site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET MAGAZINE ...Archives...

DHAQANKA

Wadaaddada ayaa iyaguna ka mid ahaa dabaqadaha Bir ma-geydada ee karaamada ku lahaa bulshada xoolo dhaqatada ah ee Soomaaliyeed. Wadaadku wuxuu ahaa nin matalayey mabaadi?da aasaaska u ah caqiidada bulshada ee diinta Islaamka ah. Tiro ahaan, wadaaddadu kuma ayan badnayn bulshada reer miyiga ah, qiyaastii 1000-kii qof ayaa waxaa laga heli karey shan wadaad. Inkasta oo ay yarayd aqoonta wadaaddadii la noolaa xoolo dhaqatada, misana reer miyigu waxay marti uga ahaayeen xoogaaga axkaamta ah oo ay yiqiineen. Dadka reer guuraaga ah waxay ka caagganaayeen qorista iyo akhriska, taasina waxay dhalisey in wadaadku u hayo xeerarkii diinta islaamka iyo shareecadda, taas oo aheyd manhajkii nolosha bulshadeena reer miyiga ahayd. Xeerarkaas oo u ahaa marjic ay ku laabtaan marka guurku dhacayo, marka lays dhaxalayo iyo marka diyada la kala qaadanayo. Bulshada reer miyiga ah waxay lahayd wadaad iyo waranle. Wadaadku waa ninka kitaabka garabka ku sita, wixii gar ah oo uu naqoyana wuxuu ula noqdaa kitaabka. Waranluhu waa ninka dhallinyarada ah ee hubkiisa sita, kaas oo aanada laga galo ku doonta xoog iyo dagaal. Waranluhu wuxuu ka arradan yahay aqoonta diinta, sidaa darteed dagaalka uu qaadayo waa mid guddoonkeedu leeyihiin wadaaddada iyo xeer-beegtida beesha.

Wadaaddadu waxay ahaayeen kuwo ka reebban falal kasta oo addoomada Eebe lagu dulminayo, waxayna astaan u ahaayeen fal-kasta oo dugsada wanaagga iyo kheyrka. Waxay ahaayeen macallimiin bulshada xushmad ku leh, warkoodana la dhegeysto. Waxay si buuxda uga qeyb qaadan jireen nabadeynta beelaha colaaddu dhexmarto. Wadaaddadu, iyaga oo adeegsanaya xushmaddaas ay ku leeyihiin bulshada dhexdeeda ayaa marka ay colaad dhacdo, inta ay go?yaal cad soo qaataan iyo kutubo quraan ah ayey labada col dhexdooda istaagi jireen. Markaas bay labada beelood ugu baaqi jireen nabad iyo heshiis, qoladii diiddana waxay ku bajin jireen in ay habaarayaan. Habaarka wadaaddadu wuxuu ka mid ahaa awoodaha qarsoon oo ay bulshada reer miyiga ahi aaminsanaayeen. Sidaas ayaa waxaa ku hakan jirey dagaalka. Tilmaamahaas wanaagsan oo uu kheyrka badan weheliyo oo ay wadaaddadu lahaayeen ayay waxay sabab u noqotay in ninka wadaadka ahi uu reer kasta oo Soomaali ah uu u hoydo, gogol wanaagsanna loo dhigo. Waxaa dhici jirey in nin wadaad ah oo safar ah intuu beel ku soo hoydo, halkaas la dego inta xilo iyo xooloba loo gooyo. Maxamad Cabdulle Xasan oo arrintaa tilmaamaya wuxuu yiri :

Wadaadkii kitaabo leh inaan wan u qalaa weeye
Weylaalis inaan meel dugsoon ugu waraa weeye
Walanqihi iyo dhayada inuu walamsadaa weeye

Caadadaas qurxoon waxay ka mid ahayd astaamaha ay ku caanka ahaayeen dhaqanka wanaagsan oo ay bulshada reer miyiga ahi lahaayeen. Meeshii la rabey in dhaqankaas la horumariyo ayaa reer beledkii iyo kuwii ummadda matalayey waxay ku dadaaleen in ay aasaan, kuna tilmaamaan badownimo iyo wax laga tegey, iyaga oo u hanqal taagayey dhaqamo shisheeye oo la soo waaridey. Dhaqamadaasina waxay na dhaxalsiiyeen in lagu dhiirado in goor barqa ah lagu toogto fagaaro ku yiil magaalo madaxdii Soomaaliya culimadii diinta. Taasina waxay dhacdey 23-1-1975-kii. Dabadeedna loogu heeso
:
\" Sama diidow debin baa kuu dhigan lagugu dili doono 
........... \".
Ficil kasta oo khariban oo falkaas dabadiis dhacay wuxuu ahaa arrin ninkii caqli leh uu sugayey.

Ninku hadduu odeyoobo oo uu waayeel noqdo, da?da uu yahay awgeed ayuu wuxuu kaga mid noqdaa dabaqadaha la xushmeeyo oo bulshada reer miyiga ah ay yiraahdaan Biri ma-geydo ama lama taabtaan. Ninka waayeelka ah oo ka howlgabey da?dii hub-qaadka ayaa sida dhaqanku yahay wuxuu ku urursadaa kheyr-ka-talin iyo nabadeynta beelaha.

