site-wide search

SomaliNet Online Library

SOMALINET MAGAZINE ...Archives...

FANKA IYO SUUGAANTA - TAARIIKHDA ABWAAN MAXAMUD CABDULLAHI CIISE (SANGUB)

Kolombo: waxaan ognahay in Riwaayadaha kharash badan ku baxo, tusaale ahaan qaad 
faro badan iyo fadhi badan la sameeyo si riwaayadda loo sameeyo. Sangub waxaa la sheegaa ama aniga qudhaydu aan ogahay in aadan wax balwad ah lahyn. Sidee ayaad riwaayadaha u samaysaa?
Sangub: Horta waxaan balwadda ka leeyahay fikradda ayay kaa guurisaa. Waxaan aaminsanahay in haddii qofku Jaadka cuno ama khamriga cabbo ama sigaarka cabbo in awoodiisa wax ka dhimman yihiin. Waqtigaan Riwaaydaha samayn jirnay dhib naguma hayn. Hobolada Waaberi waxay lahaayeen Akoon gaar ah, dowladdu markii ay 7% naga qaaddo, lacagta inta soo hartay intaanaan qaybin ayaan 10% meel u dhigi jirnay. Kharash wel-wel naguma hayn, markii abwaanku Riwaayadda uu alifo, waxaa la oran jiray ha la qiimeeyo intee ayaa ku baxaysa? Haddii uu yiraahdo hal malyan, shan boqol oo kun iwm waa la siin jiray. Ku balwad leh iyo ku aan balwad lahayn ma aannaan garan jirin kharshka ku baxaya, isla markaas waxaa kharashka laga celin jiray lacagtii riwaayadda ka soo baxda. Dadku fikradda ay naga haystaan iyo sida aan nahay aad ayay u kala duwan yihiin. Abwaaniinta iyo Fanaaniinta waa weyn dad badan ayaan qayilin oo aan balwad la hayn, ka soo qaad nimankii riwaayadaha samayn jiray, labadii (ilmo Aadan) Yusuf iyo Cismaan naxariis Alle ha siiyee midna ma qayili jirin. Dacar ma uu qayili jirin, waxaan maqlay intii uu dibadda yimid ayuu Jaad bilaabay. Tukaale ma qayili jirin . Xuseen Aw Faarax laan buu hayn jiray. Mecaad Miigane ma qayili jirin. Dadkeenna ayaa khalad ka fahansan in haddii qofku abwaan ama fanaan yahay uu balwad leeyahay, mana ahan arrintu sidaas. Balwaddu naguma badnayn. Xataa dadka balwadda leh waxaan ku khasbi jirnay inta wax la jilayo ama wax la xafidayo in uusan wax balwad ah isticmaali karin, xukun ayaana ka yiil in haddii qofkaasi isaga oo cabsan uu yimaado riwaayadaha laga fariisiyo, mushaarkana riwaayadaha ayaa laga heli jiray, qof kasta lafahiisa ayuu ilaashan jiray waana is xukumi jirnay. Xataa kuwa balwadda lihi waa naga qarsan jireen oo raalli kama ayan ahayn, haddee wax aadan aragna wax dhib ah ma leh. Kaligay ma ahayne dad badan ayaan balwad lahayn. Waxaan aamin sanahay inay balwad la?aantu I caawisay waayo haddaan maalina qaad cunayo maallina Khamro cabbayo marna baakad Sigaar ah daba cararo, dadka ayaaba I nici lahaa, oo idinka oo dhan shaxaad ayaan idinku wareerin lahaa, qof saas ahna ma noqon karo Abwaan ummadeed.

