site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET MAGAZINE ...Archives...

DIINTA - 70-KA DANBI OO UGU WAAWEYN DIINTA ISLAAMKA (KABAA\'IRTA)

Quraankeenna kariimka ah iyo sunnada nabigeena suubban calehi salaatu wasalaam (CSW) waxay marar badan ka hadleen danbiyada waaweyn oo la doonayo inuu qofka Muslinka ahi iska ilaaliyo. Iyada oo ay lagama maarmaan tahay in qofka Muslimka ahi uu iska ilaaliyo danbiyada kuwa yar-yar iyo kuwa waaweynba, ayaa hadana waxaa aad muhiim u ah inuu qofku yaqaan danbiyada waaweyn si uu uga fogaado, haddii aan qofku aqoon danbiyada waaweyn sidee ayuu isaga ilaalinayaa?. Maadaama ayan jirin hal aayad ah ama hal xaddiis ah oo koobaya danbiyadaas ayna ku kala firiqsan yihiin meelo kala duwan oo quraanka iyo axaadiista nabiga (CSW) ka mid ah. Marar badan ayaad Quraanka ku arkaysaa iyada oo Ilaahay uu dadka muuminiinta ah ku tilmaamayo inay yihiin kuwa ka fogaada danbiyada waaweyn.

Culumo badan ayaa ku dadaalay inay danbiyadaas hal kitaab ah isugu keenaan si ay dadka ugu fududeeyaan. Culumada danbiyada waaweyn wax ka qoray iskuma raacsana inta ay tahay tirada danbiyada waaweyn. Culumadu waxay is weydiiyeen maxaa la oran karaa danbi weyn ( Kabiirah) ama danbiyo waaweyn (kabaa?ir). Culumadu waxay yiraahdeen danbi waxaa la oran karaa waa mid weyn haddii:-

  1. Danbigaas Ilaahay ama nabiga (CSW) ay ku tilmaameen inuu yahay mid weyn.
  2. Uu jiro xad lagu oogo qofkii danbigaas gala, tusaale ahaan marka Ilaahay leeyahay ?Tuugga (nin) iyo Tuugadda (dumar) haddii ay wax xadaan gacmaha ha laga jaro? waxay ku tusaysaa inay xatooyadu tahay danbi weyn, maadaama Ilaahay amar ina ku siiyay inaan xad ku oogno.
  3. Uu Ilaahay ama nabigu CSW ay qofkii danbigaas gala u sheegeen inuu naar mutaysanyo. Ama ay yiraahdeen nacalad ayaa ku dhacaysa qofkii sameeya.

Hadaba waxaan haddii Ilaahay raalli ka noqdo halkaan inoo ka bilaabanaya kitaab ka mid ah kuwa ugu caansan oo laga qoray danbiyada waaweyn. Sababta ugu weyn oo aan u doortay kitaabkaan waa isaga oo gaarsiiyay tirada danbiyada waaweyn ilaa 70 danbi. Kitaabka waxaa la yiraahdaa ?kitaabul al-kabaa?ir? oo macneheedu yahay ?kitaabkii danbiyada waaweyn? , waxaa qoray nin la yiraahdo shamsul-diin al-dahabi.
Al-dahabi wuxuu ku dhashay magaalada Dimishiq waddanka Suuriya sanadku markuu ahaa 1273-dii, wuxuu dhintay 1348-dii.?

Danbiga Koowaad: Shirkiga?
Danbiga danbiyada ugu weyn waa shirkiga oo macnihiisu yahay in qofku Ilaahay wax la wadaajiyo oo uu wax yaalo Ilaahay gaar u ah uu cid kale siiyo sida inuu qofku caabudo wax aan Ilaahay ahayn ama uu baryo ama uu rumeeyo in cid aan Ilaahay ahayn ay wax u dhimi karaan ama ay wax tari karaan.?
Shirkigu wuxuu u qaybsamaa laba qaybood:

  • Qaybta koowaad: waa shirkiga weyn oo uu qofku cid aan Ilaahay ahayn caabudo ama uu awooddii Ilaahay cid kale u rumeeyo. Shirkiga weyn meelo badan ayaa quraanku uga hadlay, waxaa ka mid ah marka Ilaahay leeyahay ?Ilaahay qofna uma dhaafo haddii uu wax la wadaajiyo, qofkii uu Ilaahay doonana waa u dhaafaa wixii shirkiga ka soo haray? suuradda al-nisa aayadda: 48aad.
    Mar kalena Ilaahaywuxuu yiri ?qofkii Ilaahay u shariig yeela, Ilaahay janada waa ka xaaraanshay, wuxuuna ku waarayaa naarta? suuradda Al-maa?idah aayadda: 73aad. Dhinaca Axaaddiista , Nabiga CSW ayaa saxaabada ku yiri ?ma idiin sheegaa 3-da danbi oo ugu waaweyn?? saxaabadii ayaa yiri ?haah, noo sheeg rasuulkii Ilaahayow?, nabigu wuxuu yiri ? Shirkiga, waalidka oo lagu caasiyo iyo shaahadatul zuurka (been lagu markhaati kaco), waa xaddiis ay Muslim iyo Bukhaari isku waafaqsan yihiin (mutafaqun calehi).
  • Qaybta labaad: Is-tustuska: shirkiga qaybtiisa labaad waa is-tustuska, waa iyada oo qofku markuu cibaadaysanyo uu meeshuu Ilaahay uga niyaysan lahaa uu cibaadada u sameeyo halagaa sheego ama ha lagu arko iwm. Axaadiis badan ayaa ku soo aroortay is-tustuska. Nabiga CSW ayaa laga soo wariyay inuu yiri ? waxaan idiinkaga digayaa shirkiga yar? saxaabadii ayaa waydiiyay ? waa maxay shirkiga yari?? nabiga csw ayaa ugu jawaabay ? waa is-tustuska?. Axaadiis aad u faro badan ayaa ku soo arooray in qofkii aan cibaadadiisa Ilaahay ula niyaysan uusan ka helayn wax ajar ah.