Gudo baas mid laga keeney oo garac ah mooyaane 
Ma gilgilo duqeytida ninkii Aw ka soo go?aye.

Waxaa jirta oraah soomaaliyeed oo oraneysa 
:
\" Saddex ayaa lagu caana-maalaa. Waayeel taliya, wiil aqbala iyo wadaad duceeya\" 
.
Waayeelka reer miyiga ahi, sida uu ugu taliyo qoyskiisa ayuu ugu taliyaa jilibka, jifida
iyo qabiilka uu ka dhashey. Waxaa kale oo dhici jirtey in duddada uu ku nool yahay qudheeda laga talo gelyeeyo. Wuxuu ahaa nin beelaha u dhexeeya. Bulshada xoolo dhaqatada ah, waxaa ceeb ku ahaa nin waayeela oo dagaal-ooge ah ama xaq darro wax ku xukmiya (sida maanta ay ku caan noqdeen qaar badan oo ka mid ah waayeelka reer magaalka). Inkasta oo ay jireen odeyaal fitna-oogayaal ah, misana tiro iyo tayo muuqata kuma ayan laheyn nolosha bulshadeenna reer miyiga ah. Dhaqanka reer miyiga ee wanaagsan, waayeelku ma\'aheyn xumaan ka-talis. Cali Aadan Gorayo (Cali Dhuux) ayaa tilmaamey sida uu ahaa dhaqanka ninka waayeelka ah, wuxuuna yiri :

Haddaanse anigu odeyoobey oon anafadii daayey
Ashahaado mooyee haddaan eebo ridi waayey

Waxaa dhici jirtey xilliyo adag oo inta leysku gafo misana la kala gar qaadan waayo. Xilliyadaas qallafsan waa dhici jirtey in ninka waayeelka ah uu dagaal curiyo si uu xad-gudubka u haro, xaquna uu sadkiisa u helo. Aw-Muuse Ismaaciil oo arrinkaas tilmaamaya wuxuu yiri :

Duca qabe adaan waxaan lahaa xaal walba u daaye
Da?daadaan lahaa waxay furfuri daharradii baase
Duulaanka hore waxaan lahaa wiilasha u daaye
Duq baa tahaye joog baan lahaa waa la soo didiye 
Haddiise laga dan baxay xaajadaan idin la doonaayey
Dirqi buu igu qabsadey hadalka inaan anigu dooxaaye
Dhaqanka noocaas ah oo guud ahaan ay soomaalidu ka sinaayeen, ayaa waayeelka reer miyiga ah waxay siisey xushmad iyo dhowris, bulshada xoolo-dhaqatada ah dhexdeeda loo ogsoonaa. 
Sheeko ka dhacday degaanka Ceel-buur baa waxay tahay, iyada oo abaar ba?ni jirtey ayaa kooxo qawleysato ah ka kaceen degaanka. Qowleysatadii baa jidka ka heley odey waayeel ah oo sibraarka ku sita caano sahay ah. Jicsinkii bay odeygii ka dhaceen. Odeygii wuxuu ku jid marey miraha geedaha oo uu gurto. Markii uu soo gaarey meeshuu u socdey ayuu ka sheekeeyey boobka lagu sameeyey. Arrintaas oo aheyd mid ka baxsan xeerka reer miyiga ayaa waxay dadkii ku noqotey mid ay qaadan waayaan. Dhallinyaradii u dhashey beeshii odeyga ayaa markiiba isu diyaariyey dagaal, si ay falkan foosha xun ee lagula kacay odeyga waayeelka ah uga soo aargutaan. Nin la yiraahdo Ceynab Diirshe oo u dhashey beesha odeyga ayaa gabey ka tiriyey arrinkii, kaas oo uu ku hakinayo dhallinyarada beeshiisa ah oo duullaanka u qalab qaatey, kuwii odeyga u gafeyna uu uga digayo natiijo xumida ka dhalan karta khaladkoodii. Ceynab wuxuu yiri :

Sabada Ceel-buur ragga fadhiya sowdka laga keeney
Ee aanan sifahooda garan waxan ku suureeyo
Dhaqankeenu waa summad waxaan sinaba loo sheegin
Sideetan jir sunniyuhu murxeen socod ka soo daaley
Oo saan ku boorre ah nafluhu kala sawaad roone
Seymaha colaadeed ninkaan si xunba loo eegin
Sifa xumada ay kula keceen saariqiyo tuuga
Ee sibraarka uga furteen sahayda jiilaalka
Ee laga sukuudee haddana sababna loo yeelin
War yaa sababey geerida haddey beladu saan qaaddo.

Gabeygaas markii loo geeyey beeshii dhibaatada geysatey, markiiba odeyaashoodii baa isu tegey. Waxay soo direen ergo. Odeygii gafka laga galey waxaa la siiyey xaal xuma-tir ah. Waxaa kale oo loo xukumey magtiisii in la bixiyo oo edeb-darrada lagula kacay baa waxaa loo xukumey sidii nin la diley oo kale.

Dhammaad