiisha ee badbaadinayey Itoobiya.

4-2-1976-kii ayuu golihii ku dhawaaqey in gaashaanle dhexe Mengisto Xeyle Mariam uu yahay madaxa siyaasadda Itoobiya. Andrei Ivanov oo ah nin Ruush ah diraasaadna ku sameeyey dagaalkii 1977-kii dhexmarey Soomaaliya iyo Itoobiya, wuxuu xusey in boqor Xeyle Salaisse oo nool ay dowladda Ruushka u sheegtey in ay la rabaan Mengiste in uu madaxweyne ka noqdo dalka Itoobiya. Andrei Ivanov wuxuu yiri : Waxaa isweydiin leh, Maxamad Siyaad hadduu sidaas u ogaa, muxuu Mengiste dagaal ugu qaadey.

Dowladihii hantiwadaagga ahaa waxey bilaabeen in ay xiriir
diblomaasiyadeed oo adag ay la yeeshaan dowladdii ka curatey Itoobiya, si ay uga qeyb qaataan mashruuca siyaasadeed ee lagu hantiwadaageeynayo dowladda Mengiste. Dalkii la?oran jirey Jarmalka-bari ayaa u soo direy wafdigii ugu horeeyey ee Addis-ababa yimaada, socdaalkaasna wuxuu dhacay dhowr toddobaad kaddib markii uu Mengsite la wareegey taladii dalka Itoobiya. Wafdiga Jarmalka waxaa hoggaaminayey wasiirkii arrimaha amniga, kaas oo ka mid ahaa guddigii siyaasadda ee xisbigii u talinayey dalkaas, magaciisana waxaa la?oran jirey Walter Lamberz. Wafdigu fadhi ay la qaateen Col. Mengiste, wexey ku heshiiyeen in Itoobiya ay u soo diraan wafdi ka socda golaha dhexe ee xisbiga shuuciga ah ee ka taliya Jarmalka-bari, si ay Mengiste ugala taliyaan sidii uu u dhisi lahaa xisbi hantiwadaag ah oo Itoobiya ka taliya. Wafdigaas lagu ballamey oo markii uu yimid Itoobiya sagaal bilood ku sugnaa ayaa wuxuu markhaati ka yahay sida ay dowladaha Hantiwadaagga ah ay u sugayeen xukunka Mengiste.

La soco cadadyada dambe iyo xaaladdii soomaaliya waqtigaasi.