Kolombo: Maxamuud yaad ugu jeclayd inay riwaayadahaaga matalaan?
Sangub: Aniga riwaayadahayga waqtigii danbe dhallin yaro ayaa matali jirtay, waxaana u arkay in fanaaniintayada waa weyni ay dariiqa baneeyaan, mana kala jeclayn dadka riwaayadahayga dhiga, waxaan jeclaa qofka amarkayga qaata balse haddii la yiraahdo yaad u jeclayd, niman badan oo aan jeclaa waa jiraan, sida wiil aan dhalay waxaan u jeclaa Salaad Maxamed Shardi-Salaad darbi- waayo wuxuu ii ahaa mukhlis, waana dadaal badnaa, waana nin dul badan. Fanaaniin badan ayaan macallin u ahaa sida Bacalwaan, Cumar Rooraaye, Axmed Cali Cigaal, ilmo Mooge, ina Gacayte iyo kuwa kale oo badan. Dhammaantoodna waa I tixgalin jireen. Hase yeeshee Salaad Darbi dhibka uu iigu dulqaadan jiray cidna iiguma dulqaadateen, waayo Qabrigii Jacaylka intaan ogadiisa oo dhan koollo mariyo ayaan timaha ku dhajin jiray, dadku waxay u malayn jireen timo ku yaal, koolada ayaa korkiisa googayn jirtay, waligiisna ima oran dhib ayaa I gaaray. Gabdhuhu waa badnaayeen, dhallin badan ayaa riwaayadahayga ka qayb qaadan jiray sida Haldhaa, Saynab Cige-oo riwaayadahayga u badnayd-, Sahra Axmed. Saynab Cige waxay ahayd qolooyinkii aan aasaasay ee ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka (fakloorka), markii hore ciyaaraha waa nala ku caayi jiray, waxaa nala oran jiray tiyaatarkii ayay wasakh nagala soo galeen, ninkaan baas yaa naga qabta. Maadaama aan fanka ku soo galay dhaanto waligay waa jeclaa cayaaraha. Shamso Cumar Ilaahay ha u naxariistee, Caasho Walasaqo, Safiyo Geelle, Faynuus Shiikh Daahir. Qalanjo iyo Saynab Cige waxay ahaayeen hablihii aan soo saaray oo Fakloorka sidoo kale Xakiimo Caalin, Kaaho Shire. Marka riwaayadahygu waxay u badnaayeen fakloorka oo aan dhanna madax u ahaa dhanna mu?alif. Fananiinta waaweyn ninkii dhintay Dhagjar, Huryo alle ha u naxariisto dhamaantood iyo nin aan isaga saaxiibbo nahay oo aan sidii walaalo oo kale nahay Cabdi ?Dhuux- oo isagu hadda nool, Mecaad Miigane nimankaas iyagana saaxiib gaar ah ayaan ahayn, waa jeclaa inay riwaayahayga dhigaan. Dhallinyarada ayaan aad u jeclaa inay dhigaan riwaayadahayga, had iyo goorna fanku dhallinyaro wax maqasha ayuu u baahan yahay, waayo qofka weyn lama laylyi karo, wuxuu ku oranayaa ?saas ma arki jirin? . Hadda waxaa jira Mukhrij haga dadka wax jilaya. Waxaan aad u jeclaa inaan dhallinyarta soo saaro. Markii dambe waxaan noqday mid ka mid ah abwaaniinta ay Waaberi ku dhaartaan, dadkiina waxaan u noqday sidii waalid oo kale, gabar iyo wiilba waxay ii ixtiraami jireen sidii waalidkood oo kale, wali ma arag qof wax iga diida iyo mid I dhibaateeya, marka maxaan kala jeclaadaa? . Qof wax jilana oo wax ii matala waxaan u jeclaa Saado Cali waayo wax kasta waxay u samayn jirtay ama u oran jirtay, sidaan ugu sheego, midda kale iyadu waa muusikayste, waa mu?alif, waa ciyaartooy waa heesaa.

Kolombo: Maxamuud in badan ayaad ku soo jirtay fanka, maxaa la oran karaa Maxamuud fanka ayuu ku soo kordhiyay?
Sangub: ilaa iyo intii aan fanka ku jiray wax kordhi ayaan is lahaa. Dadka waxaad tiraahdaan mu?alif, waxaa jira erey sameeye. Anigu waa gabyaa, waana cayaaraa, laxankana waan sameeyaa,, waana matalaa, Riwaayadahana waan sameeyaa. Intaas oo qaybood baan fanka kaga qayb qaataa, marka haddaan cayaarayo, markii gabay loo baahdana aan gabyayo, markii loo baahdo in Muusig la sameeyana aan samaynayo, in la matalo markii la rabana aan matalyo, Riwaayad markii in la sameeeyo la doonayo aan samaynayo, waxaa la moodaa inaan qaybo waaweyn wax ka soo qabtay.